Madaxweynaha Hirshabeele oo Beledweyne kulamo kula leh qeybaha bulshada iyo maamulka

Date:

Muqdisho(SONNA) Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee mamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Waxaa ku wehliya socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid ah maamulkiisa iyo xubno kale.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana uu kulamo la yeelanaya maamulka Gobolka iyo shacabka ku dhaqan magaaladaasi Baladweyne.

Waxaa la xirey waddooyinka qaar ee magaalada Baladweyne iyadoo siweyn loo adkeeyey Ammaanka magaalada Beledweyne, ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaya waddooyinka magaaladaasi.

Waa safarkii ugu horeeyay uu ku tago magaaladaasi Baladweyne tan iyo markii dhawaan uu ku guuleystay qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...