Ku Simaha Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

Date:

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay fanaanadda Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise Bootaan oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka waxaa kulankiisa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng Yariisoow” waxaana ay si wadajir ah ugu soo dhoweeyeen fanaanadda magaalada Muqdisho.

Fanaanadda Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid aheyd fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi ayaa dhowaanahan ku sugneyd Soomaaliya waxaana ay maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka uu ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka la qaatay fanaanadda Maryan Mursal ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayey socdaalka ay maalmahan ku mareysay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...