Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Kulan wadatsahi ah oo ujeeddadiisu ahayd sidii Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada ee ka jira magaalada Muqdisho ay ugu qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ku tilmaamay kulanka in uu yahay mid muhiimad wayn leh oo loo baahanyahay in bahda waxbarashada ay talooyinkooda dhiibtaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay horay kulamo wadatashi ah u la soo qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada, balse kulankan uu yahay midkii ugu muhimsanaa maadaama ay bahda waxbarsahada ay kaalin mug wayn uga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socday dhamaan Jaamacadaha Caasimadda iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyay kulanka, waxa ayna talooyin ku saabsan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka la wadaageen Wasaaradda.

Ugu damabayn, Wasaaradda ayaa u ballanqaaday bahda waxbarashada in ay door wayn ku lahaan doonaan halwaha Wasaaradda, waxaana lagu ballamay wadashaqayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...