Guddoomiyaha Gobolka oo dhallinyarada ku booriyay xoojinta Nabadda

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay inay doormuuqdo ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay 75% isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan marlabaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...