Tababar ku saabsan Baarista Dambiyada oo ka furmay Kismaayo

Date:

Kismaayo (SONNA) Tababarkan oo ku saabsanaa baarista danbiyada ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland oo kaashaneeysa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taakuleynta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya UNSOM.

Tababarkan oo inta uu socdo ka qeybgalayaasha la siin doono casharro ku saabsan dambi baarista iyo siyaabaha kala duwan ee loo wajaho baaritaannada falal dambiyeedyada dhaca, waxaana ka faa’iideysanaya saraakiil dambi baaris oo ka socota dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Cabdulaahi Kaahin oo ah isku xiraha barnaamijka dhaqancelinta maleeyshiyaadka Al-shabaab ee Jubbaland oo ka hadlay  furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid xoojinaaya aqoonta iyo habka dambi baarista .

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay adkeynta isdhexgalka laamaha dambi baarista dowlad goboleedyada iyo kuwa gobolka  Banaadir.

Tababarka waxaa daahfuray agaasimaha guud wasaaradda amniga Jubaland Aadan Yuusuf Saalax ayaa sheegay in tababarka uu muhiim u yahay laamaha dambi baarista dalka.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil kasocotay laamaha dambi baarista dowlad goboleedyada jubbaland,koonfur galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...