Guddoomiyaha Aqalka sare oo dhallinyarada ugu baaqay Nabadeynta dalka

Date:

Guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.

“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa ku daray “Barbaareey Barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan”.

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...