Home Blog Page 1566

Madaxweynaha Hirshabeele oo Beledweyne kulamo kula leh qeybaha bulshada iyo maamulka

0

Muqdisho(SONNA) Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee mamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Waxaa ku wehliya socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid ah maamulkiisa iyo xubno kale.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana uu kulamo la yeelanaya maamulka Gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi Baladweyne.

Waxaa la xirey waddooyinka qaar ee magaalada Baladweyne iyadoo siweyn loo adkeeyey Ammaanka magaalada Beledweyne, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaya waddooyinka magaaladaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu ku tago magaaladaasi Baladweyne tan iyo markii dhawaan uu ku guuleystay qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Khaliijka iyo Arrimo kale

0

Muqdisho (SONNA) – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

1.Golahu waxay si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017-ka ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.

2.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu dambeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

3.Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

4.Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Golaha Wasiirada ugu dambeyntii ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018-ka iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.

FAALLO:-Nabadaa Naas la Nuuga leh

0

Muqdisho(SONNA)–Maanta oo ah 21-ka Septembar , waxay ku beegan tahay Maalinta Caalimiga ee Nabadda, taaso oo ay qeexday Qaramada Midoobey Sanadkii 2001-dii, waana in aan qiimeyno maalintaan astaanta u ah in dunidu u baahan tahay nabad ka aslaaxda qarammada Dunida, Ummadaha iyo Bulshooyinka dhexdooda.

Xilliga hadda lagu jiro, ummadeenna waxay baahi xad dhaaf ah u qabtaa nabad in ay hesho, kuna naalooto. Xasiloonidu waxay dalkaan ka dhacay xasilooni darro baahsan iyo maamul la’aan Tan iyo dhicitaankii dowladdi dhexe billowgii 1990-kii waxaa joogto iyo caadiba noqday xassiloni darro iyo nabad la’aan, taasi oo soo jiitaamaysay in ka badan labaatameeyo sano, waxay galaafatay nolol fara badan iyadoo gaysatay khasaaro hantiyeed oo baaxad leh.

Innagoo ka faa’idaysanayno fursadaan, waa in aan diirada saarnaa waxa ka shisheeyo amniga iyo xasiloonida oo ah horumar qaran iyo wax-u qabasho bulsho, si kastaba ha ahaatee ammni iyo xasillooni waara haddii aan la helin lama gaari karo horumar la taaban karo, misna waara.

Dadka ku nool Soomaaliya haddi aanu nahay waxaa naga luntay fursad qaali ah oo lagu hergelin lahaa barnaamijka loo yaqaan Higsashada Gaariista Yoolalka Millanyumka (Millennium Development Goals – MDGs), kuwaas oo si caalami ah loogu hishiiyay markii la saxiixay Baaqa Mallanyumka bishii Sebtambar 2000. Soomaaaliya waxaa u saxiixay Mudane Dr. Cabulqaasim Salaad Xassan, oo Madexweyne ka ahaa Dowladdii KMG ahayd xilligaasi.

Haddaba munaasabadaasi awgeed waxaa ka hadlay masuuliyiin ka kala tirsan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana ka mid ah Warbixin ay soo saartay UNSOM taasoo ku sheegtay in Xilli lagu wado taariikhda marka ay ku began tahay 21-ka Sebtembar in adduunka dacalladiisa laga xuso Maalinta Nabadda Adduunka, aanu dib u soo nooleyno dadaalkeenna ku aaddan wada-hadal, wada-shaqeyn, iyo dib u heshiisiin, kuwaas oo ah mabaadii’da aasaaska u ah nabadda.

UNSOM waxay kaloo xustay in Nabaddu ay ka bilaabato shakhsi kasta oo anaga naga mid ah, si wadajir ahna waxaan suurtagal ka dhigi karnaa in Soomaaliya ay ku noolaato xasillooni, ayna mar kale qabato waddada horumarka.
UNSOM waxay halku dhig u soo qaataya Ereyada heesta “Nabadaa naas la nuugo leh” waxaa ay muujinayaan in nabadda ay tahay aasaaska qaran kastaba.

Waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka sareCabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.
“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa ku daray “Barbaareey Barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan”.

Munaasabaddaasi waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay in ay door muuqda ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay tahay 75%, isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan mar labaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka, waxaana looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay ku fara adeegaan nabadda, si wadajir ahna meel uaga soo wada jeestaan adkeynteeda, waxaana tii hore abwaanku ugu heesay Nibadaa Naas la Nuuga leh.

W.D: C/laahi Ruush

Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xiray Yemen

0

Hatramuut(SONNA)–Qaxooti Soomaali ah ayaa lagu xir-xiray Koonfuta Gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen sida ay sheegeen mamulka gobalkaasi.

Booliska Gobolka Hadhramaut ayaa xaqiijiyay ina ay qabteen 200 oo qaxooti Somali ah, kuwasi oo ku socday hab sharci darro ah ama aanan wadanin dukumintiyo sharciyeysan.

Qaxootigan oo ay ku jireen Caruur,Dumar ayaa soo gaaray yemen, sida ku qorneed War saxafadeed ka soo baxay Xarunta Booliska ku yaaalo Degmada Mayfa ee koonfurta gobolka Hadhramaut, sida ay sheegayaan warar laga helay Ciidamada amniga ayaa waxa sheegayaan in  dadkii la hayay loo gudbiyay xerada qaxootiga ee African ee ku taaalo koonfurta gobolka Shabwa ee Yemen.

Warbixin ay soo saartay  hayda UN-ka ee arrimaha qaxootiga  ayaa sheegayo in qaxootiga Africanka ah ee soo gaarayay Yemen tan iyo billowgii 2017-ka inuu dhaafay 30,000 oo Ruux.

Qaxootiga badanaa taga yemen ayaa waxaa la sheegaa in halkaaa ay joogan muddo kooban kadibna isku dayaan inay u gudbaan wadanka Shidaalka qaniga ku ah ee Saudi Arabia.

Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Nabadda Adduunka

0

Muqdisho(SONNA)—Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ka hadlay maalinta nabadda adduunka oo maanta oo kale laga xuso caalamka, taasoo ku beegan 21-ka September.

Guddoomiyuhu waxa uu Soomaalida ku booriyay inay nabadda ka shaqeeyaan, si loo gaaro horumarro dhinacyo badan leh, wuxuuna u rajeeyay inay sandkaan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.

Dhinaca kale waxaa isna munaasabaddaasi awgeed ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay in ay door muuqda ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay tahay 75%, isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan mar labaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Arrimaha Amniga, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale

0

Muqdisho, 21 September 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

1. Golahu waxey si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017 ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.
2. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu danbeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.
3. Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.
4. Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018 iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.

—-DHAMMAAD—-

Lacag dhan 1 milyen oo Dollar oo loogu deeqey Abaaraha Soomaaliya

0

Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa MalindaGates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitooas ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Lacag dhan 1 milyen oo Dollar oo loogu deeqey Abaaraha Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa MalindaGates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitooas ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhallinyarada ku booriyay xoojinta Nabadda

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay inay doormuuqdo ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay 75% isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan marlabaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo dhallinyarada ugu baaqay Nabadeynta dalka

0

Guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.

“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa ku daray “Barbaareey Barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan”.

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka.