Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Safar shaqo ugu Ambabaxay Dalka Boqortooyada Sucuudiga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Boqortooyada Sucuudiga.

Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagaayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...