Qaxooti Soomaaliyeed oo lagu xiray Yemen

Date:

Hatramuut(SONNA)–Qaxooti Soomaali ah ayaa lagu xir-xiray Koonfuta Gobolka Hadhramaut ee dalka Yemen sida ay sheegeen mamulka gobalkaasi.

Booliska Gobolka Hadhramaut ayaa xaqiijiyay ina ay qabteen 200 oo qaxooti Somali ah, kuwasi oo ku socday hab sharci darro ah ama aanan wadanin dukumintiyo sharciyeysan.

Qaxootigan oo ay ku jireen Caruur,Dumar ayaa soo gaaray yemen, sida ku qorneed War saxafadeed ka soo baxay Xarunta Booliska ku yaaalo Degmada Mayfa ee koonfurta gobolka Hadhramaut, sida ay sheegayaan warar laga helay Ciidamada amniga ayaa waxa sheegayaan in  dadkii la hayay loo gudbiyay xerada qaxootiga ee African ee ku taaalo koonfurta gobolka Shabwa ee Yemen.

Warbixin ay soo saartay  hayda UN-ka ee arrimaha qaxootiga  ayaa sheegayo in qaxootiga Africanka ah ee soo gaarayay Yemen tan iyo billowgii 2017-ka inuu dhaafay 30,000 oo Ruux.

Qaxootiga badanaa taga yemen ayaa waxaa la sheegaa in halkaaa ay joogan muddo kooban kadibna isku dayaan inay u gudbaan wadanka Shidaalka qaniga ku ah ee Saudi Arabia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...