Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Safar Shaqo ugu Ambabaxay Dalka Boqortooyada Sucuudiga.(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Safar shaqo oo qaadanaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee uu ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...