Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Sacuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooamaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Jidda oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya Maxamed Bin Cabdul Fani Qiyaad.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyaga oo ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal.

Waa booqashadii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ka tago Dalka Sacuudiga. isaga oo booqashadiisa u horeysay ku tagay dalkaasi markii loo doortay xilka Madaxweyne, markaasi oo ay labada dhinac kala saxiideen heshiisyo wax ku ool ah.

Sidoo kale Bishii May ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha kaga qeybgalay Sacuudiga Shirkii u dhaxeeyay Donald Trump iyo hogaamiyaasha dalalka Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...