Home Blog Page 1555

Booliska Ingiriiska oo qabtay nin lagu tuhunsan yahay Qaraxii London

0

London(SONNA)-Ciidamada ammaanka Ingiriiska ayaa qabtay Nin dhallinyaro ah oo da’diisu ay tahay 18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay Qarax lala beegsaday mid ka mid ah tareenada mara dhulka hoostiisa, ee magaalada London.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa Xarun ay Booliska leeyihiin, waxaana ku socda baaritaan, sida ay sheegeen, laamaha ammaanka.

Booliska ayaa sheegay in qabashada Ninkaan ay suuragashay markii ay wareysteen Goobjoogayaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo Muuqaalada Rag uu ka mid yahay Ninka la qabtay.

Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hase ahaatee, 30 Qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi oo shalay lala eegtay tareenka.

Hay’adaha ammaanka Ingiriiska ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaanka, kadib markii ay sheegeen in ay dhici karaan Weeraro kale oo araggaixiso.

Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkan.

Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.

0

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

Wareegii u dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo socota

0

Jowhar (SONNA) Waxaa wali magaalada Jowhar ka soconeysa doorashada Madaxweynaha Maamulka hirshabeelle, iyada oo loo gudbay wareegii saddexaad ee doorashada, kadib markii ay dhammaadeen labadii wareeg ee hore.

Doorashada oo ay ku tartamayeen 8 Musharax ayaa waxaa isugu soo haray wareegga hadda socda ee saddexaad labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle oo helay  20 Cod

Waxaa gobta ku sugan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,guddiga doorashada iyo marti sharaf kale kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay doorashda u dhacayso.

Saacadaha soo socda ayaa lafilayaa in maamulka Hirshabeele uu yeesho madaxweyne,Waxaana soo dhammaaday codadka ay dhiibanayeen Xildhibaanada, iyada oo ay hadda socoto tirinta codadka wareegga saddexaad.

Waxii kusoo kordha kala soco SONNA

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka Sida

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

FAALLO:-Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta

0

Muqdisho(SONNA)–Soomaalidu hadda ma bilaabin habka dimuqraadiga waa ay ku soo dhaqmi jirtay laga soo bilaabo markii ay xorriyadda qaatay, waayo waxaa lagi kala bixi jiray hab dooradhooyin ah, islmarkaana mar walba ayay horsed u aheyd Wadamada Qaaradda Afrika, mana dhicin abid doorasho lagu murmo ama xil ka degista madaxdu diiddo.

Shalay ayaa laga xusay Dunida maalinta Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda adduunaka, sidaasi awgeed ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa ay ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan horumarinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee ku aadan dhismaha hay’adaha Dowladda,iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2016-kii.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibaddda ee Mareykanka ayaa lagu yiri” Mareykanka waxaa uu ku dhiiro gelinayaa dowladda Soomaaliya in ay sii wado dadaalkeedi ku aadan horumarinta sharciyada muhiimka u ah dalka,kuwaasi oo horseedaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Waxaa kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajisay Dowladda Mareykanka dib u eegista Dastuurka Dalka iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dowladda,kuwaasi oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya qalalaaso muddo sanado ah ka jiray,wadada dimoqraadiyadda in la qaado waa wax adag,waxaan ku boorinaynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo dhanka Dimoqraadiyadda ah iyo Dowlad nimada”, Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay mar kale cageheed isugu taagi lahayd,islamarkaana nabad iyo xasilooni waarta ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Dhinaca kale Soomaaliya muddooyinkaan dambe waxay ku tilaabsaneysan horumar dhinacyo badan taabanaya, waxaana ka mid ah dhinaca Dalxiiska, ma is dhahaysay Soomaaliya ayaa Dalxiis loogu imaan karaa?, waa dhacdaa oo hadda waxaa socda dadaalo lagu horumarin lahaa adeegyada looga baahana yahay goobaha loo tabashle tago, taasina waxaa kuu caddeynaysa in dhawaan shirka looga hadlaayay arrimaha Dalxiiska ayaa Dalka Soomaaliya loogu ogolaaday inay noqoto xubintii 159-aad ee xubnaha ka ah Hey’adda Dalxiiska adduunka, kaasi oo ka dhacay sannadka Magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha, islmarkaana looga arrinsaday arrimaha dalxiiska caalamka iyo sida loo horumarin karo.

Shirkan oo ay Soomaalidu ka qeybgashay ayaa abadii sannoba mar la qabtaa, tallaabadasi ayaa ah guul taariikhi ah u soo hotay Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay 159-ka dal ee hey’adda Dalxiiska dunida ku mideysan, waxaana guushaan ka soo shaqeysay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo si xeyladeysan uga shaqeysay arrintan, kana gadday caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiga Dalxiiska, kuna wanaagsan tahay in loo soo dalxiistago.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan sharuudaha looga baahnaa, kuwaasoo laga dooday ayna difaacayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid yahay latliyaha dhinaca Dalxiiska Yaasir Baafo kaddib Soomaaliya ayaa heshay cod Akhlabiyad leh, iyadoo noqotay waddanka 159-aad ee ku biira hey’addan, waxaana uga horreeyey Waddamada Cameron iyo waddamada Carabta iyo Africa qaarkood, halka Falastiin ay soo buuxin weydey sharuudaha Dalxiisnimo.

Qorshahan ayaa ka mid ah barnaamijka Nabad iyo Nolo ee Xukuumadda oo ka turjumaya in Dalxiisku uu qeyb weyn ka soo qaadan doono kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha dalka oo dhan.

Yaasir Maxamed Baafo La taliyaha dhinaca Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Dalxiiska waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabatay burburkii iyo dagaalladii sokeeye, una badeshay horumar, dib u dhis, kobac dhaqaale iyo midnimo, taasoo uu ku tilmaamay in fursad buuxda ay u siineyso dalka in loo soo dalxiis tago, Soomaaliduna ay yihiin dad ku horreeya martigelinta iyo soo dhoweynta.

Yaasri ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaadey oo yiri “haddaba ii ogollaada in aan idin xasuusiyo Soomaaliyada dhabta ah ee 1991-kii ka hor, Soomaaliya waxay ahayd waddan ka mid ah wadamada Afrika ugu awoodda weyn, dowlad wanaag, dal nadiif iyo doog ah, nabad ah, taariikh leh iyo khayraadka dalxiiska oo dhabiici ah kuna faanto dalkeeda, oo Soomaaliya xiligaas dunida ayaa looga imaan jiray” sidaas ay ahaataba Soomaaliya dalxiiskeeda ma guurin weli khayraadkii waa inoo sidoodii dadkuna waxay ku dalxiisaan si raaxo iyo ixtiraam leh.

Horraantii Bishii June Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa booqdey xarunta Dalxiiska caalamka ee Madrid oo ka tirsan dalka Spain, isagoo ku soo qanciyey masuuliyiinta hey’adda Dalxiiska in fursadda Soomaaliya u baahan tahay la siiyo, isla markaana ku soo bandhigay Kheyraadka dhinaca Dhulka, Badda iyo magaalooyin ee ay Soomaaliya heysato, kuwaas oo ay uga horreyso dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Haddaba Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta waayo dhaqan ahaan Dadka Soomaaliyeed waa Qowmiyad ku fiican dhanka martigalinta iyo soo dhaweynta martida.

W.D.C/laahi Ruush

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka bilabatay Jowhar

0

Jowhar(SONNA)–Magalada jowhar ayaa si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Madaxweyne ee maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ay ku taratamayaan Musharxiin dhowr ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax, kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xaruunta ay ka dhacayso doorashada.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa sheegay inay kor-joogta ka yihiin doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay Musharax gaar ah wadato, isagoo xusay in aanay jirin Musharax ay si gaar ah u taageersan yihiin.

“Anagu doorashada wax faragelin ah kuma heynno, waxaanxe ka nahay kor-joogto, Musharax ay dowladda wadato ma jirto”ayuu yiri Wasiir. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in 8-da Musharax ciddii soo baxday ay ka rajeynayaan inay isu doono dadka reer Hirshabeelle, ka dowlad ahaan ay xasiloonida, nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta ay kala shaqeyn doonaan Musharaxii guuleysta.
Musharaxiinta ka qeybqaadanaya taratankaasi ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

1- Daahir Cabdulle Cawaale
2- C/raxmaan Xasan Caddow
3- Yuusuf Axmed Hagar
4- Maxamed Caruush Diirow
5- C/naasir Maxamed Shirwac
6- Cabdi Faarax Laqanyo,
7- Maxamed Cabdi Waare
8- C/kariin Cali Nuur
Kala soco halkaan wixii warar ah eek u soo kordha

Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.

0

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle 20 Cod

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka Sida.

0

Muqdisho, 16 Seb, 2017——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

—-DHAMMAAD—- 

Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta (FAALLO)

0

Soomaalidu hadda ma bilaabin habka dimuqraadiga waa ay ku soo dhaqmi jirtay laga soo bilaabo markii ay xorriyadda qaatay, waayo waxaa lagi kala bixi jiray hab dooradhooyin ah, islmarkaana mar walba ayay horsed u aheyd Wadamada Qaaradda Afrika, mana dhicin abid doorasho lagu murmo ama xil ka degista madaxdu diiddo.

Shalay ayaa laga xusay Dunida maalinta Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda adduunaka, sidaasi awgeed ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa ay ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan horumarinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee ku aadan dhismaha hay’adaha Dowladda,iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2016-kii.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibaddda ee Mareykanka ayaa lagu yiri” Mareykanka waxaa uu ku dhiiro gelinayaa dowladda Soomaaliya in ay sii wado dadaalkeedi ku aadan horumarinta sharciyada muhiimka u ah dalka,kuwaasi oo horseedaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Waxaa kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajisay Dowladda Mareykanka dib u eegista Dastuurka Dalka iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dowladda,kuwaasi oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya qalalaaso muddo sanado ah ka jiray,wadada dimoqraadiyadda in la qaado waa wax adag,waxaan ku boorinaynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo dhanka Dimoqraadiyadda ah iyo Dowlad nimada”, Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay mar kale cageheed isugu taagi lahayd,islamarkaana nabad iyo xasilooni waarta ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Dhinaca kale Soomaaliya muddooyinkaan dambe waxay ku tilaabsaneysan horumar dhinacyo badan taabanaya, waxaana ka mid ah dhinaca Dalxiiska, ma is dhahaysay Soomaaliya ayaa Dalxiis loogu imaan karaa?, waa dhacdaa oo hadda waxaa socda dadaalo lagu horumarin lahaa adeegyada looga baahana yahay goobaha loo tabashle tago, taasina waxaa kuu caddeynaysa in dhawaan shirka looga hadlaayay arrimaha Dalxiiska ayaa Dalka Soomaaliya loogu ogolaaday inay noqoto xubintii 159-aad ee xubnaha ka ah Hey’adda Dalxiiska adduunka, kaasi oo ka dhacay sannadka Magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha, islmarkaana looga arrinsaday arrimaha dalxiiska caalamka iyo sida loo horumarin karo.

Shirkan oo ay Soomaalidu ka qeybgashay ayaa abadii sannoba mar la qabtaa, tallaabadasi ayaa ah guul taariikhi ah u soo hotay Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay 159-ka dal ee hey’adda Dalxiiska dunida ku mideysan, waxaana guushaan ka soo shaqeysay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo si xeyladeysan uga shaqeysay arrintan, kana gadday caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiga Dalxiiska, kuna wanaagsan tahay in loo soo dalxiistago.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan sharuudaha looga baahnaa, kuwaasoo laga dooday ayna difaacayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid yahay latliyaha dhinaca Dalxiiska Yaasir Baafo kaddib Soomaaliya ayaa heshay cod Akhlabiyad leh, iyadoo noqotay waddanka 159-aad ee ku biira hey’addan, waxaana uga horreeyey Waddamada Cameron iyo waddamada Carabta iyo Africa qaarkood, halka Falastiin ay soo buuxin weydey sharuudaha Dalxiisnimo.

Qorshahan ayaa ka mid ah barnaamijka Nabad iyo Nolo ee Xukuumadda oo ka turjumaya in Dalxiisku uu qeyb weyn ka soo qaadan doono kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha dalka oo dhan.

Yaasir Maxamed Baafo La taliyaha dhinaca Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Dalxiiska waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabatay burburkii iyo dagaalladii sokeeye, una badeshay horumar, dib u dhis, kobac dhaqaale iyo midnimo, taasoo uu ku tilmaamay in fursad buuxda ay u siineyso dalka in loo soo dalxiis tago, Soomaaliduna ay yihiin dad ku horreeya martigelinta iyo soo dhoweynta.

Yaasri ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaadey oo yiri “haddaba ii ogollaada in aan idin xasuusiyo Soomaaliyada dhabta ah ee 1991-kii ka hor, Soomaaliya waxay ahayd waddan ka mid ah wadamada Afrika ugu awoodda weyn, dowlad wanaag, dal nadiif iyo doog ah, nabad ah, taariikh leh iyo khayraadka dalxiiska oo dhabiici ah kuna faanto dalkeeda, oo Soomaaliya xiligaas dunida ayaa looga imaan jiray” sidaas ay ahaataba Soomaaliya dalxiiskeeda ma guurin weli khayraadkii waa inoo sidoodii dadkuna waxay ku dalxiisaan si raaxo iyo ixtiraam leh.

Horraantii Bishii June Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa booqdey xarunta Dalxiiska caalamka ee Madrid oo ka tirsan dalka Spain, isagoo ku soo qanciyey masuuliyiinta hey’adda Dalxiiska in fursadda Soomaaliya u baahan tahay la siiyo, isla markaana ku soo bandhigay Kheyraadka dhinaca Dhulka, Badda iyo magaalooyin ee ay Soomaaliya heysato, kuwaas oo ay uga horreyso dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Haddaba Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta waayo dhaqan ahaan Dadka Soomaaliyeed waa Qowmiyad ku fiican dhanka martigalinta iyo soo dhaweynta martida.

W.D.C/laahi Ruush

Wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabatay

0

Waxaa goor dhow bilowday wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedya Hirshabeelle, iyadoo ay u soo baxeen labo musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale, kuwaasi oo wareggii kowaad ee tartanka kala helay codad dhan 45 Maxamed Cbadi Waare halka musharax labaad uu isna helay Daahir Cabdulle Cawaale 20.

Waxaa tartanka isaga haray ilaa iyo lix musharax.

Xildhibaannada ayaa markale u codeynaya musharixiinta isugu soo haray tartanka wareegga labaad ee xilka Madaxtinimada ee Hirshabeelle.

18 mudane codadkooda ayaa halowday kaddib markii uu sheegay guddiga doorashada inay hareer martay sharuucdii doorashada u degsaneyd.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Abuukar Bacadle ayaa ku so waramay in adeeggii korontada ay ka tegtay hoolka ay doorashada ka socotay, balse aan loo joogsin ciladda yar ee ku timid korontada, ay si habsami leh u socoto doorashada.