Home Blog Page 1555

Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in ay ku guuleystay ciidamadda iyo shaqaalaha Dowladda in ay Mushaarkooda helaan.

0

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si aad ula dagaashay Musuq Musaaqii jiray waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in gebi ahaanba lasoo afjaro Musuqmaasuq iyo maamul xumo dowladeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay  Wasaaradda  xooga saartay uu yahay la dagaalka Musuqmaasuqa asagoo xusay musuqmaasuqa in uusan ahayn kaliya lunsasho lacageed oo ay ku jiraan musuqmaasuq la xiriira Maamul Xumo Dowladeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xooga saareen isla markaana dadaal badan ku bixyeen sidii ciidamadda Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah u heli lahaayeen Mushaaraadkooda iyo xuquuqda kale ee ay dowladda ku leeyihiin.

Munaasabadda Sanad-guurada 15aad Ee Aas-aaska Bogga Jowhar.com

0

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguurada 15aad ee ka soo wareegatay aasaaska shabakada warbaahinta ee jowhar.com ayaa xalay lagu qabtay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal warbaahineed,saxafiyiin iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii munaasabada ayaa waxaa ka warbixiyay ujeedada loo aasaasay shabakadan Tifaftiraha Guud ee jowhar.com C/casiis Xasan Maxamed,waxana uu sheegay in heerar kala duwan ay soo martay mareegta jowhar.com ayna tahay mid dhexdhexaad ah bulshadana u adeegta.

Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxa ay qireen in jowhar.com mudadii ay soo jirtey ay muujineyso in ay tahay mid dadka ka shaqeeya ay u dhabar adeygeen muddo dheer dadaal badana ay geliyeen sidii shabakada ay u jiri lahayd.

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa waxaa kamid ahaa C/risaaq Xaaji Catoosh, afhayeenka gobolka Banaadir C/fatax Cumar Xalane, guddoomiyaha dallada warbaahinta SIMHA Xasan Cali Geeseey, guddoomiye ku xigeenka Ururka SOMA Maxamed C/wahaab, Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Nuur, agaasimaha Idaacada Shabelle Abukar Shiikh Maxamed, Senatar Dr Cismaan Maxamed Dufle, wasiir ku xigeenka isboortiga Axmed Cumar Islow, wasiir ku xigeenka Dekedaha Cusmaan Daallo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Aw Libaax, waxayna dhammaantood mas’uuliyiintan ay xuseen in mareegta jowhar.com ay tahay mid tebisa aqbaar run ah.

“Waa markii ugu horeysay ee aan arko website sameysanaya  xaflad ay ku xusaan aasaaskooda, jowhar.com waa shabakadii ugu horeysay ee meel fagaare ah ku soo bandhigta waxqabadkooda.”ayuu yiri Maxamed C/wahaab agaasimaha Radio Risala.

“Mareegta jowhar.com waxaan oran karaa waa tan koowaad ama waxay ka mid tahay websiteyada ugu horeeya ee dalka.”ayuu yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim Macalimu.

“Waxaan ka codsanayaa jowhar.com maadaama magaca ay wadato uu yahay magaca caasimada dowlad goboleedka Hirshabeelle inay garab qabato maamulka Hirshabeelle.”ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda jowhar.com in fariimo wacyigelin dhinaca caafimaadka ah ay ku soo kordhiyaan websitka.”ayuu yiri Senatar Dufle.

“Websityada waa kuwii sababay qurbojoogta inay ku soo dhiiradaan dalkooda ayna ka qeybqaataan dib u dhiska iyagoo gaarsiiyay wararka dhabta ah eek a jira dalka.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Inj Yariisow.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa soo xirtey wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadijo Maxamed Diiriye waxayna sheegtay in isha ugu horeysa ee ay wararka ka hesho uu yahay jowhar.com.

“Waxaan ka codsanayaa shabakada in ay kordhiso barnaamijyada dhalinyarada ayna wacyigelin badan ka sameyso sidii dhalinyarada ay ugu kalsoonaan lahaayeen dalkooda.”ayay tiri Khadijo Maxamed Diiriye.

Ugu dambeyn 20-kii bishii May ee sanadkii 2002 ayay aheyd markii la aas aasay shabakadda Jowhar.com, oo ka mid aheyd website-yadii u horeeyay ee la aas aasay.

R/wasaare Kheyrre oo kulan isla xisaabtan ah la yeeshay xubnaha golaha wasiirrada

0

Isla xisaabtanku waa hanan la isku raacsan yahay in uu laf dhabar u yahay qabsoomidda shaqo wanaagsan  isla markaana abuurta dowladda wanaagsan  iyo kalsoonida  dowladda iyo Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Mudane Xasan Cali kheyrre oo  ka duulaya aragtidaasi ayaa kulamo isla xisaabtan oo  fool ka fool ah  waxa uu la  yeeshya  xubnaha golaha wasiirradda si looga dhabeeyo  Barnamijka dowladda ee Nabad iyo nolal.

Mudanr  Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliyae ayaa soo gaban gabeyey  maanta wajiga 1aad ee qorshaha uu kula xisaabtamayo wasiirradiisa tasi oo soo billaabatay  Maalintii shalay ahayd,  iyadoo  wasiir kasta  uu usoo gudbiyey qorshe howleedka  wasaraddiisa ee 100 maalin,  taas oo noqon doonta tan wasiir kasta lagula xisabtami doono isla markaana lagu qiimayn doono wax qabadkiisa marka ay dhamaato boqolka Maalin. Sida uu warbaahinta qaranka u sheegay  wasiiru dowlaha  xafiiiska Ra’iisul wasaaraha  Mudane Cabdullahi Xamud.

Qorshaha  Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyrre uu kula xisaabtamayo  xubnaha golahiisa wasiirradda ayaa ah mid ku Cusub hannanka dowadanimada dalkeenna. taas oo meesha ka saaraysa  Musuq maasuq  iyo maamul xumada  oo  haddii ay dhacdo dhaawacaysa hannanka dowladnimo ee dalkeenna, isla markana sare u qaadaysa  kalsoonida iyo  muraalka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray xarunta shirka ee Riyaad halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Boqorka Sacuudiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi  “Farmaajo” oo booqanaya dalka Boqortooyada Sucuudiga  ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha ciidamada cirka ee Boqor Salmaan waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa ku xigeenka Amiirka Gobolka Riyaad Amiir Maxamed Ibnu C/raxmaan Bin C/casiis.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  khudbad ka jeedin doonaa shirka ay dalkaasi ku yeelanayaan Madaxda dalalka Islaamka iyo Mareykanka,  sidoo kale madaxweynaha ayaa la filaayo in uu si gaar ah ula kulmo qaar ka mid ah madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa oo uu ka mid yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Nadwo Ramadaanka lagu soo dhawaynayo oo ka billaabatay Gaalkacyo

0

Iyada oo Bisha Barakaysnayd ee Ramadaan ay ka harsan tahay muddo kooban ayaa waxaa ka bilowday qaar ka mida Masaajidda Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Nadwo lagu soo dhawaynayo Bishaasi Barakaysan.
Nadwadaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Puntland ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa loogu tala galay in Bulsha weynta  Gaalkacyo ay u  diyaar garoobaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxay ka bilaabatay labada Masjid ee waaweyn: Masjid Ramadaan (Garsoor), iyo Masjid Abii Hurayra (Israac).

Nadwada oo soconaysa muddo afar habeen ah ayaa waxaa soo jeedinaya Culimada ugu waaweyn Magaalada Gaalkacyo.

Ciwaannada lagu qaadanayo Nadwada labadeeda Daraf ayaa isku mid ah marka laga reebo caawa oo ah habeenka u hurreeya.

Masjid Ramadaan Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: Sababaha keena in la laalaabo Ajarka ayaa waxaa caawa ka soo jeedinaya Sh.Badal Mohamud Sugulle Camiidka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika Gaalkacyo.

Masjidka Abii Hurayra waxaa Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: u diyaar garowga Bisha Ramadaan kas jeediyay Sh. Abdurezak Fiki Warsame Maxamuud Shiikha Kitaabada ka Akhriya Masjidka weyn ee Ramadaan.

Si kastaba ha ahaatee Nadwadaan oo soconaysa muddo kooban ayaa waxaa bar bar soconaya in laga jawaabo Su’aalaha ay Dad waynuhu qabaan, Nadwada ayaa waxaa lagu qaadanayaa Sadexda Habeen ee soo socda ciwaannada kala ah:

Afar ka tirsan burcad dhibaateyneysay shacabka oo lagu wareejiyay xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida

0

4 taan maleeshiyada ah oo  lagu soo qabtay howlgal ay ka sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta taliska ciidanka 12 Abriil ku leeyihiin magalada Muqdisho .

Taliska 12 Abriil ayaa maleeshiyadaan ku sheegay kuwa geestay falal isugu jira kufsi, dhac iyo jirdil ay kula kacayeen dadka safarka ku maraya Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,  sida uu sheegay taliyaha Ururka 28 aad Guudada 4aad ee ciidanka Xoogga Dalka Korneel Cabdulqaadir Nuur Xasan Qoondhe.

Taliyaha qeybta 12 Abriil ee ciidnaka Xoogga dalka Soomaliyeed  Jeranaal Cabdulaahi Cismaan Cagey oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay in la joogteyn doono howlgalka lagu ciribtirayo burcadda caadeysatay dhibaateeynta shacabka safraya tan iyo inta laga wada sifyeynayo, isagoo sheegay in si isku mid ah ula dagaalimi doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo burcadka jidgooyooyina dhiganaya

Saraakiisha 12 Abriil ee ciidkanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afartan maxaabiis ku wareejiyay xeer ilaalinta maxkmada ciidamada qalabka sida si loo marsiiyo sharicga dambiyadii ay galeen.

Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qabatay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayay horumarka illaa iyo haatan laga sameeyay qabyo-qoraalka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay sidii ay bulshada qeybaheeda kala duwan uga qeyb qaadan lahaayeen xeerka.

Kulankan waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 20 qof oo ka wakiil ah Hay’adaha dawladda iyo shirkadaha ganacsiga ee ka shaqeeya Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana looga doodayay talooyin laga soo dhiibtay qabyo-qoraalka xeerka, kaasoo loo soo gudbiyay Wasaaradda horraantii bishan, waxaana talooyinkaasi dib eegaya Garyaqaanka Guud ee Dawladda.

Ujeeddada kulamadan oo kale – oo ah kii saddexaad ee noociisa ah – waxaa loogu talogalay sidii loo abuuri lahaa jawi wanaagsan oo ay ku shaqeyn karaan shirkadaha, isla markaana loo dhisi lahaa nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu horumarin lahaa adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan.

Wasiir ku-xigeenka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Ibraahim Yarow Isaaq, oo kulankan furay ayaa sheegay in wasaaraddu haatan marineyso heer gabagabo ah oo lagu ururinayo aragtida dhammaan daneeyeyaasha ka hor intaanan sharcigan loo gudbin Golaha Wasiirrada, ka dibna Golaha Shacabka.

“Waxaa la marayaa waqtigii ugu habboonaa ee sharcigan la meel-marin lahaa sababtoo ah waxaan dhammaanteen isku raacnay in ganacsina uusan badbaadi karin sharci la’aan. Waa inaan ogaano in cid kasta ay danteeda ku jirta in la helo suuq sharci iyo nidaam leh ” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir ku-xigeenku.

Deeqo Diraac oo xanuunka Macaanka ugu geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga Dhexe ee Xamar

0

Deeqo Diraac oo ku xukuneyd 15-sano oo xabsi ciidan ah ayaa xanuunka Macaanka ugu geeriyootay Isbitaal ku yaala Xabsiga dhexe ee Xamar, Sida uu u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA taliye ku xigeenka Xabsiga Dhexe General Maxamed Sheakh Cumar.

Taliyaha ayaa sheegay in mudo 45-cisho ay ku xanuunsaneysay Isbitaal ku dhex yaala xabsiga dhexe ee Xamar mudadaasina ay la tacaalayeen xaaladeeda caafimaad  dhaqaatiir ka kala socday Isbitaalka Keydsaney iyo kuwa isbitaalka Xabsiga dhexe, islamarkaana baaritaan kadib la xaqiijiyey in ay qabtay xanuunka Macaanka.

General Maxamed Sheakh Cumar ayaa tilmaamay in maanta xanuunkaasi ay u geeriyootay Deeqo Diraac oo horey maxkamaddu ay u xukuntay.

Wasiirka shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’adda ILO

0

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay dalka ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda, waxaana ay wada qaateen kulan oo ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midyihiin sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorka ay hay’ada ILO ka geysan karto arrimahan.

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ILO Joorge Akuuto ayaa sheegay in madaxda Wasaaradda ay ka wada hadleen sidii ay uga caawin lahaayen siyaasad shaqo oo uu dalka yeesho, ayna sameyn doonaan hanaan fursado shaqo abuuris ah.

“Waxaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga Mahadcelineynaa sida diiran ee ay noo soo dhaweeyeen iyo waxaana kulan la qaadanay Wasiirka Shaqada oo aan isla meel dhignay sida ugu quruxda badan ee aan ku wada shaqeyn karno iyo sidii aan fursado shaqo ugu sameyn laheen dhallinyarada, waxaana naga go’an in bilaha soo socda aan sii dar dargelino wada shaqeynta aan la leenahay Hay’adaha dowladda” ayuu yiri Joorge Akuuto

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid ay isku xogwareysanayeen Agaasimaha Hay’adda iyo doorka ay ka qaadan karaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa, Maadaama dhalinyarada ay yihiin 70%, isla markaana ay isku afgarteen in la abuuro jawi shaqo abuur ah oo ay ka faa’iideysanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Agaasimaha bariga Afrika ee Hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO ayaa socdaalka uu ku yimid Muqdisho ay tahay tii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ku yimaado, waxaana kulankii maanta uu ahaa mid ku saabsan is fahan dhex mara labada dhinac

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khadka uga qeyb galay kulan lagu dhiiri gelinayay dhallinyaro u istaagtay gurmadka abaaraha

0

Kulan lagu dhiirogalinayay dhallinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Soomaaliya isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeybgalay kuwaas oo meelo kala duwan ka yimid si ay dhallinyarada ugu dhiirogaliyaan shaqada Qaran ee ay hayaan, taas oo u bahan in loogu Hambalyeeyo isla markaana lagu dhiirogaliyo in dhalinyarada awoodooda ay u isticmaalaan dhanka wanaagsan.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u Jooga Washington DC Axmed Ciise Cawad ayaa xusay ahmiyada dhallinyaradu u leedahay bulsho wal ba iyo in dhallinyaradani ay mudanyihiin in lagu guubaabiyo in ay wax qabadkooda ku  saleeyaan isbadal, isaga ku amaanay doorkii ay ka qaateen Gurmadkii abaaraha oo ay gaarsiiyeen dhaqaale dhan Boqol kun oo dolarka Mareykanka ah ( $ 100,000)

Imaam Maxamed Diini oo ka mid ah dadka sida weyn looga tixgeliyo bulshada dhexdeeda oo kulankan ka qeybgalay ayaa dhankiisa tusaale wanaagsan uga sheekeeyay wanaaga ay leedahay Sadaqada iyo in dadka la caawiyo, isaga oo u tilmaamay dhallinyaradan oo qaarkood ku dhashay dalka Mareykanka waligoodna aan arkin dalkoodii balse la damqaday dhibta in ay yihiin Geesiyaal taariikhdu qori doonto.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdiqadir Sheekh Cali Diini ayaa ka sheekeeyay dhankiisa isbadalka ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ku jiraan dhallinyarada Soomaaliya joogta, isaga oo xusay in Maamulada iyo Dowladda ay ku jiraan dhallinyaro badan oo wax baratay taas oo muujinaysa in xiligan dhallinyaradu ku baraarugtay in ay qaataan doorkooda.

Guddoooomiyaha Jaaliyadda Xasan Cumar ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ka dheeraadaan kuwa diidan horumarka isla markaana ku mashquula qabyaaladda iyo bur burka, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay sida ay isku xilqaameen iyo sidda ay u muujiyeen dadaal iyaga waqtigooda gliyay in ay dadkooda ay la qaybsadaan dhibta ilaa laga gaaray Guushii Alle oo roobku uu ka da’ay.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre oo muuqaal araga SKYPE ka uga qeybgalaya ayaa amaanay dhallinyarada Columbus oo dhaqaalihii ay ururiyeen si toos ah ugu gudbiyay dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo dadkii ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo marwalba la xariiri jiray Guddiga abaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku amaanay dhallinyarada sida ay u sameeyeen dadaal iyo qaaran Qaran, waxa uuna dhanka kale muujiyay sida wali dadku ugu baahanyihiin in la caawiyo, iyada oo dad badna ay dhaafeen xoolihii isla markaana aysan haysan wax hanti ah.

Dadka ka hadlay Kulankan oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar kamid ah dhallinyaradii barnaamijkan soo abaabushay,Xubno ka socda Jaaliyadda iyo qeybaha bulshada ayaa waxa ay dhamaan ay ka sinaayeen sida loogu baahanyahay in la is caawiyo iyo in la dhiiro geliyo dhallinyarada oo ah awoodda uu dalka iyo dadku u baahanyahay.