Home Blog

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga sare ee hay’adda GCERF (Global Community Engagement and Resilience Fund), kaas oo ka dhacay Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkaan oo looga hadlayey ka hortagga xagjirnimadda ee waddamada dowladnimadoodu nugushahay ee Aduunka ayaa waxaa kasoo qeeyb galay Madax ka socotey Yurub, Afrika, Japan iyo Carabta.

Inta Shirku socday ayaa la isku raacay in Soomaaliya aay badashay Dalka Kenya oo muddo soo hogaaminayey Guddiga sare ee (Boar-ka) muddo dheer ku matalaayey GCERF Dalalka Soomaaliya , Musambiiq iyo Kenya.

Agaasime Cali Yaasiin Gurbe ayaa badalay Mr Kibiego Rotich Agaasiamaha Guud ee Xarunta Ladagaalanka Argagixisadda Kenya isagoo si buuxda GCERF ugu matalaya Dalalka Musambiiq, Kenya iyo Somalia

Tallaabdaan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya iyo Xarunta Qaran ee Tubsan aay fagaarayaasha dunida ee Argagixiso-ladirirka ay ku matalidoonto dadlka Bariga afrika.

Shirkaan kan xiga ayaa lagu qabanayaa Magaaladda Tokyo ee dalka Japan.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka. Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP, xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan rasmi ah oo ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika la yeesheen Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Cheong Wa Dae.

Kulankan, oo qayb ka ahaa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika, ayaa lagu muujiyey kobaca xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed, iyadoo diiradda lagu saaray fursadaha lagu xoojinayo ganacsiga, maalgashiga, teknoolojiyadda, iyo horumarka waara.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta ku qabatay xarunta Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga munaasabad lagu daahfurayay Ereybixinta Amniga Saaybarka, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada Af-Soomaaliga ee la xiriira Amniga Saaybarka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed iyo Amniga Saaybarka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in Af-Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.

“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda, casriga ah waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade).

Prof. Cabdalla Cumar Mansuur, Ku-simaha Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimadda ereybixintu ay u leedahay horumarinta afka iyo cilmiyeyntiisa, isaga oo tilmaamay in mideynta ereyada cusub iyo ka faa’iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta Af-Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta afka.

“Ereybixintu waa waxa afka ka dhigaya mid cilmiyeed. Marka ereyo cusub la sameynayo waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado tarjumaad xarfi ah, isla markaana laga faa’iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay Af-Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara aqoonta iyo culuumta cusub.” ayuu yiri Prof. Cabdalla Cumar Mansuur.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh , ayaa sheegay in dadaaladan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga Af-Soomaaliga ee Amniga Saaybarka.

“Helitaanka ereybixin mideysan oo af-Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta sharciyada, siyaasadaha, qoraallada cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira dunida dhijitaalka ah,” ayuu yiri Mudane Mustafa

Mudane Mustafa ayaa sidoo kale xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto tarjumaadda maqaallada cilmiyeed, buugaagta iyo agabka kale ee teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka aqoonta iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dhijitaalka ah.

Daahfurka Ereybixinta Amniga Saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo Af-Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca amniga saaybarka, si bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmi karto ugana faa’iidaysan karto fikradaha iyo erayada cusub ee la xiriira teknoolojiyadda casriga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorsheynta Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Boqortooyada Eswatini Mudane Dr.Thambo Gina, intii uu socday Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kuuriya iyo Afrika ee ka dhacaya magaalada Seoul.

Wadahadallada labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eswatini.

Dr. Gina ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Eswatini ay u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta midnimada Afrika, is ixtiraamka, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ay wadaagaan danaha iyo mudnaanta guud.

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka ee u Adkaysiga Isbeddelka Cimilada iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Investment Programme – WIP) 2026–2030.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda waaxda gaarka loo leeyahay, si ay u ansixiyaan laba hindise oo muhiim u ah amniga biyaha iyo adkaysiga isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa ansixinta mashruuca “Nidaamyada Kaydinta iyo Gurashada Biyaha Roobka ee Magaalooyinka Nugul ee Soomaaliya”. kaas oo lagu qiyaasay USD 25.8 milyan.

Mashruucan waxaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka Xuddur (Bakool), Garbahaarey (Gedo), Matabaan (Hiiraan), Dhuusamareeb (Galgaduud), Laascaanood (Sool), iyo Badhan (Sanaag).

Mashruucu wuxuu diiradda saarayaa dhismaha kaabeyaasha gurashada iyo kaydinta biyaha roobka, xoojinta nidaamyada xogta iyo saadaasha cimilada, iyo horumarinta maamulka biyaha ee heer degmo si loo yareeyo saameynta abaaraha soo noqnoqda loona hagaajiyo helitaanka biyo waara oo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, ka qaybgalayaashu waxay ansixiyeen Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (WIP) 2026–2030, oo uu hoggaaminayo MoEWR, kaas oo leh qorshe maalgashi oo lagu qiyaasay USD 232 milyan si loo taageero mashaariicda mudnaanta leh ee la xiriira biyo-gelinta, kaydinta biyaha, maareynta fatahaadaha, horumarinta biyaha dhulka hoostiisa, waraabka, nadaafadda, adkaysiga cimilada, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Shirkan ansixinta ayaa calaamad u ah tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo qorshaha Soomaaliya ee maalgashiyada biyaha u adkaysi u leh isbeddelka cimilada, isla markaana la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Waaxda Biyaha, Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada (NAP), NDC 3.0, Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Afrika (AIP).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Arrimaha Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masaarida ee Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar Dr. Badr Abdelatty, intii uu socday Shirka Wasiirrada Afrika iyo Kuuriya ee ka socda magaalada Seoul.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqeynta dhinacyada ay labada dal danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Wasiir Cabdisalaan ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo hay’adaha qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Korea–Africa Ministerial Meeting oo ka dhacday magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkaan ayaa isugu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Republic of Korea, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga, horumarinta koboc waara, iyo dardargelinta danaha ay wadaagaan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyada oo diiradda saareysa kobcinta iskaashi miro dhal ah, soo jiidashada maalgashi, horumarinta hal abuurka iyo xoojinta awoodaha hay’adaha dalka.

Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ayaa ah madal muhiim u ah wada hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah isla markaana lagu dhiirrigelinayo horumar iyo barwaaqo waarta.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka rabshadaha wata, Mudane Aweys Maxamed Cumar, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada xafiis, gaar ahaan dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fikradaha xagjirka ah, kor u qaadista wacyiga dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo doorka ay ciyaaraha iyo barnaamijyada dhalinyarada ka qaadan karaan dhismaha nabadda, midnimada bulshada, iyo ka hortagga xagjirnimada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado wax-ku-ool ah oo dhiirrigeliya nabadda, hoggaaminta wanaagsan, iyo ka qeyb qaadashada horumarka dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed Eelaay, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cirro iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga ee sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Wasiirka iyo saraakiisha ayaa geesiyaasha ku amaanay sida Shacabka Soomaaliyeed uga difaacayaan Khawaarijta, waxaana ay farriin u direen maleyshiyaadka duurka ku jira si ay isu soo dhiibaan.

Amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran ayaa ah kuwo hagaagsan, waxaana taas sabab u wadashaqeyn wanaagsan ee ka dhaxeeysa ciidanka iyo shacabka Koonfur Galbeed.