Home Blog Page 1554

37 qof oo qoxooti ah oo lagu dilay rabashado ka dhacay Dalka Congo

0

Muqdisho(SONNA) Ilaa 37 qof oo qoxooti ah ayaa lagu dilay 117 kalena waa lagu dhaawacay Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo,xilli dadkasi sameynayeen banaan- baxyo ay kaga soo hor jeedeen in dalkaasi Congo laga musaafuriyay ilaa 4 qof oo kamid ah qoxootiga ka yimid dalka Burundi.

War ka so baxay Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee MONUSCO ayaa lagu  sheegay in dadkaasi ay dilkoodi ka dambeeyeen Ciiddamada Amaanka ee dawladu,baaqna ay ka soo saaray rabshadahaasi oo sidoo kale uu ku dhintay askari katirsan ciidamada ammaanka.

Florence Marchal waa ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobeay ee dalka Kongo, iyada oo ku sugan magalada Kinshasa ayaa waxay ugu baaqday ciddamada Ammaanka in ay xaalada xakameyaan.

Jimmy Nemeyimana waa qaxooti ku nool xero ku taala magaalada Kamanyola oo ah halka colaadu ay ka dhacday. Waxaa u sheegay in sarkaal ka tisan deegaankaasi  u booqday maalmo yar uun ka hor halkaas, waxaa uuna sheegay in xukkumadu ay ka war hayso waxaa halkaasi ka socday.

Boqolaal kun oo qaxooti reer Burundi ayaa dalkooda isaga qaxay kadib, markii colaad ay dalkaasi ka dhaqan gashay go’aankii madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay in uu xafiiska uu mar saddexaad u tartamo.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka shiray dib u dhiska Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA)  Shirkii 148 ee Wasiirada arrimaha dibada ee jaamacada carabta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Qaahir ee caasimadda Dalka Masar,kaasi oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin wadamada xasaraduhu  ka jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi waxaaa uga qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed kheyr iyo wefti uu hoggaminayo oo jooga dalkaasi Masar iyadoo shirkaasi si gaar ah diiradda loogu saarey arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyaay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa faah faahin ka bixiyaya waxyaabaha shirkaasi looga hadlay.

“Ajandayaasha jaamacadda carabta sanad walba waa la sii qorsheeyaa inta uu shirka dhicin,ajandayaasha shirkan waxay ahaayeen sidii loo taageeri lahaa qadiyadaha taagan hadda meelaha xasaradaha ay ka taagan yihiin sida Falastiin,Suuriya , Lubnaan, Liibiya iyo Yamen, anaga waxa naga quseeya in la taageero Soomaaliya”,Ayuu yiri wasiiru Dowlaha

“hadda ka hor Jaamacadda Carabta ayaa go’aan ka soo saartay in la taageero Dowladda  Soomaaliya marka taageeradaas ayaanu rabnay inan sii xoojino oo wajiyo kala duwan leh , taageerada marka la rabo in la sameeyo mashruuc waxaa jira la yiraahdo Dib u dhiska Soomaaliya oo la rabo in la qaban qaabiyo mid kale waxaa jiro la dhaho taakuleynta waxbarashada Soomaaliya oo isagana la rabo in  shir gooni ah loo qabto oo Dowladda Kuwait ay qaban qaabin doonto”,Ayuu intaasi ku daray. Mudane C/qaadir Axmed Khayre.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah u la kulmay Wasiirada arrimaha dibadda ee Dalalka Masar, Ciraaq iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda ee Dalka Tunisia,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la lee-yihiin .

Guddiga Taakuleynta Ciidamadda oo daah furay Barnaamijka Taakuleynta Ciidamadda Qalabkasido.

0

Shiikh Nuur Baaruurd Gurxan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidmadsa Xooga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka war bixiyay Waxyaabihii u qabsoomay Guddiga tan iyo markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday Guddigaan.

Sheikh Nuur ayaa u mahadceliyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Caalamka isagoo tilmaamay inay ka imaanayaan jaaliyada Soomaaliyeed codsiyo ku aadan Taakulaynta Ciidamada.

Shiikh Nuur Baaruurd Gurxan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday inay qorshaha guddiga ay tahay ka warqabida iyo garab istaaga Ciidamada Naafada qaranka iyo Qoysaskooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday Guddi loogu talo galay taakulaynta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka shiray dib u dhiska Soomaaliya.

0

Shirkii 148 ee Wasiirada arrimaha dibada ee jaamacada carabta oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa lagu qabtay Magaalada Qaahir ee caasimadda Dalka Masar,kaasi oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin wadamada xasaraduhu ay kajiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaasi waxaaa uga qeybgalay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed kheyr iyo wefddi uu hoggaminayo oo jooga dalkaasi Masar iyadoo shirkaasi si gaar ah diiradda loogu saarey Arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyaay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha shirkaasi looga hadlay.

“Ajandayaasha jaamacadda carabta sanad walba waa la sii qorsheeyaa inta uu shirka dhicin,ajandayaasha shirkan waxay ahaayeen sidii loo taageeri lahaa qadiyadaha taagan hadda meelaha xasaradaha ay ka taagan yihiin sida Falastiin,Suuriya , Lubnaan, Liibiya iyo Yamen, anaga waxa naga quseeya in la taageero Soomaaliya”,Ayuu yiri wasiiru Dowlaha

“hadda ka hor Jaamacadda Carabta ayaa go’aan ka soo saartay in la taageero Dowladda  Soomaaliya marka taageeradaas ayaa rabnay inan sii xoojino oo wajiyo kala duwan leh , taageerada marka la rabo in la sameeyo mashruuc waxaa jira la yiraahdo Dib u dhiska Soomaaliya oo la rabo in la qaban qaabiyo mid kale waxaa jiro  taakuleynta waxbarashada Soomaaliya oo isagana la rabo in  shir gooni ah loo qabto oo Dowladda Kuwait ay qaban qaabin doonto”,Ayuu intaasi ku daray. Mudane C/qaadir Axmed Khayre.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha ayaa si gaar ah u la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Masar, Ciraaq iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Tunisia,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ay Dowladda Soomaaliya la lee yihiin .

Dowladda Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasada Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhalinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabelle

0

Muqdisho, Sebtember 17, 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabelle

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirshabelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taaba-galinta iyo hana-qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.

““Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystirka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.

 

Mudug: Hay’adaha Samafalka oo loogu baaqay inay gurmad gaarsiiyaan Bacaadweyne “SAWIRRO

0

Mudug (SONNA) Kaddib markii caqabado ka jiray mudooyinkii u danbeeyay deegaanka Bacaadweyne iyo deegaanno kale oo ka tirsan kuwa Gobalka Mudug ay sababeen in muddo ka badan 9 bilood ay suurta gal noqan waayeen in gurmadyada samafalka la gaarsiiyo kumanaan qoys oo ku dhibaateeysan deegaanadaasi, isla markaana ka mida qoysaska Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaartay abaaraha iyo biyo la’aanta ka jira Gobalka Mudug ayaa waxaa maanta qaar ka mida masuuliyiinta waxgaradka iyo culimaa’udiinka deegaanadaasi oo ku teedsan dhul qiyaas ahaan gaaraya 160km ay sheegeen in xal laga gaaray caqabadihii keenay in muddo ku dhawaad hal sano ah aysan deegaanadaasi helin wax gurmad samafal ah.

Qeybaha kulmay ayaa waxa ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka in gurmad dag dag ah lala soo gaaro bulshada ku nool deegaanadaasi kuwaasi oo ay sheegeen in ay heysato dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha, maadaama aysan helin muddo 9 bilood ah wax gurmad ah, iyadoo nolashooduna ay saameeyn ku yeesheen abaaraha ka jira halkaasi

Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyne Axmed Daahir Macalin ayaa sheegay in ay ku guuleysteen sidii loo dhameyn lahaa arrimo ka jiray deegaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Gobalka Mudug, taasoo uu tilmaamay in ay keentay in kumanaan qoys oo ku nool degaanadaasi ay soo wajahdo dhibaatooyin nolaleed.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ee ka socday deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ayaa si isku mid ah waxay ugu baaqeen hay’adaha Gar gaarka, Madaxda Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo dowladda Federaalka in loo soo gurmado shacabka ku dhibaateysan deegaanka Bacaadewyne iyo tuulooyinka ku xeeran.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo laga deyrinayo xaalada kumanaan qoys oo ku nool deegaanada Bacaadweyne, Kala-Bayr iyo kuwa kale oo ka mida deegaanada dhaca dhinaca Bariga Gobalka Mudug.

C/risaaq Gaalkacyo 

Dowladaa Federaalka oo diyaarineysa Siyaasadda iyo Sharciga Tahriibka “SAWIRRO”

0

Muqdisho, 16/9/2017 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasadda Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhallinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hor-taga tahriibka oo dhib weyn ku haya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, kuna baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.

Maryam Yaasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dar-dargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.

Wasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada isku-xirka iyo xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.

DHAMAAD

Amiirka Qadar oo Talaadada la kulmaya Donald Trump

0

Muqdisho(SONNA)-Aqalka Cad ee Dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo Shirka Golaha loo dhan yahay ee QM.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka Cad Herbert McMaster ayaa u sheegay Saxafiyiinta in sidoo kale uu Trump la kulmi doono dhowr Hogaamiye maalmaha soo socda.

.Amiirka Qadar ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay Dalka Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta uusan tagin Mareykanka tan iyo markii uu khilaafka ka dhex qarxay Dowladaha Khaliifka muddo ka badan 3 Bil.

Labada Hogaamiye ee Qadar iyo mareykanka ayaa la filayaa in inta uu socdo kulankooda in ay isla soo hadal qaadaan doorka uu Mareykanka ka qaadan karo xalinta arrimaha Khaliijka

Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Mareykanku sheegay in uu dhexdhexaadin ka dhex bilaayo Qadar iyo Dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah.