Home Blog

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

0

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Isaak Mursal, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhigiisa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Damjan Joviฤ‡.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxaa si toos ah looga wadalay xiriirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, waxaana laga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wadahadalladu waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga farsamooyinka cusub technologiyadda casriga ah, waxbarashada, amniga, iyo kordhinta wada-shaqeynta labada dal ee fadhiyadda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood horseed u noqonaya xoojinta aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee labada waddan.

Labada Wasiir waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga goโ€™an tahay dardargelinta wadatashiyada siyaasadeed ee joogtada ah, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta danaha wadajirka ah iyo ballanqaadyada labada dal si loo sii xoojiyo xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeen Mursal ayaa uga mahadceliyay Dowladda Serbia soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen magaalada Belgrade, isaga oo ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dal si ay uga faaโ€™iidaystaan labada shacab.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo uu hoggaaminaayay Safiirka udalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed (Afandi).

Wafdiga Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maamulka sare ee Jaamacadda Al Neelain university iyo Daarusalaam oo kamid ah jaamacadaha ka howlgala dalka Suudaan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka guddoomay Maamulka Jaamacadda Daaru Salaam oo sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa deeq waxbarasho oo ay ugu talagaleen Maamulka Dekadda.

Kulanka qaabilaadda waxaa goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho Mudane Ismaaciil Aw-muuse.

Wasiir Xasan Macallin โ€œXeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in xeerkaan cusub oo ay ka soo shaqeeyeen xeeldheerayaal Soomaali ah uu yahay mid la jaanqaadaya Xaaladaha bulsho ee iyo Xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Xeerka ciqaabta oo badallaya kii hore oo lagu soo dhaqmay dhowr iyo lixdan sano,waxa uu horseedayaa in ay yaraadaan dambiyada ka dhexdhaca dadweynaha iyo in la ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee qeybaha bulshada.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin waxa uu caddeeyay in xeerka ciqaabta Soomaaliya lagu saleeyay diinta islaamka ,dhaqanka Soomaalida iyo hab dhaqanka xeerarka dowladaha carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka, sharciga ururada iyo xisbiyada siyaasadda,waxa uu soo saaray qoraalkaan.

Guddiga waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu xirmay hannaanka qabashada liiska musharixiinta ururada siyaasadda ,kaa oo ku bilowday 12,kadibna gaaray 18,ugu dambeynna ku soo xirmay 20 urur siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay liiska musharixiinta doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir,waxayna kala yihiin:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

0

Tripoli, 11ย  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

Munaasabaddan oo loo yaqaano TRIPOLI MEDIA DAYS, ayaa lagu martiqaadey oo ka soo qeybgaley Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Suxufiyiinta ayaaย  lagu abaalmarinayey kaalinta ay kaga jiraan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska Libya, kadib dhowr sano oo xaalado adag ay soo martey.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay horumarka iyo dib u soo kabashada Libya, isagoo u rajeeyay horumar iyo xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada dal ee Soomaaliya iyo Libya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer isla markaana ay Soomaaliya daneyneyso in la sii xoojiyo Iskaashiga labada dal, taasina ay marqaati ka tahay booqashii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu tegay Libya bishii February ee sannadka aynu ku jirno ee 2025-ka.

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

0

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay dhismaha cusub ee saldhigga Booliiska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masโ€™uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga gudaha, saraakiil sare oo Boolis ah, maamulka degmada Howlwadaag iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Dhismahan cusub ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid casri ah oo kor u qaada awoodda laamaha amniga degmada, lana jaanqaadi kara baahiyaha amni ee deegaanka.

Taliyaha saldhigga Howlwadaag Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Xasan Cali ayaa sheegay in ay tahay farxad gaar ah in saldhigga degmada uu yeelanayo dhismo cusub oo casri ah, taas oo sare u qaadi doonta adeegyada Booliska iyo kalsoonida shacabka.

Dowladda ayaa horey u shaacisay qorshe ballaaran oo dib-u-dhis loogu sameynayo xarumaha Booliska si loo xoojiyo amniga iyo la-dagaalanka dambiyada.

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

0

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ku qabtay kulan dadweyne oo looga hadlayay doorka ururada bulshada ay ku yeelan karaan socodsiinta howlaha maamulka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha fulinta shuruucda horyaalla baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyadda, waxaana ururada bulshada ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo qorshayaasha socda.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:

– Kor u qaadidda dakhliga gudaha

– Casriyeynta nidaamka canshuuraha

– Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha

– Ilaalinta hantida guud ee shacabka

Masโ€™uuliyiinta ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Hirshabeelle Cumar Maxamed Soomane iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar (Gaab).

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Naftii halligahaan ayaa damacsanaa in uu qarax la beegsado ciidanka ku jira xerada Dhagabadan,hasa yeeshee Ciidanka ilaalada xeradaasi oo foojigan ayaa durbadiiba toogtay naftii-haligahasi,kaas oo ku qarxay afaafka hore ee halkaasi.

Qaraxaasi la fashiliyay ayaa la sheegay in uu sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dhowr qof oo kamid ah Ilaalada Xerada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay ciidanka xerada Dhagabadan foojignaanta iyo sida ay uga hortageen baftii halligahaasi doonaayey in uu isku qarxiyo gudaha xerada.

๐‘/๐– ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ ๐š๐š๐๐๐š๐ง ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š ๐€๐š๐๐š๐ง๐š๐ก๐š ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

0

Muqdisho, 10 December 2025:- Iyada oo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre waxaa uu hambalyo iyo boggaadin u direy guud ahaan bulshada Soomaaliyeed maadaamaa horumar ballaaran laga sameeyay u saldhigista arrimaha xuquuqda aadanaha.

โ€œSoomaaliya waxaa ka goโ€™an Geeddi-Socodka Xuquuqul Insaanka, waana jaangooyada siyaasadeed oo looga gudbayo xasaradaha looguna tallaabayo dhismaha dal sharci iyo kala dambeyn lehโ€ ayuu yiri Mudane Xamsa.

Soomaaliya kaliya ma ahan mid ka mid ah saxiixayaasha heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha , ee waxa heshiisyadan ka dhigaysaa xeerar maxali ah oo la falgala nolol maalmeedka dadka heer degmo illaa heer federal, si hubanti looga dhigo illaalinta xaqa asaasiga ah ee muwaadhinka.

Xuska maalintan caalamiga ah ayaa sanadkan kusoo aadaysa iyada oo xukuumadda Dan Qaran ay dhistay guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, Ansixyay Baarlamaanka Federaalka ah, maantana kama dambeys uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa ugu dambeyntii xusey in ka sokoow guddiga, dowladda ay xoojisay Xafiiska Xeer Illaaliyaha Guud, Taliska Ciidanka Soomaaliyeed iyo Hayโ€™adaha Garsoorka si ay awood ugu yeeshaan in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan fal kasta oo xad gudub ku ah xuquuqul insaanka.

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay 12 dhagar-qabe.

0

WAR SAXAAFADEED.

Muqdisho, December 10, 2025: Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo, ayaa intii uu socday isu badalay dagaal fool-ka-fool ah, iyada oo uu cadawga Khawaarijta Hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla markaana, waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka NISA, kuwaas oo Dowladdu ay gacanta ku heyso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad.

Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.