Home Blog Page 1556

Jubbaland oo u digtay Shacabka dhaqaalaha ku taageera Maleeshiyaadka Al-Shabaab (Daawo Muuqaal)

0

Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay yihiin dad u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

C/rashiid Janan, ayaa wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka Gedo, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay  ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Al-Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan.

Jubbaland ayuu sheeg in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonto cidii lagu tuhmo in ay Al-Shabaab taageerto.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Shabaab ayaa dadka shacabka ah waxa ay ka qaadaan lacago ay ku sheegaan inay yihiin Zkawaad, iyadoo dhawaan Dowladda Soomaaliya dadka ganacstadaha ah uga digtay inay bixiyaan dhaqalo Shabaab lagu taageeraayo.

Shir looga hadlayo mashaariicda dowlad wanaaga ee Midowga Yurub iyo sida looga faaiideysto oo ka socda Muqdisho

0

Shir looga hadlay Mashaariicda Dowlad wanaaga uga timaada midowga yurub Soomaaliya.ayaa hada ka socda magaalada muqdisho,waxaa goob joog ka ah wasiirka Qorsheynta,Xeer ilaaliyaha guud Qaranka,Agaasimaayasha Dastuurka,Haweenka Arimaha Gudaha.Amniga Iyo xogoyaha joogta Wasaarada Cadaaladda

Waxana looga hadlayaa sida loo ogaan karo Mashaariicda ku baxa dowlad wanaaga iyo Amniga qaabka loo fuliyo, iyadoo la filayo in masuuliyiinta dowladda halkaasi ay ka jeediyaan talooyin kala duwan oo ku wajahan habka looga faaiideysan karo mashaariicdaasi.

Wasiirka Cadaaladda oo hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

0

Xildhibaananda Golaha Shacabka ayaa maanta kulankooda caadi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadli doonaan arrimo kala duwan.

Kulanka looga hadlaya qorshaha Xukuumadda ee dhisidda Golaha Adeega Garsoorka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada hortagaya oo Su’aalo laga weydiinaya dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, si uu sharaxaad buuxa uga bixiyo hindishe sharciyeedkan ku aadan Golaha Adeegga Garsoorka.

Kulankii ugu dambeeyay ayaa Xildhibaanada qaarkood waxa ay soo gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan in Wasiirka Cadaaladda uu Baarlamaanka hor yimaado.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Furay Wadooyin muhiim ah

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maleeshiyaad Al shabaab kala wareegay deegaano  ka tirsan Gobolka Bakool.

Saraaskiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay inay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xoogga Dalka.

Biire Gaaciye Xuseen ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdishog ayaa sheegay inay Howl-galo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen Gobolka Bakool ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka.

Biire Gaaciye Xuseen ayaa tilmaamay inay fureen Wadooyinka isku xira Gobolada Bakool iyo Baladweyne kuwaa soo u xirnaa maleeshiyaadka Al shabaab.

Ra’isulwasaraha Soomaaliya isboortigu waa mideeyaha Bulshada iyo Madaxda Dalka”

0

Waxaa dhallinyaro soomaaliyeed oo ku nool degmada wadajir u suuro gashay inay kubad la dheelaan masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya , Ra’iisul-wasare ku xigeenka Dalka, xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyadoo si aaan caadi hayn kubada ay isugu dhiib dhiibayeen Ra’isulwasaaraha iyo dhalinyarada uu la ciyaarayey.

Intaas ka dib ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay ku da daali doonto hir-galinta Garoomo lagu ciyaaro kubada cagta si loo helo ciyaar yahano Dalku yeelo kuwaas oo mustaqbalka u dheeli doona Qaranka Soomaaliyeed.

“Aad ayey inoo farxad galinaysaa inaan la kulano dhallinyaro u heelan hormarinta isboortiga iyo ka shaqaynta is dhex galka bulshada mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida ay ogo ‘an tahay  hirgalinta hamiga dhalinyarada.

Qaar ka mid ah dhallinyaradii uu la dheelay ku badda cagta Ra,isulwasaaraha ayaa dhankooda  sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin isdhex galka iyo dhiiro galinta  Ra’isul wasaaraha iyo madaxda la socotaay u sameeyeen dhallinyarada.

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oola kulmay Wasiirka Xajka Sacuudi”

0

Wasiirka Awqaafta Arrimaha Diinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali iyo wafdi uu hogaaminayay uu kamid yahay Agaasimaha Guud Wasaaradda Cumar Faaruuq Sh. Cabdicasiis ayaa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dalka Boqortooyada Sacuudiga aan walaalaha nahay Dr. Maxamed Saalax Bin Daahir.

Inta ay labada wasiir wada joogeen waxey ka wada hadleen Xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeyo labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa, si gaar ah waxey ka wada hadleen Arrimaha khuseeyo Xajka, kulankan oo ka dhacay Jidda, Sacuudiga, manta oo ah khamiis.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu ku nuux nuuxsaday sida Xukuumadda Boqorka Sacuudiga ay ugu dadaasho xujeyda iyo adeegyada lasiiyo, si loo fududeeyo arrimaha Xajka xujeyda na ugu gutaan Cibaadadooda sida ugu raaxada badan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha XaDiinta XFS Xildh, Dr. Iimaan Cabdullaahi Cali ayaa bogaadiyay dadaallada weyn ay Xukuumadda Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin Cabdilcasiis iyo Dhaxal Sugaha ay ku bixiyaan mar waliba sidii Xujeyda u heli lahaayeen Adeegyada ugu wanaagsan. Waxuu Wasiirka ammaanay horumarka ay ka sameysay Wasaaradda Xajka Sacuudiga dhanka adeegyada iyo Tiknooloojiyada Xajka.

labada wasiir waxay isla qaateen in la wanaajiyo adeegyada xajka iyo cumrada loo qabto Xujeyda Soomaalida sida Gaadiidka Cirka, Gaadiidka Dhulka (BASASKA), Deegaanka Xujeyda, iyo Cunnada lasiiyo xujeyda inta lagu guda jiro xilliga xajka.

Labada wasiir waxey ku ballamen in lasiiyo xujeyda Soomaalida mudnaan gaar ah, si xujeyda Soomaalida ugu gutaan Xajkooda si nabad ah oo wanaagsan, Wasaaradda xajka na waxey ballanqaaday in ay u fududeyn doonto xujeyda adeegyada ay u baahanyihiin.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga waxuu guddoonsiiyay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya hadiyad qaali ah sida ka muuqataba Sawirada.

Daawo Sawirro Bilicda Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalkeenna waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah uga socnayey dib u dhis xoogan kaasi oo lagu sameynayo dhismay bilicdooda marka ay indha haagu ay qabtaan aad kuu soojiidanaya.

Magaalada waxaa laga hirgeliyey dhismooyin aad u tirabadan waxaana dhismooyinkaasi ay isugu jiran guryo ay dadkii lahaa dib u dhis ku sameysteen waloow ay dadkaasi u badan yihiin dad ka Qurbajoogta ah taasi oo kudhalisay markii ay u muuqatay isbedelka nabadeed ee Caasimadda soomaaliya kahirgashay ayay ku dhiiradeen iney guryahoodii ka bur buray dib u dhistaan talaabadaasina waxey qeyb weyn ka qaadatay in durbaba magaalada Muqdisho laga dareemo isbedel dhanka bilicda ah.

Dib u dhiska magaalada ka jir kuma koobna oo qura guryaha oo dib u dhis lagu sameey hoteelada balse waxaa sidoo kale iyana dib loo dhisayaa wadooyinkii bur buray ayadoo dib u dhiska laamiyadana ay fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah oo ay ugu horeeyaan dawlada Turkiga.

Waxaa xusid mudan in dhismooyinkaasi magaalada kusoo kordhay ay wehliyaan sidoo kale garoono caalami ah oo ay dhalintu ku ciyaarto kubada cagta iyo isticmaalka gaadiidka yaryar iyo kuwa waawayn oo iyana magaalada si aad ah ugusoo batay waxaadna mararka qaar la kulmeysaa wadooyin u xirma gaadiidka tarada badan aawgood.

 

Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka (Daawo Muuqaal)

0

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Aadan Jimcaale Koofi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilkaasi hayay.

Mr Koofi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in maamulkiisu uu ku guuleystay horumarinta adeegyada dhinaca socdaalka iyo Jinsiyada,iyo sidii wadamada caalamku ay u aqoonsan lahaayeen Bassporka Soomaaliya oo haatan rajadiisu ay meel fiican mareyso.

“Intii aan joogay xafiiska waxaan bixinayay tababaro ku dhow ilaa 100, waxaan isku furnay xuduudaha Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya ee dhinaca socdaalka,Bassporka Soomaaliya siweyn ayaa haatan looga aqoonsanyahay dunida”,Ayuu yiri Mr Koofi.

Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadah oo Wareysi siinayay Tvga Qarnka Soomaaliyeed Max’ed Aadan Jimcaale Koofi ayaa sheegey Bassporka Soomaaliya haatan laga aqoonsanyahay wadamada Assia, Africa,Yurub iyo AMeerika, isagoo intaasi ku daray inkuwo harsan ay dhawaan qorsheynayaan sidii loogu guuleysan lahaa.

Waxyaabaha suura geliyay in Bassporka Soomaaliya ay aqoonsadaan Dolwadaha dunida intoodi badan ayuu ku tilmaamay in ay tahay tayadiisa oo ay ku qanceen isagoo xusay in inta dhimana ay ku dadaali doonaan sida qaar kamid ah wadamada Dhaca Waqooyiga Ameerica.

W/Q Cali C/qaadir Cali

 

Mareykanka oo soo dhaweeyay gabar Soomaaliyeed oo ku guuleysatay xil muhiim ah

0

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faah faahiyaya waxyaabaha loo doortay gabadhaasi Soomaaliyeed oo ay ka guuleysatay tartamayaal badan.

Waxaa lagu sheegey qoraalkan in Munira Khalif oo ah Gabar Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Mareykanaka ay ku guuleysatay in ay xil ka qabato hay’adda Q. M. u qaabilsan Barnaamijka Youth Observer to United Nations oo ah horumarinta dahlinyarada ee UNA_USA oo la aas aasy sanadkii 2012kii si Dhalinyaradu ay uga qeybgalaan arrimaha Caalamiga ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa iyadoo la kaashaneysa Ururka Hay’addan Qaramada Midoobay qaybteeda Mareykanka ku faraxsan shaaca ka qaadista in Munira Khalif loo doortay inay noqoto qofka dhallinyarada ah ee sannadkan Mareykanka korjooge ahaan u metalaya Barnaamijka horumarinta dhalinyarad ee QM qeybta Mareykanka.

Munira Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed oo reer Minnesota ah waxaa laga soo dhex xushay tartamayaal aad u badan kuwaasi oo kor u dhaafayaa ilaa 300 boqol oo qof waxayna ka kala socodeen Jaamacadaha kuyaala dalkaasi Mareykanak.

Munira waxay Jaamacadda Harvard ka barataa maadooyinka dhaqaalaha iyo maamulka dawladda,Waxay hore u aasaastay urur ka shaqeeya sidii gabdhaha Bariga Afrika u heli lahaayeen waxbarasho loo siman yahay.

Sidoo kale waxay si weyn Hay’adda Qaramada Midoobay uga ololeysay arrimaha dumarka iyo gabdhaha iyo in dhallinyarada la siiyo door xooggan oo ay uga qaybqaataan danaha guud.

Waxay ka geybgalaysaa Muniiro shirka 72aad ee Hay’adda UNA-USA oo magalaaad Newyorka ka dhacaya bishai September ee soo socota,ayadoo matalaysa Dhalinyarada Mareyakanka.

Xigasho SONNA

Ra’iisul Wasaaraha oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD Dr. Maxamed Cali Guyo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey. Sidoo kale Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD.

Danjiraha Cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana cadeeyey sida ay uga go’antahay in Xukuumadda Soomaaliya kala shaqeeyo arrimaha mudnaanta sare u leh dawladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ugu hambalyeeyey danjire Dr. Maxamed Cali Guyo xilkan cusub, wuxuu cadeeyey in dawladda Soomaaliya iyo IGAD ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in la xoojiyo wada shaqeynta qotada dheer ee ka dhaxeysa labada dhinac, isla markaana aragtida waqtiga fog iyo kan dhow ee dawladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo.

DHAMMAAD