Lacag dhan 1 milyen oo Dollar oo loogu deeqey Abaaraha Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Munaasabad gaar ah oo ka dhacday magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka ayaa looga hadlaya dhibaatooyinka ka dhashey abaarihii ku dhufay Soomaaliya,iyadoo looga faa’idaysanayay hogaamiyaasha Dunida oo shir Caalami ah halkaasi uga qeybgalaya.

Waxaa goob joog ahaa madashaasi,madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama,Ra’iisul Wasaaraha Kanada,Bilgates ninka ugu taajirsan Adduunka iyo Xaaskiisa MalindaGates,ganacsato iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed,iyo fanaaniin lagu magacaabo Love Army kuwaasi oo Soomaaliya u yimid si ay u caawiyaan dadka dhibaataysan.

Mudadii ay socotay xafladda ayaa waxaa dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen qaarkood loogu deeqey lacag dhan 1 milyen,waxaana lacagaaasi ilaa 1000 qoys mobiladooda loogu soo shubay min 1000 Dollar,iyadoo sitooas ah looga daawanayay aalahaha Internetka.

Arrintani ayaa waxaa dowr muuqda ka qaatay koox Fanaaniin Caalami ah,kuwaasi oo dhowr jeer Soomaaliya u yimid si ay uga qeybqaataan sidii Caalamka loogu gudbin lahaa dhibaatooyin abaaraha ah ee kajira Soomaaliya.

Bilgates iyo Xaaskiisa Malinda Gates ayaa intabadan waxaa ay qabtaan xafladaha nuucaan ah.kuwaasi oo loogu talagalay in dhaqaale loogu uruuriyo wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka bani,aadanimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...