Home Blog Page 1567

Shirka 15-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka furmay Johannesburg”Sawirro”

0

Johannesburg(SONNA):–Shirka 15 aad ee golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa ee magacoodu yahay Al-bayaan oo inta badan gacanta ku haya goobaha waxbarashada iyo Masaajida Soomaalida ayaa waxaa uu ka furmay magaalada johannesburg,iyadoo ay ka qeybgalayaan qeybaha kala duwan ee hey’ada oo ka kala yimid dalka South Africa.

“Shirkaan waaa shirkii 15 aad ee la qabto, ajandihiiso wuu badan yahay wuxuuna socon doona labada maalin ee uu socdo waxaana laga doodaya inta uu socda arimo dhowr ah” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka hey’ada Culimada Al-bayaan Axmed Cabdi “Axmed Dheere” oo warbaahinta qaranka la hadlay.

Ajandayaasha sanadkaan horyaala culimada oo ay ka doodi doonaan ayaa ka mid ah Arimaha waxbarashada,dhalinyarada,wacyigalinta bulshada,muslimiinta cusub iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.

“Ujeeda kulankaan loo qabto waa mid ku qotonta arimaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa waxaa laga doodaya qodobada loo baahan yahay in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore nagu soo laabtay” sidaas waxaa sheegay Sheikh Xasan Guurre Hogaanka guud ee hey’ada Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa al-bayaan.

Sanad walba ayaa kulankaan lagu qabtaa midka mid ah magaalooyinka dalka South Africa, waxaana culimada ay inta badan diirada ku saaraan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan wacyigalinta diiniga.

Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

DHAMMAAD

8-daSeptember Maalinta Qoraalka iyo Akhriska Addunka

0

Muqdisho(SONNA)–Madaama ay maanta oo kale ay ku began tahay maalinta Qoraalka iyo Akhriska Adduunka ayaa waxaa xusid mudan in dib loo jaleeco sida ay u hirgashay qorista Afkeena Soomaaliga iyo heerarkii uu soo maray.

Afka Soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii, waxaa lagu qoraa xuruufta laatiinka kadib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer kadib, guddigu wuu talo gafay, balse Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgaliyay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.

18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan, Guddigii Af Soomaaliga ee shaqeynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay farta Laatiinka, taasi oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag bille ah sida “Iftiinka Aqoonta”, iyadoo ay jireen tartan ballaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba. Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arrimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale.

Tirada dhabta ee dadka ku hadla Af-soomaaliga lama yaqaan, waxaase lagu qiyaasaa ilaa 19.65 Milyan oo qof, kuwaasi oo ku kala firarsan Caalamka, waxaana kaloo jira aragtiyo kale oo gaarsiiya ilaa 25 Milyan oo qof.

Bishii October 1972-kii ayey Soomaaliya ku dhawaaqdey qorsita Far Soomaliga iyo in af Soomaaligu noqdo lugadda rasmiga ah ee dalka., intii wakhtigaa ka horreysey, ma uusan jirin af-soomaali qoran oo la adeegsadaa Iskuulada, Xafiisyada dawladda iyo dhammaan nolosha oo dhan, waxaase loo adeegsan jiray qoraalka afafka Talyaaniga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

Guusha uugu weyn ee lagu xasuusto dawladdii Siyaad Barre (AHUN), waa qoritaanka far Soomaaliga,waana muhiim in Far Soomaaliga iyo Af-Soomaaligaba la xoojiyo, la ilaaliyo horena loo Mariyo.

W.D: C/laahi Ruush

Madaxweynaha JFS oo booqday Dugsiga tababarada ee Janaraal Goordan

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga Tabarada Ciidamadda Janaraal Goordan ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku dhiiro galiyay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar ugu socday Xarunta Janaraal Goordan .

Xarunta Dugsiga Tababarada Ciidamada Janaraal Goordan oo ku taallo Degmada Hodan ayaa ah Xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya hadaladii uu meesha ka jeediyay oo Faah-faahsan goor-dhow ka filo Halkan.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Johannesburg

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Sangoma ayaa xalay kooxo burcad ah waxaa ay ku dileen duleedka magaalada Johannesburg.

Marxuumka geeriyooday waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaasha Gawaarida Taxi-yada Soomaalida ee isku xera magaalooyinka Johannesburg iyo Magaalada Pretoria, waxaana xilliga la tooganayay la sheegay in ruux macaamiishiisa ka mid ahaa oo gabar ah uu halkaasi u qaaday.

Dhanka Kale gaari ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaali ah noociisuna yahay Fartner Toyota oo ka baxay magaalada Johannesburg kuna sii jeeday magaalada Cape Town ayaa shil waxaa uu ku galay meel ku dhow magaalada beaufort west oo qiyaastii 462,1KM u jirta magaalada Cape Town.

Laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar ayaa dhaawac culus uu soo gaaray sida ay Wariyaheena C/laahi Qorshe u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow shirkada gaariga uu u shaqeynayay oo Soomaali ay leeyihiin.

Madaxweynaha JFS oo booqday Dugsiga tababarada ee Janaraal Goordan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga Tabarada Ciidamadda Janaraal Goordan ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku dhiiro galiyay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar ugu socday Xarunta Janaraal Goordan .

Xarunta Dugsiga Tababarada Ciidamada Janaraal Goordan oo ku taallo Degmada Hodan ayaa ah Xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Isbedel ku yimid wax soo saarka dalagyada Beeraha Shabeelaha Dhexe

0

Muqdisho(SONNA) Beeraleyda ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in uu is jiro isbedel ku yimid dhanka wax soo saarka dalaggyada gaar ahaan Liinta,iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay gobolada Dalka.

Qaar kamid ah beeralaydaasi ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ka haysto dhanka iibka ee dalagyada ay soo goosteen,taasi oo ay ku tilmaameen in markii ay suuqyada keenaan laga siisto qiimo jaban,sababo la xiriirka qaabka kala iibsiga oo aan isku xirnayn ganacsatadda.

Gudomiye ku xigeenka uruka iskaashatooyin Beeraleyga Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed  Axmed  ayaa waxa uu warbaahinta qaran uga  waramay caqabadaha ka heysta ganacsigooda  iyo sidoo kale qaabka ay u iibiyaan liinta kala duwan sida qalinjinta ayadoo ay ka mid tahay dalagyada laga dhoofiyo dalka.

“Waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan, Liinta oo aan anaga soo saarno,balse waxaa dhibaato ay ka taagan tahay wixii aan juhdi ku bixinay maku heleysid qiimo u qalma,sababtuna waxay tahay suuqyada oo durba kaaga horeeya dalagyo kale,mana midaysna qiimaha,marka taasi ayaa dhibaato ay inaga haysataa”, Ayuu yiri Max’ed Axmed.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid yahay gobolada ugu wanaagsan xagga  wax soo saarka dalagyada beeraha oo inta badan dhaqalaah dalka uu ku tiirsan yahay,balse beeralayda ayaa u baahan maalgelin iyo in la dhiira geliyay si loo horumariyo ganacsigooda.

HALKAN KA DHAGEYSO: WARBIXIN KOOBAN OO UU KA DIYAARIYAY WARIYEHEENA C/QAADIR CALI AXMED.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Johannesburg

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Sangoma ayaa xalay kooxo burcad ah waxaa ay ku dileen duleedka magaalada Johannesburg.

Marxuumka geeriyooday waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaasha Gawaarida Taxi-yada Soomaalida ee isku xera magaalooyinka Johannesburg iyo Magaalada Pretoria, waxaana xilliga la tooganayay la sheegay in ruux macaamiishiisa ka mid ahaa oo gabar ah uu halkaasi u qaaday.

Dhanka Kale gaari ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaali ah noociisuna yahay Fartner Toyota oo ka baxay magaalada Johannesburg kuna sii jeeday magaalada Cape Town ayaa shil waxaa uu ku galay meel ku dhow magaalada beaufort west oo qiyaastii 462,1KM u jirta magaalada Cape Town.

Laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar ayaa dhaawac culus uu soo gaaray sida ay Wariyaheena C/laahi Qorshe u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow shirkada gaariga uu u shaqeynayay oo Soomaali ay leeyihiin.

 

Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

0

Muqdisho(SONNA) Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram la’aan, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa Haddii kooramka kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo dhameystirmi lahaa waxa ay maanta ka hadli lahaayeen go’aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay arinta C/kariin Qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF.

Isbadal laga dareemayo wax soo saarka dalagyada beeraha

0

Beeraleyda ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in uu is jiro isbedel ku yimid dhanka wax soo saarka dalagyada gaar ahaan Liinta, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay qaar  ka mid ah gobolada Dalka.

Qaar kamid ah beeralayda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ka haysto dhanka iibka ee dalagyada ka soo go’a beerahooda, taasi oo ay ku tilmaameen in markii ay suuqyada keenaan laga siisto qiimo jaban, sababo la xiriirka qaabka kala iibsiga oo aan isku xirnayn ganacsatada.

Guddoomiye ku xigeenka uruka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed  Axmed  ayaa waxa uu warbaahinta Qaranka uga  waramay caqabadaha ka heysta ganacsigooda.

“Waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan, Liinta oo aan anaga soo saarno,balse waxaa dhibaato ay ka taagan tahay wixii aan juhdi ku bixinay maku heleysid qiimo u qalma,sababtuna waxay tahay suuqyada oo durba kaaga horeeya dalagyo kale,mana midaysna qiimaha,marka taasi ayaa dhibaato ay inaga haysataa”, Ayuu yiri Max’ed Axmed.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ka mid yahay gobolada ugu wanaagsan xagga  wax soo saarka dalagyada beeraha oo inta badan dhaqalaaha dalka uu ku tiirsan yahay, balse beeralayda ayaa u baahan maalgelin iyo in la dhiira geliyo si loo horumariyo ganacsigooda.