Home Blog Page 1593

Jaamacada Plasma oo ka mid noqotay Hogaanka Midowga Jaamacadaha Afrika  (AAU)

0

Gudoomiyaha Jaamacada Plasma Prof. Hassan Kaafi ayaa loo doortay inuu noqdo wakiil Goboleedka Bariga afrika ee golaha sare ee hogaanka Midowga Jaamacadaha Qaarada Africaka ( Association of African Universities(AAU) .

 

Ururkan oo ay ku midaysan yihiin 381 Jamacadood oo ku yaala qaarada Africa ayaa waxaa hogaamiya gole sare oo ka ka kooban 10 wakiil goboleed oo matalaya shan gobol ee dhaca Bariga, Galbeedka, Koofurta, Waqooyiga & Bartamaha qaarada Afrika.

 

Plasma waxaa loo doortay 4 sano ee soo socota (2017-2021) wakiil Gabaleedka Bariga Afrika oo ay hoos imanayaan dhamaan jaamacadaha ku yaala in ka badan 10 dal oo kala ah ; Somaaliya, Kenya, Tansaniya, Uganda, Rwanda, Burundi, Sudan ,South Sudan , Ethopiya , Eretereya, Jabuuti .

Urarkan ayaa sanadkan u dabaal degay sanad guuradiisii 50-tanaad ( 1967-2017) taas oo kusoo beegantay Shirweynihiisii 14-naad ee afartiisanaba mar lagu qabto dal ka mid ah dalalka qaarada afrika  waxaana sanadkan lagu qabtay 05- 08 June 2017 Caasimadda dalka Ghana Accra oo ay ku taalo Xarunta weyn ee Ururka midowga jaamacadaha afrika (AAU).

 

Jamacada Plasma ayaa noqonaysa Jaamacadii ugu horeysay ee guushaas usoo hoysay Jaamacadaha dalka soomaaliya taas oo albaabka ufuraysa xiriir dhexmara Jamacadaha dalka iyo jaamacadaha qaarada gaar ahaan kuwa gobolka bariga afrika sidoo kale ka caawinaysaa Jaamacadaha raba inay xubin buuxda ka noqdaan Midowga Jaamacadaha Afrika (AAU) .

 

Jaamacada Plasma ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ahayd wakiil sharafeedka Jamacadaha Soomaliya xaga xariirka urarruda caalamiga ee Jamacadaha dunida, iyadoo doorashada kursigan cusub ee afarta sano ee soo socata uu keeni doono in uu sii xogaysto xiriirka caalamiga ah ee jamaacadaha somaliya iyo jamaacadaha dunida , lana ixtiraamo Jaamacadaha dalka soomaliya.

 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo bandhigtay waxqabadkeedii ee labadii bil ee la soo dhaafay.

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeedii labadii bil ee la soo dhaafay ee April iyo May, Wasiir Cabdi Xoosh oo saxaafadda xafiiskiisa kula hadlay ayaa uga jawaabay su’aallo dhawr ah oo ay weeydiiyeen waxa uuna u ballanqaaday in bil walba ay Wasaaradda u soo bandhigi doonto waxqabadkeeda saxaafadda si ay u gaarsiiyaan bulshada Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa shirka jaraa’id waxaa ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Abuukar Zubeyr.

La taliyaha Wasaaradda ee Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyigelinta dadweynaha Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa saxaafadda u aqriyay waxqabadka Wasaaradda oo ahaa sida hoos ku qoran:-

1. April 17, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ahaa oo ku saabsan geeddi socodka dib u eegista Dastuurka layeelatay hogaanka xisbiyada siyaasadda abuurmaya ee dalka.
2. April 29, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay ururada haweenka Soomaaliyeed.

3. May 4, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeelatay ururada bulshada rayidka ee SOSECENSA iyo PUNSAA oo ka kala howlgala Koofurta, Bartamaha, iyo deegaanada Puntland iyo hay’adda IIDA.
4. May 8, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa shir wadatashi ah la yeelatay ururada dadka Naafada oo ku saabsanaa sidii loo dhageeysan lahaa taladooda ku qotonta dhameeystirka Dastuurka.

5. May 9, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay talooyinkooda ugu gudbinayeen Wasaaradda, dhalinyarada ayaa waqti fiican u helay in ay su’aallo weydiiyaan Wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda.
6. May 11, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda.
7. May 14, Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socday 3 maalin ayaa ka furmay Muqdisho, shirka ayaa waxaa looga hadlay Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

8. May 16, Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo M/Goboleedyada ayaa laga soo saaray War-murtiyeed 10 qodob ah oo ka hadlayay xoojinta wadashaqqeynta Wasaaradaha iyo in la abuuro Madal ay ku mideysanyihiin Wasaradaha oo 3dii bilba mar shirta iyo markii ay jiraan arrimo deg-deg ah.

9. May 17, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya taageera.
—–DHAMAAD—–

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Agaasinka Iskaashiga Caalamiga dib ugala wareegtay Wasaaradda Qorsheynta

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa maana si rasmi ah dib ugala wareegtay Agaasinka Iskaashiga Caalamiga Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Agaasinka Iskaashiga Caalamiga ayaa ka qeyb aheyd howlaha Wasaaradda Qorsheynta intii u dhexeysay 2014-2017, hayeeshee mudadaasi kahor waxaa loo tirinayay mid ka mid ah afarta tiir ee ay cuskato Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudnae Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha ayaa ku wareejiyay dukumintiyo la xiriira Agaasinka Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi.

Fadhi kooban oo dukumintiyo kala wareegidda ka horeysay ayaa mas’uuliyiinta sare ee labada Wasaaradood ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta ka wada dhexeysa iyo sidii loogu saldhigi lahaa hannaan hiigsi sare leh.

Munaasabadan oo ku dhammaatay jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayayaasha joogtada labada Wasaaradood iyo mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Waraaqaha aqoonsiga ka gudoontay Danjiraha Cusub ee Jaamacadda Carabta

0

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa warqadaha aqoonsiga Amb. Hamoud Samaran Al Jowhary Al Huwaidi Madaxa Ergada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.

Qaabilaadda Ergeyga cusub oo ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha habmaamuuska iyo Carabta ayaa lagu soo dhoweeyay Danjire Xamuud Samaraan Al jowhari Al Xuweydhi oo badalay Ambassador Mohamed Abdalla Idris.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa u rajeeyay ergeyga cusub ee Jaamacadda Carabta guul la taaban karo inuu ka gaaro howlaha loo igmaday, sidoo kalana horseed u noqdo in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradahooda caasimadda Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta February 14, 1974 kadib afar toban sano markii dalka uu gobonnimada qaatay.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa xubin muhiim u ah Ururka Jaamacadda Carabta marka laga eego dhinacyo badan oo ay ku jirto waxa loo yaqaan “Geopolitical strategy”.

Warta-nabadda oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii 15-aad wareega labaad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Warta-nabadda oo gobolka Benaadir ah.

Labada degmo waxaa la weydiiyey qeybta hore afar su’aal mid walba oo wadarta guud ka dhigeysa siddeed su’aal, kaddib ayaa la soo gudbiyey warbixinnaddii Taariikhda labada degmo ka hadleysay.

Natiijada Baladweyne

Degmada Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal su’aal lix waa ay iska qaldeen, sidaas ayeey ku heleen laba dhibcood ( 2 dhibcood).

Natiijada Warta-nabadda

Degmada Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir, waxaa iyaduna la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen laba su’aal shan waa ay qaldeen, hal su’aal ayeey si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen, waxa ayna heleen Lix dhibcood ( 6 dhibcood), wareegga saddexaad ee tartanka waxaa u gudubtay degmada Warta-nabadda.

Habeen dambe waxaa ku tartami doona wareegga saddexaad degmooyinka Shangaani oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan

0

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladd goboleedka Hirshabelle, mudane Cali C/laahi Cosoble ayaa lagu magacaabay maamulka gobolka Hiiraan.

Halkaan ka akhriso magacyada mas’uuliyiinta cusub iyo kuwii lagu bedeley.

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 04 June – 09 June

0

Mogadishu, 10 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyada 2017

Wasaarada Maaliyada ayaa Golaha Wasiirada 08dii June 2017 hordhigtay xisaab-xirka miisaaniyada iyo isagoo ka codsaday Golaha Wasiirada inay ansixiyaan Miisaaniyada 2017. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday xisaab xirka miinasaaniyaddii hore iyo meel marinta miisaaniyadda 2017, waxaana goluhu isku raacay ansixinta miisaaniyadda cusub oo ka kooban $246 Malyuun oo dollar, taasi oo dawladdu ku shaqeyn doonto inta ka dhiman sanadkan.

Madaxweyne Farmajo oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Dowlada Federaalka ee Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo gaaray 6dii June 2017 magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhagax-dhigay xarunta Dowladda Federaalka ay ku yeelaneyso Jubbaland. Safarka Madaxweynaha ayaa waxuu qeyb ka ahaa qorshaha iyo siyaasada is-gaarista dhammaan deegaanada dalka iyo u kuurgelida xaalada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee uu ku sugnaa Kismaayo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxda Jubbaland, ciidamada XDS iyo shacabka Jubbaland.

Soomaaliya oo dabagal weyn ku sameyneysa hirgelinta go’aanadii Shirkii London

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Safiirka UK ayaa shir guddoomiyey 7dii Juun 2017 kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska. Qodobada muhiimka ah ee shir diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Wasiirada Arrimaha Gudaha oo lagu qabtay Jowhar

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirweyne Qaran ku qabatay Jowhar oo ay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada uga tashanayeen hirgelinta barnaamijka Wadajir ee dardargelinta daadejinta nidaamyada dowladaha Hoose ee dalka.

Shirweynahan ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo Muqdisho lagu qabtay

Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa ka qeybgalay 7dii June 2017 Shirweynaha ansixinta siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada oo ay soo qabanqaabisey Wasaarada Dhalinyarada & Ciyaaraha. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada, Wasiir ku xigeenka, Wasiirada dowlad Goboleedyada, Ururrada Dhalliyarada, Dhalliyarada Gobolka Banaadir, Ururrada Arrimaha bulshda iyo Dhallinyaro ka kala socotay degmooyinka Goblka Banaadir. Wasiirka Dhalliyarada xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in talooyinka wanaagsan ee shirkan ka soo baxa la Uruurin doono si loo jeheeyo siyaasadda Qaran ee Dhalliyarada.

Wasaarada Gargaarka oo 40 Kontenar oo raashin ah ka guddoontay Dalka Indonesia

Hey’ada ACT ee Dalka Indensia ayaa 5tii June 2017kii 40 Konteenar oo raashin ah ku Wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed, deeqdaasi oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka danta yar ee ku nool Gobollada Dalka ee ay saameeyeen abaaraha ka jiray dalka. Guddiga Gurmadka Abaaraha Qaranka, Mamaulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa goob joog ka ahaa deeqdan Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya lagu wareejiyay.

Shacabka oo si buuxda u taageeray Waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa 4tii June 2017kii shacabka kula hadlay Garoonka Ciyaaraha ee Benaadir (Conis Stadium). Shacabka Soomaaliyeed ayaa isu soo baxay iyagoo taageeraya waxqabadka Dowladda ee 100kii Maalmood ee ugu horeysey tan iyo markii Madaxweynaha la doortay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo koobay waxii u qabsoomay Dowladda, halka uu Madaxweynaha uu soo xiray kulanka isla markaasna shacabka uga waramay hiigsiga dowladda iyo sida ay dowladda uga go’antahay in dalka loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo e-mailada .so siineysa hay’adaha Dowlada

Wasaarada Boostada, Isgaarsiinta & Teknolejiyada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa 6dii June 2017 si rasmi ah ugu dhowaaqday inay hay’adaha dowlada siineyso isticmaalka e-mailada .SO oo ah astaanta internet-ka Qaranka Soomaaliya.

Howlgalka Xasilinta Caasimada Muqdisho oo si fiican u socda

Dowladda Federaalka ayaa bilowday dhaqangelinta go’aanadii Golaha Wasiirada ee 11kii May 2017 iyadoo ciidamo gaaraya 1500 oo isku dhaf ah in muddo ah u socdeen tababar iyo wacyigelin. Howlgalkan oo si fiican u socda ayaa waxaa lagu soo qabqabtay hub fara badan iyo shaqsiyaad ay baaris ku socoto. Mudada uu howlgalka socday ayaa waxaa laga hortagay falal argagaxisadu damacsanaayeen inay shacabka ku waxyeeleeyaan.

DHAMAAD

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo digniin u jeediyey Ciidamadda Xoogga Dalka.

0

Taliyaha ciidamadda xoogga Dalka Soomaaliya oo ka hadlayey Shir Jaraa’id oo ay xalay wada qabteen taliyayaasha ciidamadda iyo Wasiirka Amniga ayaa Fariin adag u diray ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa ciidamadda Millitariga ku amray in aysan Magaaladda Soo gelin ayagoo aanan heysan warqad Fasax ah oo u ogolaaneyso in ay gudaha magaalada Muqdisho ku wataan Gadiidka iyo hubka Ciidanka Xoogga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in cidii lagu qabto Magaalada dhaxdeeda ayadoo fasax la’aan la dhax marayso gadiidka iyo hubka Ciidanka Xoogga Dalka in ay danbiile tahay isla markaana la marsiin doono ciqaabta ay mudantahay.

Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa maalmahaan ka yaraaday Gadiidkiii ciidanka ee sida aadka ah u isticmaali jiray Wadooyinka Muqdisho , waxaana magaalada laga dareemayaa xasilooni iyo daganaan.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo ka hadlay Howlgalka Xasilinta Magaalada Muqdisho.

0

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in howlgalka Xasilinta Caasimadda aan cid goono ah lagu bartilmaameedsaneyn asagoo xusay in howlgalkaan lagu doonayo in Amniga Caasimadda si buuxdo loogu soo celiyo.

Taliyaha ayaa sheegay in aysan u joogsan doonin dad dano gaar ah leh oo isku dayayo in ay howlgalka carqaladeeyaan ayagoo qaar ka dhigayo mid qabiil lagu bartilmaameedsanyo waxa uuna xusay in howlgalka uu usocdo sidii ay u dajisay Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa balan qaaday in howlgalka si sax ah uu usocon doono isla markaana ay hub aruurinta u fulin Doonaan si cadaalad ah sido kale taliyaha ayaa sheegay in qof walbo oo isku daydo in ay ka hor timaado xasilinta Magaaladda Muqdisho ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa si xowli ah uga socdo Magaalada Muqdisho waxa uuna u muuqda mid wax badan ka badalay amniga iyo xaalada guud ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Baay oo baaritaano ku wado isku dhicii shalay ka dhacay Magaaladda Baydhabo

0

Maamulka Gobolka Baay ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan waxa sababay dagaalkii koobnaa ee shalay gudaha Magaaladda Baydhabo ku dhaxmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin waxyeelada soo gaartay dadka Shacabka ah asaga oo xusay in wax laga xumaado ay tahay in dhibkaas ay u geysteen dadkii laga doonayey in ay gargaaraan dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha oo xusay in arinkaasi aan shil la dhihi karin ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano adag oo lagu ogaanayo qaabka ay waxa u dhaceen iyo cidda leh masuuliyadda dadka Shacabka ee ay waxyeeladda kasoo gaartay shaqaaqadii shalay ka dhacday Magaaladda Baydhabo.

Ku dhawaad 10 qof ayaa u geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay Magaaladda Baydhabo halka ay in kabadan 15 ruuxna ay isbitaaladda u jiifaan dhaawacyadiii kasoo gaaray mashaqadaas.