Turkiga oo Muqdisho ka dhisay Dugsi lagu Baranayo Duulimaadka

Date:

Muqdisho (SONNA) Dugsiga maanta xariga laga jaray ayaa waxaa dhistay Hay’ada dowladda Turkiga u qaabilsan gargaarka iyo hormarinta ee Tika waxaana loo dhisay in lagu soo saaro aqoon yahano Soomaaliyeed oo ka shaqeeya Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Xaflad kooban oo xariga looga jarayay ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Wasiiru Dowlaha Wasaaradaas, Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Masuuliyiin kale.

Madaxa Hay’ada TIKA oo iyadu dhistay Iskuulada Qaalid Yilmas iyo maareeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi C/lle ayaa labadu sheegay in iskuulku muhiim u yahay hormarka hay’ada saadaasha hawada Soomaaliya.

Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya mudane Olgan Baker ayaa sheegay in dowladda Tukiga ay ka go,antahay hormarka Soomaaliya isla markaana ay dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaan sidii Somalia hormar buuxa u gaari lahayd.  

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga garab istaageeda bulshada Soomaaliyeed.

Dhamaadka sanadkaan ayaa qorshuhu yahay in Soomaaliya ay dib ula soo wareegto Maamulka Hawadeeda ka dib ku dhawaad 30 sano oo ay ka maqneed hirgalinta iskuulkaan ayaana muhiimad weyn u ah arintaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...