Ku Simaha Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

Date:

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’isulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay fanaanadda Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise Bootaan oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka waxaa kulankiisa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng Yariisoow” waxaana ay si wadajir ah ugu soo dhoweeyeen fanaanadda magaalada Muqdisho.

Fanaanadda Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid aheyd fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi ayaa dhowaanahan ku sugneyd Soomaaliya waxaana ay maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka uu ku simaha Ra’isulwasaaraha Dalka la qaatay fanaanadda Maryan Mursal ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayey socdaalka ay maalmahan ku mareysay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...