Kulan looga hadlayey dhaqan gelinta heshiis u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo lagu qabtay Gaalkacyo

Date:

kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay wadiiqadii loo mari lahaa dhaqan galinta qodabadii dhanka Nabada oo ay shalay ku kala saxixdeen magaalada Gaalkacyo waxgaradka iyo masuuliyiinta dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa maanta labada madaxweyne ku xigeen ee Puntland iyo Galmudug waxa ay la qaateen gudigii loo xilsaray dhaqan galinta qodabada lagu heshiiyay maadaama dhowr jeer lagu guuleysan waayay in ay meel maraan qodabo ay ku heeshiiyeen labada dowlad gobaleed.

Madaxweyne ku xigeenada dowlad gobaleedyada Galmudug iyo puntlandMaxamed Xaashi Cabdi iyo C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo gunaanadkii kulanka maanta ka hadlay ayaa xusay in looga baahan yahay gudiga loo igmaday taabagalinta qodabadii laysku afgartay in kudadaalaan sidii loo dhaqan galin lahaa.

Waxaa  dhanka kalana ay ka dhawaajiyay labada madaxweyne ku xigeen in maalmaha soo socda madaxda iyo gudiguba ay kormeer ku tagi donaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada labada dowlad gobaleed iyo dhulka miyiga ah ee ay colaaduhu ka oogan yihiin

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...