FAALLO:-Nabadaa Naas la Nuuga leh

Date:

Muqdisho(SONNA)–Maanta oo ah 21-ka Septembar , waxay ku beegan tahay Maalinta Caalimiga ee Nabadda, taaso oo ay qeexday Qaramada Midoobey Sanadkii 2001-dii, waana in aan qiimeyno maalintaan astaanta u ah in dunidu u baahan tahay nabad ka aslaaxda qarammada Dunida, Ummadaha iyo Bulshooyinka dhexdooda.

Xilliga hadda lagu jiro, ummadeenna waxay baahi xad dhaaf ah u qabtaa nabad in ay hesho, kuna naalooto. Xasiloonidu waxay dalkaan ka dhacay xasilooni darro baahsan iyo maamul la’aan Tan iyo dhicitaankii dowladdi dhexe billowgii 1990-kii waxaa joogto iyo caadiba noqday xassiloni darro iyo nabad la’aan, taasi oo soo jiitaamaysay in ka badan labaatameeyo sano, waxay galaafatay nolol fara badan iyadoo gaysatay khasaaro hantiyeed oo baaxad leh.

Innagoo ka faa’idaysanayno fursadaan, waa in aan diirada saarnaa waxa ka shisheeyo amniga iyo xasiloonida oo ah horumar qaran iyo wax-u qabasho bulsho, si kastaba ha ahaatee ammni iyo xasillooni waara haddii aan la helin lama gaari karo horumar la taaban karo, misna waara.

Dadka ku nool Soomaaliya haddi aanu nahay waxaa naga luntay fursad qaali ah oo lagu hergelin lahaa barnaamijka loo yaqaan Higsashada Gaariista Yoolalka Millanyumka (Millennium Development Goals – MDGs), kuwaas oo si caalami ah loogu hishiiyay markii la saxiixay Baaqa Mallanyumka bishii Sebtambar 2000. Soomaaaliya waxaa u saxiixay Mudane Dr. Cabulqaasim Salaad Xassan, oo Madexweyne ka ahaa Dowladdii KMG ahayd xilligaasi.

Haddaba munaasabadaasi awgeed waxaa ka hadlay masuuliyiin ka kala tirsan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana ka mid ah Warbixin ay soo saartay UNSOM taasoo ku sheegtay in Xilli lagu wado taariikhda marka ay ku began tahay 21-ka Sebtembar in adduunka dacalladiisa laga xuso Maalinta Nabadda Adduunka, aanu dib u soo nooleyno dadaalkeenna ku aaddan wada-hadal, wada-shaqeyn, iyo dib u heshiisiin, kuwaas oo ah mabaadii’da aasaaska u ah nabadda.

UNSOM waxay kaloo xustay in Nabaddu ay ka bilaabato shakhsi kasta oo anaga naga mid ah, si wadajir ahna waxaan suurtagal ka dhigi karnaa in Soomaaliya ay ku noolaato xasillooni, ayna mar kale qabato waddada horumarka.
UNSOM waxay halku dhig u soo qaataya Ereyada heesta “Nabadaa naas la nuugo leh” waxaa ay muujinayaan in nabadda ay tahay aasaaska qaran kastaba.

Waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Aqalka sareCabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay nabadda ka qeyb qaataan, maadaama ay maanta ku asteysantahay maalinta caalamiga ah ee Nabadda adduunka 21-ka september.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay gacan weyn ka geystaan Nabadeynta dalka, waxaana uu xusay in baaqa Nabadda ay qaataan maadaama maanta ay ku asteysantahay maalinta Nabadda Adduunka.
“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa ku daray “Barbaareey Barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan”.

Munaasabaddaasi waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, wuxuuna sheegay in maanta oo ku beegan maalinta Nabadda Adduunka ay muhiim tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan xoojinta Nabadda, ayna ka hortagaan cidkasta oo carqaladeyneysa Nabadda Dalka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay munaasabad lagu weyneynayay xuska maalinta Nabadda adduunka 21-ka September oo ku beegan maanta ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahanyahay in ay door muuqda ka qaataan Nabadeynta dalka oo ay ka hortagaan kooxaha xagjirka ah ee doonaya inay Soomaaliya ka dhigtaan meel gabaad ah.

Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhallinyarada ay tahay 75%, isla markaana haddii ay gacmaha is qabsadaan ay ka soo dhallaali karaan doorka uga aadan ka shaqeynta Nabadda dalka, isla markaana maamulka Gobolka uu isna gacan ka geysan doono sidii dhallinyarada loogu abuuri lahaa fursado shaqo.

“Maanta oo ah maalinta Nabadda adduunka, ardaydii ayaa ka qeyb gashay si ay ugu dhiiri geliyaan dadka ka shaqeynaya Nabadda, waxaan mar labaad ku celinayaan in aan u istaago ka shaqeynta Nabad iyo Nolol, Hambalyo Hambalyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Maanta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka, waxaana looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay ku fara adeegaan nabadda, si wadajir ahna meel uaga soo wada jeestaan adkeynteeda, waxaana tii hore abwaanku ugu heesay Nibadaa Naas la Nuuga leh.

W.D: C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...