Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada oo ka tala dhiibtay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka

Date:

Kulan wadatsahi ah oo ujeeddadiisu ahayd sidii Jaamacadaha iyo Dalladaha Waxbarashada ee ka jira magaalada Muqdisho ay ugu qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabatay Muqdisho.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha waxa uuna ku tilmaamay kulanka in uu yahay mid muhiimad wayn leh oo loo baahanyahay in bahda waxbarashada ay talooyinkooda dhiibtaan.

Sidoo kale, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr Xuseen Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay horay kulamo wadatashi ah u la soo qaadatay qaybaha kala duwan ee bulshada, balse kulankan uu yahay midkii ugu muhimsanaa maadaama ay bahda waxbarsahada ay kaalin mug wayn uga jiraan bulshada Soomaaliyeed.

Ka qaybgalayaasha oo ka kala socday dhamaan Jaamacadaha Caasimadda iyo Dalladaha Waxbarashada ayaa aad u soo dhaweeyay kulanka, waxa ayna talooyin ku saabsan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Geedi-socodka la wadaageen Wasaaradda.

Ugu damabayn, Wasaaradda ayaa u ballanqaaday bahda waxbarashada in ay door wayn ku lahaan doonaan halwaha Wasaaradda, waxaana lagu ballamay wadashaqayn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...