Xaalada Barakacayaasha ku nool degmada Xeraale oo laga dayrinaayo

Date:

Muqdisho (SONNA) Iyadoo deegaano dhaca koonfurta iyo bartamaha Dalka ay ka jirto Abaar saamaysay dadka iyo duunyada ay dhaqdaan ayaa waxaa ka mid ah deegaanada ay abaartu saamayn xoogan ku yeelatay bulshada ku nool Gobolka Galguduud gaar ahaan deegaanka Xeraale oo ka mid ah deegaanada dhaca waqooyiga Galguduud.

C/laahi Cismaan Cali oo ka mid ah waxgaradka Xeraale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay bulshada deegaanku ku nool yihiin Xaalad aan wanaagsaneyn ayna jiraan Cuduro soo wajahay qoysaska ka barakacay abaarta Dalka ka jirta.

Deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galguduud waxaa uu ka mid yahay deegaanada hoyga u noqday boqolaal qoys oo kasoo hayaamay abaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...