Home Blog Page 1592

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Masar

0

Qaahira, Ogosto 20, 2017- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalka.

Ajandayaasha kale ee Madaxweyne Farmaajo iyo Al Sisi ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la leh wasiirrada dhiggooda ah ee Masar iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isdhaafsi uga yeelan lahaayeen dhinacyada beeraha, waraabka, tamarta iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri kulamo la qaadan doona Sheekha Al-Azhar Dr.Axmed Al-Dayib iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirrada Arrimah Dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Khayre “Culumadu door weyn bey ku leedahay hoggaaminta Bulshada”

0

Muqdisho, 20 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku ammaanay culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo suurtogeliyey in Soomaalidu ay soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu heshay loogu gurmaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri “Culumada door weyn bey ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.”

Culumada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigelinta doorka culumada oo Guddiyada sida kan Abaaraha iyo kan Taakuleynta Ciidankaba ugu dareen.

Culumada ayaa u xaqiijisay Ra’iisul Wasaaraha inay diyaar u yihiin sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen Bulshada isla markaasna ay diyaar u yihiin in Dowlada ay ku toosiyaan dariiqa saxa ah, isla markaasna garab istaagaan marwalba si dalka loo gaarsiiyo horumar ballaaran oo dhan walba ah.

DHAMMAAD

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare”Waxaan bilaabi doonaa Barnaamijyo Bulshada aan ugu ifineyno shuruucda dalka”

0

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo maanta xafiiska kula hadlay warfidiyeenada  ayaa waxa uu sheegay in uu bilaabi doono Barnaamijyo taxano ah oo shacabka Soomaaliyed loogu ifinaayo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa intaa ku daray in Barnaamijyadaan taxanaha ah oo isbuuciiba 2-jeer ay Bulshada usoo bandhigi donaan si loo fahansiiyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka, waana Barnaamij wacyigilin iyo baraarujin ku saabsan kaa oo looga gonleeyahay sidii Bulshada iyo dhamaan Hay’adaha dowladda ay u hogaansami lahayeen  shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arimo badan oo ay ka mid yihiin qofka muwaadinka ah inta uu ogalyahay in xoriyadiisa laga qaadi karo mudada uu  sharciga  qabo.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ugu danbeyntii soo hadal qaaday in lagama maarmaan ay tahay in Bulshada loo iftiimiyo shuruucda dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka dalka China

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka China u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Qin Jain,waxayn ka wada hadlayn habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara China iyo Soomaaliya, iyo sidii labada wadan uga wada shaqeyn lahaayeen dhanka maalagashiga iyo Ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay booqashada Safiirka dalka China, sidoo kalena waxuu u mahad celiyay muwaadaniinta u dhashay dalka China, kuwaa soo dalxiis ku yimi Soomaaliya, si ay u arkaan quruxda iyo bilicdda dhulka Soomaaliyeed, isagoona taas ku macneeyay in dalka Soomaaliya uu hormuud u yahay wadamadda loo soo dalxiis tago ee qaaradda Africa.

“China iyo Soomaaliya waa labo dal oo xariir dheer leh si wanaagsana u wada macaamila, waxyna iska kaasahan doonaan dhanka ganacsiga iyo maalgashiga maadaama ay Soomaaliya markale ku soo laabatay saaxadda aduunka’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Safiirka dalka China Mr Qin Jain ayaa tilmaamay in wadankiisu uu diyaar u yahay in Soomaaliyada cusub ay ka caawiyaan dhanka difaaaca iyo la dagaalanka argagixisada, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan amni, dawladuna ay si buuxda u maamusho amaanka dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya oo uu waheliya Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Camuud ayaa qalab xafiis ka gudoomay Safiiirka dalka China,waxaana loogu tala galay in lagu dardargaliyo shaqooyinka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

DHAMMAAD

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo gaaray Masar

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, waxaana garoonka diyaaraha ee magaalada Qaahira ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaas Abdel Fattah El Sisi.

Labada madaxweyne ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda kulan yeeshaan isla markaana ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dowladood, gobolka iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan ee  Afrika

Booqashadii ugu horeysay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku tago dalka Masar tan iyo markii madaxweynaha jamhuuriyadda loo doortay 8 Fibraayo ee sanadkan.

Madaxweynaha ayaa wefdigiisa waxaa kamid ah wasiirka arimaha dibadda iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan madaxtooyada qaranka.

Wasiir Xoosh oo la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka

0

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyayaal ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa ugu horeeyn Wasiirka iyo Xubnahii la socday soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid.

Intaa kadib, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Guddiga uga warbixiyay hawlaha Wasaaradda ay wado.

“Anaga markii aan la wareegnay xilka Wasaaradda waxa aan go’aansanay in aan bilaawno u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan kulamo wadatashi ah ku qabanay qaar kamid ah dawlad goboleedyada oo aan ku dhageeysaneynay ra’yiga shacabka ee ku aadan Ololaha dib-u-eegista Dastuurka ee dalka ka bilaabmi doona sanadkan” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga ay yiri “In aan wadashaqayn idin la yeelanno waa mid lagama maarmaan ah oo aan su’aal la gelin karin oo ay tahay in aan bilawno, diyaar ayaan idiin nahay waqti walba oo aad noo baahataan si aad su’aallo nooga weydiisaan hawlaha socda; farxad wayn bay ii tahay in aan wadashaqayno Guddigan oo xubnaha katirsan badankood aanu nahay asxaab horey u soo wadashaqeysay oo kawada tirsanaa Baarlamankii 9aad” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiye Cabdi Qaybdiid ayaa Wasiirka uga mahadceliyay hawlaha ay Wasaaradda qabatay, waxa uuna u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan si dadka Soomaaliyeed ay u heelaan Dastuur dhameeystiran.

Gebagabadii, Wasaaradda iyo Guddiga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa ku ballamay wadashaqayn.

Gudoomiye Jawaari  oo Muqdisho uga qeyb galay shir ku saabsan Iskaashiga Barlamaanka FS iyo kuwa dowlad goboleedyada

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha JFS ayaa Muqdisho uga qeybgalay shir ku saabsan iskaashiga Baarlamanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Kulanka waxaa looga hadlayaa Sameynta isku duwida iyo iskaashiga Baarlamaanka dhexe iyo Kuwa dowlad goboleedyada.

Hay’adda UNDP ayaa soo qaban qaabisay Kulanka, wuxuuna ka mid yahay mashruuca UNDP ee taakuleynta baarlamaanada.

Maalinkii labaad ayuu socdaa Kulanka, iyadoo maanta ay goob joog yihiin gudoomiyaha golaha shacabka iyo gudoomiyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda oo ka warbixiyey Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

0

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Soomaaliya Cabdi  Canshuur Xasan oo ka qeyb galay barnaamijka waxqabad ee ka baxa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana horyaalla mudanayaasha Aqalka Sare uu waxbadan ku soo kordhin doono dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Daqliga.

Wasiirka Boostada ayaa sidoo kale sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka  markuu dhaqan galo uu abuuri dooni Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka taasoo maamuli doonta dhaqangalka Sharciga Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya  iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo haddii ay jiraan kulamo ay la yeesheen.

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Ayaa sheegay in Casharkii laga bartay dhibaatada Go’itaankii Internedka in uu sababay in ay billaabeen qorshayaal looga gudbi karo haddii markale ay dhibaatadaas  oo kale  dhacdo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga”Wey sii socon doonaan Howlgalada Sh/Hoose”

0

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Cabdullaahi Iimaan Ceynte oo lahadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sii socon doonaan Howlgalada Ciidanka Xoogga ay ka wadaan deegaanadii lagala wareegay Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalada oo shalay Maleeshiyaadka Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in cadowga aan loo ogolaan in ay kusii nagaadaan, ciidanka xoogga dalkana ay diyaar u yihiin sidii loo cirib tiri lahaa maleeshiyaadkaasi.

Howlgalada socda ayuu ku tilmaamay Cabdullaahi Iimaan Ceynte afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka in ay ka duwan yihiin howlgaladii hore maadaama aaney joogsan doonin inta Argagixisada awoodooda laga wiiqayo.