Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Johannesburg

Date:

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Sangoma ayaa xalay kooxo burcad ah waxaa ay ku dileen duleedka magaalada Johannesburg.

Marxuumka geeriyooday waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaasha Gawaarida Taxi-yada Soomaalida ee isku xera magaalooyinka Johannesburg iyo Magaalada Pretoria, waxaana xilliga la tooganayay la sheegay in ruux macaamiishiisa ka mid ahaa oo gabar ah uu halkaasi u qaaday.

Dhanka Kale gaari ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaali ah noociisuna yahay Fartner Toyota oo ka baxay magaalada Johannesburg kuna sii jeeday magaalada Cape Town ayaa shil waxaa uu ku galay meel ku dhow magaalada beaufort west oo qiyaastii 462,1KM u jirta magaalada Cape Town.

Laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar ayaa dhaawac culus uu soo gaaray sida ay Wariyaheena C/laahi Qorshe u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow shirkada gaariga uu u shaqeynayay oo Soomaali ay leeyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....