Tababar ku saabsan Baarista Dambiyada oo ka furmay Kismaayo

Date:

Kismaayo (SONNA) Tababarkan oo ku saabsanaa baarista danbiyada ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo kaashaneeysa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taakuleynta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya UNSOM.

Tababarkan oo inta uu socdo ka qeybgalayaasha la siin doono casharro ku saabsan dambi baarista iyo siyaabaha kala duwan ee loo wajaho baaritaannada falal dambiyeedyada dhaca, waxaana ka faa’iideysanaya saraakiil dambi baaris oo ka socota dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Cabdulaahi Kaahin oo ah isku xiraha barnaamijka dhaqancelinta maleeyshiyaadka Al-shabaab ee Jubbaland oo ka hadlay  furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid xoojinaaya aqoonta iyo habka dambi baarista .

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay adkeynta isdhexgalka laamaha dambi baarista dowlad goboleedyada iyo kuwa gobolka  Banaadir.

Tababarka waxaa daahfuray agaasimaha guud wasaaradda amniga Jubaland Aadan Yuusuf Saalax ayaa sheegay in tababarka uu muhiim u yahay laamaha dambi baarista dalka.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil kasocotay laamaha dambi baarista dowlad goboleedyada jubbaland,koonfur galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...