Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...