Isbedel ku yimid wax soo saarka dalagyada Beeraha Shabeelaha Dhexe

Date:

Muqdisho(SONNA) Beeraleyda ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in uu is jiro isbedel ku yimid dhanka wax soo saarka dalaggyada gaar ahaan Liinta,iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay gobolada Dalka.

Qaar kamid ah beeralaydaasi ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ka haysto dhanka iibka ee dalagyada ay soo goosteen,taasi oo ay ku tilmaameen in markii ay suuqyada keenaan laga siisto qiimo jaban,sababo la xiriirka qaabka kala iibsiga oo aan isku xirnayn ganacsatadda.

Gudomiye ku xigeenka uruka iskaashatooyin Beeraleyga Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed  Axmed  ayaa waxa uu warbaahinta qaran uga  waramay caqabadaha ka heysta ganacsigooda  iyo sidoo kale qaabka ay u iibiyaan liinta kala duwan sida qalinjinta ayadoo ay ka mid tahay dalagyada laga dhoofiyo dalka.

“Waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan, Liinta oo aan anaga soo saarno,balse waxaa dhibaato ay ka taagan tahay wixii aan juhdi ku bixinay maku heleysid qiimo u qalma,sababtuna waxay tahay suuqyada oo durba kaaga horeeya dalagyo kale,mana midaysna qiimaha,marka taasi ayaa dhibaato ay inaga haysataa”, Ayuu yiri Max’ed Axmed.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid yahay gobolada ugu wanaagsan xagga  wax soo saarka dalagyada beeraha oo inta badan dhaqalaah dalka uu ku tiirsan yahay,balse beeralayda ayaa u baahan maalgelin iyo in la dhiira geliyay si loo horumariyo ganacsigooda.

HALKAN KA DHAGEYSO: WARBIXIN KOOBAN OO UU KA DIYAARIYAY WARIYEHEENA C/QAADIR CALI AXMED.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...