Home Blog Page 1554

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dib-u-daah furay Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka hadlay muhiimadda ay warbaahinta iyo Saxaafadda u leedahay kuliyaddan oo markii ugu horeysay lagu daray Jaamacadda Umadda Sanaddii 1979-dii, wuxuna tilmaamay in soo noolaynta kuliyadani ay tahay astaan wanaagsan oo muujinaysa sida ay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay in kor loo qaado xirfadda saxafiyiinta.

“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa cid walba oo ka shaqeysay dib-u-soo nooleynta Kuliyadda Cilmiga Warbaahinta iyo Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda, Ardayda nasiibka u heshay kuliyaddan waxay astaan u yihiin soo celinta sharafkii iyo karaamadii qaranka”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran shaqeynaya , taasoo kobcisa garaadka iyo fikirka bulshada fayow.

“ Saxaafaddu waxay dhiirrigelisaa horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, tayeynta maamulka wanaagsan iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxayna soo saartaa bulsho isku xiran oo leh hal hadaf oo mideysan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo shaxaraad ka bixiyey ahmiyadda uu warbaahinta iyo suxufiga Soomaaliyeed u leedahay Kuliyaddan oo ah mid ay baahi weyn u qabaan Saxafiyiinta.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi.

0

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda India ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday caasimadda India ee New Delhi.

Arrimaha kale marka laga soo tago heshiiskani wuxuu u saamaxayaa Dowladda Soomaaliya in iyada lagu soo wareejiyo 118 maxbuus oo loo heysto dembiyo la xiriira burcad badeed oo hadda ku jira xabsiga Taloja ee magaalada Mumbai ee dalka India ka dib marka uu xukun ku dhaco.

Heshiiskaasi wuxuu qorayaa in maxaabbiistaasi ay xukunka ku dhammeystaan dalkooda si ay ehelkooda iyo saaxiibbadood ay u soo booqan karaan.

Midkii raba in xukunkiisa dib u eegis lagu sameeyo sida uu heshiisku qorayo waxaa go’aanka dib u eegista leh Dowladda India.

Laakiin haddana waxaa uu heshiisku qorayaa in labada Dowladooda ee Soomaaliya iyo India ay mid kastaa iskeed cafis ugu fidin karo maxaabbiista iyada oo waafijneysa shuruucda dalkeeda.

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo dacwaddooda la qaaday, waxaa la filayaa 15-ka ugu horreeya in Maxkamad ku taalla Mumbai ay berry ku dhawaaqi doonto xukunkooda.

Aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ka mid tahay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane) berri ayaan u amba bixi doonnaa magaalada Mumbai.

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan inta gacan ka geysatay daba socodka howshan, diyaarinta iyo dib u eegista nuqulka heshiiska, waxadaaxjoodka iyo taageerada iyo dhiirri gelinta howshaan guusha ku dhammaatay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, Xasan Xaaji, oo heshiiska naga hubiyay talana ka bixiyay iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Agaasimaha Aasiya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Shirwac Cabdullaahi Ibraahim oo howshan muddo soo waday haddana ka mid ah wafdigeyga, Agaasimaha Waaxda Sharciyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cusmaan Abshir Cigaal oo howlgeliyay nuqulka heshiiska iyo Xoghayaha Koowaad Axmed Maxamuud Maxamed Xiish oo ah sarkaalka Safaaradda Soomaaliya u qaabbilsan kiiska Maxaabiista Mumbai.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf ayaa isaguna fagaare Madaxweynaha Qaranku fadhiyo ku ballan qaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda lagu soo celinayo Maxaabbiista  haddii ay Dowladdu ku guuleysato in ay India ka soo deyso.

Dhammaantood waan uga mahadcelinayaa iyaga iyo inta kale ee samaddoonka ah ee mar warlba howshan nagu garab taagnaa.

Soomaalida ku nool Sacuudiga oo ka cabanaya lacago canshuur ah oo lagu soo rogay

0

Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa lacago canshuur ah ku soo rogay dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalka Sacuudiga, waxaana ay tani saameysay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Qadro Axmed Biid oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga oo la hadashay Radio Muqdisho

“Lacagaha ay Wasaaradda Maaliyadda boqortooyada Sacuudiga ku soo rogtay waxa ay tahay in bishiiba ay bixiyaan $25 dolar, iyadoo ay bixinayaan inta ka dhiman bishaan sanadkan, waxaana ay intaa ku dartay in lacagtan laga rabo oo kaliya dadka heysta sharciyaddda Boqortooyada Sacuudiga” ayay tiri Qadro.

Qadro Axmed Biid ayaa xustay in sadka xiga ay Wasaaradda Maaliyadda ku kordhin doonto lacagta hadda laga rabo oo ay noqon doonto $50 dolar, halka sanadka xigana ay noqon doonto $75 dolar.

Qadro ayaa sheegtay in dadka aan heysan sharciyadda Boqortooyada Sacuudiga loo qabtay kal hore muddo 90 cisho, taasi oo ay sheegtay inay mar hore soo dhamaatay, waxaana ay xustay in dhibaato badan ay ku qabaan Sacuudiga, isla markaana aysan heysan waddo kale oo ay sameeyaan.

Qadro Axmed Biid oo ka mid ah gabdhaha ku nool dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in cabashadooda ay u gudbiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga, balse aysan ka helin jawaab.

Qadro ayaa ka codsatay dowladda Soomaaliya inay soo daad gureyso Soomaalida ku dhibaateysan dalka Sacuudiga, si ay dib ugu soo laabtaan waddankooda Hooyo.

Dowladda oo xaqiijisay howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in howlgalka ay sida wadar jirka ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada  uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay horjooge ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka oo u waramay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalka uu u dhacay sidii la rabay, isla markaana ay dowladdu aaminsantahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay Horjooge Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

“Howlgalka waxa uu ahaa howlgal qorsheysan oo dowladda Federaalka ay u fasaxday ciidamadeena iyo ciidamada aan saaxiibada nahay ee nalaga qeyb qaata ciribtirka Al-Shabaab,  howlgalka waxa uu ku soo dhamaaday si guul ah, waxaa aad loo bartilmaameedsanayay horjooge ka mid ah kooxaha argagixisada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), waxaana la aaminsanyahay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay horjoogaha lagu bartilmaameedsanayay, walow wixii dheeraad ah laga soo sheegi doono gadaal).

Wasiirka Eng, Yariisow ayaa xusay in horjoogaha howlgalka lagu bartimaameedsaday uu argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada ka dhaca caasimadda, isagoo intaa ku daray in tallaabada ay qaadeen ciidamada ay tahay guul u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Toora toorow ee gobolka Shabeelaha Hoose uu ka duwanaa howlgaladii hore, isla markaana uu ujeedku yahay in howlgallada lagu ugaarsanayo argagixisada ay ahaadaan kuwa qorsheysan oo aan wax dhib ah ka soo gaarin shacabka.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliya deegaanno ka tirsan Gobollada dalka, kuwaasi oo bartilmaameedsaday argagixisada Al-Shabaab ee inta badan dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud oo ka hadlay xafiis cusub oo ay u fureen dadka isku heysta dhulalka

0

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa hirgeliyay xafiis qaadaya cabashada dadka dhulalka isku heysta.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay xafiiska cusub ee laga hirgeliyay Muqdisho.

“Xafiiskan waxa uu ka shaqeynayaa cabashooyinka dadka tabanaya dhanka dhulalka, waxaana uu isku xirayaa Madaxda gobolka iyo dadka cabashada qaba, waana xafiis u fududeynaya in dadka cabanaya ay si fudud ku helaan Madaxda gobolka, si loo dhageysto cabashadooda ee dhanka dhulalka la isku heysto”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Howlaha Guud.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir ayaa sheegay in xafiiskan cusub ay ka howlgalaan dad aqoon u leh dhanka dhulalka, isla markaana horey uga soo shaqeeyay dowladda Hoose ee Xamar, waxaana uu intaa ku daray in howlwadeenada xafiiska ay fududeynayaan dadka in ay u soo gudbiyaan madaxda ay quseyso.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Benaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in xafiiskan uu yahay mid cusub, bulshaduna ay ku qanci doonto howlwadeenada arrintaasi loo xilsaaray, maadaama lagu kala ogaanayo dadka saxda ah ee dhulka iska leh iyo kuwa kale ee ka been sheegta waxa aysan lahayn.

“Dadka xafiiskan ka howlgalla go’aan ma lahan oo ay ka gaarayaan cabashada ay dadku qabaan, balse ujeedka loo aas aasay waxa ay tahay inay qoraan oo ay noo soo gudbiyaan xogta cabashadooda” ayuu yiri Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Sudan

0

Wafdigaan uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan oo ay ku wehlinayan lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa Guddiga horumarinta adeega bulshadda ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tacliinta Sare ee dowladda Sudaan, Maamulaha Jaamacadda Afrika, diblomaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan uu horkacayo Danjiraha Safaaradda Maxamed Cabdullaahi Ogaas.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ku  sheegay in Suudaan ay u imaadeen isagga iyo wafdigiisa Casumaad rasmi ah oo ay ka haleen Wasiirka Wasaaradda Tacliinta sare ee Dowladda Sudaan.

Sanad walba xiligan oo kale Dalka Sudaan waxaa soo gaara Wasiir ka socda Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Dowladda Sudaan ay dowladda Soomaaliya ugu deeqdo deeqo waxbarasho oo ay ka faa’iideystaan ku dhawaad 200 oo Arday.

Kashmiir Yare

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Ciidamo loo diyaarinayo Hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xeradii hore ee Ciidamada Cirka ee ma dhamaato halkaas oo maalmahan uu tababbar uga socday Ciidamo ka tirsan Darawiishta Jubbaland, isla markana loo soo gabagabeeyay ayna ku jiraan u diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ay ugu dhaqaaqi lahayeen hawlgallada ay Al-Shabaab kaga xoraynayaan Gobolka Jubbada dhexe iyo qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Askarta ku amaanay sida ay ugu dulqaadanayaan duruufta adag ee wadanka ka jirta, isagoo sheegay in aan waxba laga hagran doonin, isla markana ay Dowladdu dhabarka isaga jabin doonto sidii ay xuquuqdooda mar walba u heli lahayeen.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in daacadnimo looga baahan yahay, isla markana ay masuuliyad adag saaran tahay, Ciidamadan oo looga fadhiyo in ay deegaanka ka xoreeyaan koox uu sheegay in ay marayso marxalad burbur iyo kala yaac ah oo u baahan kaliyah in la is raaciyo.

“Haddii aad idinku daacad u noqotaan Dalkiina oo aad u dhabar adaygtaan dagaalka aan cadawga kula jirno waxaa dhab ah in aan ka maarmayno Ajinabi iyo Ciidan shisheeye” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in Dowladdu ay bil walba diyaar la tahay mushaarka iyo gunooyinka Ciidanka, si taas lamid ahna looga baahan yahay in waajibaadka saaran ay kasoo baxaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciidanka AMISOM waxey u joogaan si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah”

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

DHAMMAAD

Waxaa la rumeysanyahay in Madaxii Argagaxisada ee Muqdisho Cali Jabal lagu diley howlgal qorsheysan

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.

DHAMAAD

Guddi Saraakiil ah oo ka Shaqaynaya Midaynta Howl-gallada iyo Tababarrada Ciidamada Qalabka Sida

0

Muqdisho, 31 Luulyo 2017: Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.
taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.

Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka.

DHAMMAAD