Lacag dhan 1 milyen oo Dollar oo loogu deeqey Abaaraha Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa MalindaGates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitooas ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...