Soomaaliya oo laga xusayo Maalinta Nabadda Adduunka

Date:

Muqdisho(SONNA)—Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ka hadlay maalinta nabadda adduunka oo maanta oo kale laga xuso caalamka, taasoo ku beegan 21-ka September.

Guddoomiyuhu waxa uu Soomaalida ku booriyay inay nabadda ka shaqeeyaan, si loo gaaro horumarro dhinacyo badan leh, wuxuuna u rajeeyay inay sandkaan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.

Dhinaca kale waxaa isna munaasabaddaasi awgeed ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay in ay door muuqda ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay tahay 75%, isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan mar labaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...