Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga Tabarada Ciidamadda Janaraal Goordan ee Magaalada Muqdisho.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku dhiiro galiyay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar ugu socday Xarunta Janaraal Goordan .
Xarunta Dugsiga Tababarada Ciidamada Janaraal Goordan oo ku taallo Degmada Hodan ayaa ah Xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.