Home Blog Page 1593

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Johannesburg

0

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Cabdiqani Sangoma ayaa xalay kooxo burcad ah waxaa ay ku dileen duleedka magaalada Johannesburg.

Marxuumka geeriyooday waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku xamaasha Gawaarida Taxi-yada Soomaalida ee isku xera magaalooyinka Johannesburg iyo Magaalada Pretoria, waxaana xilliga la tooganayay la sheegay in ruux macaamiishiisa ka mid ahaa oo gabar ah uu halkaasi u qaaday.

Dhanka Kale gaari ay saarnaayeen dhalinyaro Soomaali ah noociisuna yahay Fartner Toyota oo ka baxay magaalada Johannesburg kuna sii jeeday magaalada Cape Town ayaa shil waxaa uu ku galay meel ku dhow magaalada beaufort west oo qiyaastii 462,1KM u jirta magaalada Cape Town.

Laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar ayaa dhaawac culus uu soo gaaray sida ay Wariyaheena C/laahi Qorshe u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow shirkada gaariga uu u shaqeynayay oo Soomaali ay leeyihiin.

 

Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

0

Muqdisho(SONNA) Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram la’aan, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa Haddii kooramka kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo dhameystirmi lahaa waxa ay maanta ka hadli lahaayeen go’aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay arinta C/kariin Qalbi dhagax oo kamid ahaa saraakiisha Jabhadda ONLF.

Isbadal laga dareemayo wax soo saarka dalagyada beeraha

0

Beeraleyda ku dhaqan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in uu is jiro isbedel ku yimid dhanka wax soo saarka dalagyada gaar ahaan Liinta, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay qaar  ka mid ah gobolada Dalka.

Qaar kamid ah beeralayda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan caqabado ka haysto dhanka iibka ee dalagyada ka soo go’a beerahooda, taasi oo ay ku tilmaameen in markii ay suuqyada keenaan laga siisto qiimo jaban, sababo la xiriirka qaabka kala iibsiga oo aan isku xirnayn ganacsatada.

Guddoomiye ku xigeenka uruka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed  Axmed  ayaa waxa uu warbaahinta Qaranka uga  waramay caqabadaha ka heysta ganacsigooda.

“Waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax soo saarka dalagyada, gaar ahaan, Liinta oo aan anaga soo saarno,balse waxaa dhibaato ay ka taagan tahay wixii aan juhdi ku bixinay maku heleysid qiimo u qalma,sababtuna waxay tahay suuqyada oo durba kaaga horeeya dalagyo kale,mana midaysna qiimaha,marka taasi ayaa dhibaato ay inaga haysataa”, Ayuu yiri Max’ed Axmed.

Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ka mid yahay gobolada ugu wanaagsan xagga  wax soo saarka dalagyada beeraha oo inta badan dhaqalaaha dalka uu ku tiirsan yahay, balse beeralayda ayaa u baahan maalgelin iyo in la dhiira geliyo si loo horumariyo ganacsigooda.

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool South Africa oo shir muhiim ah uga furmay Johannesburg

0

Shirka 15 aad ee golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa ee magacoodu yahay Al-Bayaan oo inta badan gacanta ku heysta goobaha waxbarashada iyo Masaajidda Soomaalida ayaa waxaa uu ka furmay magaalada Johannesburg, waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee hey’adda oo ka kala yimid gudaha dalka South Africa.

“Shirkaan waaa shirkii 15 aad ee la qabto, ajandaha waaa badan yahay waaa kuwa idin horyaala sidaas ayuu ku socon doona labada maalin ee uu socdo waxaana laga doodaya arimo dhowr ah” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Hey’ada Culimada Al-bayaan Axmed Cabdi “Axmed Dheere” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Ajandayaal badan ayaa sanadkaan horyaala culimada oo ay ka doodayaan isla markaana la doonayo in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore la qorsheeyay ee soo laabtay, waxaana ka mid ah Arimaha waxbarashada, dhallinyarada, wacyigalinta bulshada, muslimiinta cusub iyo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.

“Ujeeda kulankaan loo qabto waa mid ku qotonta arrimaha muhimka u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa, waxaa laga doodaya qodobada loo baahan yahay in wax laga qabto iyo kuwii sanadkii hore nagu soo laabtay” Sheekh Xasan Guurre Hogaanka guud ee hey’ada Culimada Soomaaliyeed ee dalka South Africa Al bayaan.

Sanad walba ayaa kulankaan lagu qabtaa midka mid ah magaalooyinka dalka South Africa waxaana culimada ay inta badan diiradda ku saaraan kulmadaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa gaar ahaan wacyigalinta diiniga.

 

Israa’iil oo dhaqaale ku bixineysa inay guuraan Falastiiniyiinta 

0

Wargeys laga leeyahay Dalka Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu wado Xisbiga Qaranka ee dalkaasi oo  ujeedadiisu ay tahay in Falastiyiinta ay u haajaraan dalalka Carabta, iyada oo la kordhinayo deegaameynta Yahuuda ee daanta Galbeed, si looga hortago dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin.

Qoraa u dhashay Israa’iil Chaim Levinson oo ka tirsan Wargeyska Haaretz  oo soo xiganaya Bezalel Smotrich oo ah xubin ka tirsan  Xisbiga Garabka Midig  ayaa sheegay in qorshahaan  uu qeyb ka yahay in la burburiyo Hay’adaha Falastiin iyo in sare loogu qaado deegaameynta.

Xisbiga ayaa maalgalin doono olale xagga internetka ah oo lacag magdhow lagu siinayo Dadka ogalaada in ay u guuraan dalalka dariska ee Carabta, taasi oo ay soo jeediyeen sharci yaqaano ka tirsan Xisbiga.

Smutrich oo qeyb ka ah Olalahaan  ayaa sheegay in mashruucaan uusan qeyb ka aheyn dhaqaalaha ku baxaya barakacinta, hase ahaatee  laga caawinayo qarashaadka dhoofka iyo magdhowga iyaga oo aan la qasbeyn,  isaga oo intaasi ku daray ra’i aruurin la sameeyay ay muujineyso in %30 Dadka Falastiin ay daneynayaan Dibadda.

Waxa uu intaasi ku daray  Smutrich  in haddii lagu guuleysto in sanad kasta 20,000 oo u dhashay Falastiin ay ka baxaan daanta galbeed in taasi ay  oga sahlan tahay dhaqaalaha Israa’iil oga baxa dagaalada iyo howllgalada sanad kasta.

Warbixinta Wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay  in kuwa  daneynaya in ay sii joogaan daanta galbeed ee dhulalka la heysto la siinayo sharciga Muwaadinimo ee Israa’iil, haddii ay ka tanaasuaalaan rabitaankooda oo diyaar u yihiin ay ka mid noqdaan Israa’iil.

Israa’iil ayaa qabsatay dhulalka reer Falastiin 1967, waxaa marar badan fashilmay heshiiyo nabadeed oo xal loogu raadinayo colaada labada dhinac

Yahuuda wali waxa ay wada deegaameynta, halka falastiin ay sheegtay in ay aqbaleyso Dowlad ku dhisan xuduudihii 1967 caasimadeednu ay tahay Qudus.

 

 

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta Ka hadli doono go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ………..

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in loosoo gudbiyey in ajandaha Maanta ee Golaha Shacabka uu ku saabsanyahay Go’aan ay dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya soo saareen.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Haddii kooramka kalfadhiga Golaha Shacabka uu soo dhameys tiro ay maanta ka hadli doonaa go’aanka ay xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay Arinta Qalbi dhagax.

Wixii kusoo kordha kulanka Baarlamaanka  Halkaan kala soco

Kulankii Golaha Shacabka oo baaqday

0

Kulanka Golaha Shacabka JFS oo maanta la filayey in uu ka dhaco xarunta Golaha ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday.

Kulanka ayaa lasoo sheegayaa in maanta uu u baaqday kooram la’aan awgeed, maadaama xubnaha golaha shacabka maalmihii ugu dambeeyey ay kujireen fasax, iyada oo fasaxoodana uu kusoo beegmay munaasabadaha maalmaha Ciidda.

Wariyaheena Ibraahim Guudle Isxaaq oo xarunta Golaha Shacabka ku sugan ayaa kusoo waramaya in kulanka uu u baaqday Kooram la’aan, sidaasi daraadeedna maanta uusan jirin wax kulan ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ayaa la sheegay in qorshuhu uu ahaa in mudanayaasha ay ka hadlaan Go’aanka Xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Cabdikariin Qali dhagaxoo ka mid ahaa saraakiisha  ONLF.

Akhriso qodobada ay ku heshiiyeen Maamulada Puntland iyo Galmudug

0

Wasiirka Dib-u-heshisiinta iyo Dastuurka ee Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Colaad ayaa ka hadlay shirkii lagu soo gabo gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga.

Kadib shir muddo shan maalin u socday maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa lagu heshiiyay toban qodob, kuwaasi oo looga hadlayay arrimaha amniga.

  1. In laga hortago waxkasta oo keeni kara colaad, lana joojiyo dhaq dhaqaaq ciidan, iyadoo la hubinayo in ciidamada ay ku ekaadaan xarumahooda.
  2. In la isla qaato Nabadda, lana gaarsiiyo dadka Gobolka ku nool
  3. Waxaa la isku afgartay in muddo 90 cisho gudahood lagu qabto shir weyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo qilfaafaadka gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisan guddiyo farsamo
  4. In labada maamul ay si dhameystiran u hergeliyaan heshiiskii la galay 22-kii June 2017 iyo kuwii ka horeeyay.
  5. In la furo waddooyinka xiran, lana kormeero heshiisyadii xabad joojinta
  6. In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lana xisaabtamo wixii dhacdooyinka laga soo bilaabo dhacdadii Bali buusle, maamuladana ay taageraan xal u helidda dhacdooyinka
  7. In culimaa’udiinka, Ganacsatada, Jaaliyadaha ee Gobolka ay gacan ka geystaan sidii wada jir ay uga qeyb qaadan ka shaqeynta sidii lagu gaari lahaa Nabadda.
  8. Waxaa la sku raacay, lana dhisay guddi ka kooban 36 xubnood oo ka shaqeeyaa arrimaha Nabadda
  9. In Guddiga Nabadda ee labada dhinac ay ka soo shaqeeyaan xeerka lagu xakameynayo dhacdooyinka faldambiyeedyada ah.
  10. In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesta ciddii ka hortimaado dadka Walaalaha ee Galmudug iyo Puntland.

Muwaadin Mareykan ah oo qirtay in uu Shabaab ka tirsanaa

0

Muqdisho(SONNA) Muwaadinkani oo u dhashey Mareykanka ayaa si toos ah u qirtay in uu ku biiray Al-Shabaab,islamarkaana  uu  u safray Soomaaliya si uu uga helo tababar maleeshiyada Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu sidoo  kale taageero Maaliyadeed uu siiyay Al-Shabaab,kadib markii la soo taagay maxakamada ku taala Mareykanka gaar ahaan magaalada Newyork,taasi oo in muddo ah baaritaan ku haysay ninkaasi qirtay argagixisanimada

Waxaa lagu magacaabaa Maalik Alim Jones, oo da’diisu tahay  32-jir,wuxuuna xusay in uu doonaayo in dhammaan dambiya laga qafiifiyo xukunkooda, maadaama uu qirtay kahor inta uusan hor imaan garsooraha degmada District Paul Gardephe ee Manhattan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu Maalik Alim Jones uu Soomaaliya yimid islamarkaana ku biiray koxda Shabaab, sanadkii 2011,wuxuuna la shaqeynayay ilaa 4 sano.

Wuxuu ka soo tagay magaalada Baltimore ee Gobolka Maryland ee Dalka Mareykanka,sanadkii 2015  ayaa waxaa gacanta ku dhigay hay’adaha amaanka Soomaaliya xili uu u safrayay dalka Yeman taasi oo sahashey in Mareykanka uu xabsiga dhigo maxakamadna la soo taago.

Go’aanka maxakamadeynta Mr Maalik Alim Jones  ayaa lafilayaa in la soo geba gebeeyo 25 January 2018,waxaana uu wajihi karaa xabsi dhan 30 sano.

Degmada Waaberi oo ku guuleysatay tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Benaadir

0

Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay garoonka Banaadir ee degmada C/casiisee magaalada Muqdisho,tartankaasi oo muddooyinkii dambe si xiiso leh uga soconayey magaalada Muqdisho.

Tartankan oo ay final-kiisa wada ciyaareen labada degmo ee Waaberi iyo Hodan, ayaa wareegii 1-aad ayaa ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Waaberi 2-0 Hodan.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd ayaa waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socoda degmooyinka Gobolka Banaadir.

Markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Waaberi waxay dhalisay goolkii 3-aad, balse daqiiqado kadib ayaa kooxda Hodan la timid 1 goal waxaana gebi ahaanba ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay Waaberi 3-1 Hodan.

Waaberi ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Sami final-ka waxay soo reebtay Degmada Hilliwaa halka Hodan ay soo garaacday Kaaraan.

Kooxda kubadda cagta ee Waaberi ayaa caawa loo caleema saaray horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana sanadkii hore tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ku guuleysatay degmada Boondheere, oo ka qaatay Waabari.

Sikastaba 28-kii Agoosto 2014 ayey aheyd markii degmada Waabari ay finalka la ciyaartay Xamar Weyne, iyadoo Waabari loogu adkaaday 2-0, si lamid ah sanadkii xigay 2015 ayaa waxaa Wabari 1-0 ugu qaaday Boondheere,waana markii saddexaad oo xiriir ah.