Home Blog Page 1350

Wasaaradda Amniga oo tababar u furtay maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradaasi”Sawirro

0

Tabarbarkaan oo socanaya mudo sedex maalin ah ayaa waxaa loo  qabtay dhamaan shaqaalaha Wasaaradda Amniga gudaha iyadoo ay daah fureen wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha  C/naasir Saciid Muuse iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Aminga Yuusuf Cali Maxamed, iyadoo la dar dar galiyay habsami u socodka dhamaan shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda ,

Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha C/naasir Saciid Muuse waxa uu tilmaamay in tababrkaan uu muhiim u yahay wasaarada, maadaamada ay tahay mid ka mid ah wasaaradaha ugu Shaqada badan iyo kor u qaadista xirfada shaqaalaha.

“Waxaan maanta daah furnay tababar 35 qof  oo shaqaalaha wasaarada iyo 10 qof oo agaasime waaxeedyo ah, waxaana uga gol leenahay in la tayeeyo xirfadda shaqaalaha iyo maamulka wasaaradda amniga gudaha”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga guduha

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in tababarkaan ay maanta daah fureen inuu  yahay mid isla xisaabtan ah  sida uu horay u balan qaday  Ra’iisul Wasaare kheyre, waxaana uu kula dar dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan dalkoodana ugu shaqeeyaan.

Baahiyo dhanka adeegyada Caafimaadka ah oo ka jira deegaano ka tirsan gobalka Mudug”Sawirro

0

Gaalkacyo (SONNA) Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo  tarayeen cabashashooyinka la xariira dhanka adeegayada caafimaadka ee ka jira deegaanada galmudug qaarkood ayaa waxaa wasaaradda caafimaadka Galmudug ay sheegtay in ay
ku dadaali doonto wax ka qashada baahiyada dhanka caafimaadka ee kajira guud ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kadib kormeer muddo  sadax cisho ah ay ku mareeysay
deegaano ka tirsan kuwa gobalka Mudug oo ay ka mid ahaayeen Af
barwaaqo, Qorya wayn iyo Gal hagoog waxa ay sheegtay in guud ahaan
deegaanadaasi aysan haysan inta badan adeegyada  caafimaad ee ay
bulshadu u baahan tahay, ka wasaarad ahaana ay ku dadaali doonaan wax
ka qashada baahiyadaasi iyagoo la kaashanayay hay’adaha ka shaqeeya
howlaha caafimaadka.

Kormeerka wasiirka caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kasta lasoo gaarsiiyo
isbitaalada caafimaadka magaalada Gaalkacyo caruur fara badan oo qaba
cuduro kala duwan oo laga keeno deegaano aad u fog fog, kuwaasi oo aan
laheyn xarumo cafimaad taasoo mararka qaar  keenta in caruur  iyo
hoyooyin Soomaaliyeed in dhiig bax ay u geeriyoodaan inta lagu guda
jiro safarka dheer ee loo soo marayo magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada
fog fog ee aan lahayn xarumaha caafimaad.
Dhinaca kalana wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa deeq isugu jirta
raashin iyo Bacaha roobka gaarsiisay boqalaal oo qoys oo isugu danyar
iyo qoysaskii abaaruhu soo barakiciyeen, kuwaasi oo ku sugnaa
Deegaanada Af Barwaaqo, Gal Hagoog Iyo Qorya Wayn oo ka mida deegaanada
dhaca dhinaca waqooyi Bari Gobalka Mudug.

W/D:- Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

 

Wasiirka Maaliyadda oo shir-guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Wasaaraddaasi (Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA)–Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda oo Todabaadkiiba mar la qabto.

Shirkaasi waxaa ka soo qeyb galay Madaxda Wasaaradda oo ay ku jiraan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaraddaasi iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirka ayaa looga hadlay ajendayaasha kala ah dib-u-habeynta siyaadda Maaliyadeed iyo mid Dhaqaale ee Dalka, taasoo fure u ah abuurista Dakhliga iyo Maalgashiga Dadweynaha.

Maxkamadda Ciidamada Q.S.S  oo dhageystay markii 2-aad dacwada rag loo heysto qaraxyo Muqdisho ka dhacay “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Eedeysanayaal u qaabilsanaa malaashiyada Al-shabaab qarxinta goobaha maqaaxiyadaha oo markii labaad kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin,

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.

2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin

3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud

4) C/laahi Ibraahin Geeseey

xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor akhriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:-

“C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaallo magaaladda Muqdisho.

waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhigeen, isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaanta Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha kamid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska haddii aysan jirin cadeymaha markhaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka, balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda CQS in loo oggolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah, isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

 

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo khudbad ka horjeedinaya Golaha Shacabka JFS

0

Muqdisho(SONNA) Kulanka maanta ay leeyihiin xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya  waxaa ajandaha uu yahay akhrinta iyo qeybinta warbixinta la xiriirta dhismaha guddiga adeegga Garsoorka iyo khudbadada uu jeedinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti  ayaa Maanta lagu wadaa inuu ka qeyb galo Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka isla-markaana uu Khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada Golaha Shacabka,taasi oo uu kaga hadlayo arrimo dhowr ah.

Waxaa khudbadda uu Maanta ka horjeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu wadaa in uu ku soo hadal qaado Xariirka ka dhaxeeya Labada Baarlamaan ee Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidoo kale taageerada Dowladda Jabuuti ay la garabtaagan tahay Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed,taasi oo haatan u muuqataa in ay tahay mid muuqata.

Mudane Maxamed Cali Xaamud Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa isla shalay socdaal gaaban ku tagay Magaalada Beled-weyne,halkaasi oo uu ku booqday Ciidamada Jabuuti,waxaana socdaalkiisa ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Horey waxaa Soomaaliya u yimid guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arna’uud Cali oo waqtigaasi khudbad ka jeediyay kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere (SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA)–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabib Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka Jaray Daah furka dib u dhiska Degmada Bondheere iyo is-dhexgalka Bulshada.

Munaasabadda Xafladaasi ayaa waxaa soo diyaariyay Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, oo ay ugu horreyso Guddoomiyaha Degmada Boondhere Mro Seynab Yuusuf Wehliye oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Bulshada ku dhaqan Degmada Boondheere ay yihiin Bulsho jecel Dowladnimada, islmarkaana ku xiran, kana Shaqeeya Degmada.

Munaasabadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Duqa Casimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed waxa uuna ka waramay wanaagga ay leeyihiin Dadka ku dhaqan Degmada Boondheere, isagoo ugu dambeynbtii Bulshada Boondheere kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyan Aminga iyo Nadaafad Degmada Boondhere.

Madaxweynaha Masar oo wacad ku marey in laga jawaabi doono weerarki dhacay

0

Masar(SONNA) Wararka ka imaanay adalka Masar ayaa sheegaya in Ciidamada Masar ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen kooxaha argagixisada ah oo la ruymaysan yahay in ay yihiin kuwii fuliyay weerar lagu qaaday Misaajid ku yaalla Gacanka Siinaay ee Dalka Masar,Weerarkaasi oo ay  ayaa waxa ku dhinteen 235 qof oo Misaajidkaasi ku cibaadaysanayay.

Ciidamadda Ammaanka Dalkaasi Masar ayaa waxa ay sheegeen in ay duqaynta la bartilmaameedsadeen gaarigii loo isticmaalay weerarka.

Madaxwaynaha Dowladda Masar Janaraal Cabdul Fatax al-Sisi ayaa wacad ku maray in weerarkaasi looga jawaabi doono gacan bir ah.

Dad ka ag dhawaa goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray Salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Mareykanka ee Associated Press.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo argagixisada oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

Inta badan wadanka Masar ayaa waxaa kajira weeraroa y geysanayaan kooxaha argagixisada,waxana u badan qaraxyo iyo weeraro fool ka fool ah.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba

0

Muqdisho(SONNA) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabkaJamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Madaxweyne Farmaajo oo cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay Masjidul Rowdah ee dalka Masar

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii maanta argagixisada ay ka geeysteen dalka masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay  ee dalkaasi, kaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa.                                                           .

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo xiray shirweynaha Madasha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta (Somali Network Operators Group – SOMNOG) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan oo socday 2 maalmood, waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, jaamacadaha, xirfadleyda isgaarsiinta iyo internet-ka, ardeyda iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo 3 maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda City bartamihii bishii Okoobar ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha SOMNOG, Eng. C/laahi Biixi Xuseen, ayaa sheegay in shir-weynahan uu ahaa kii labaad ee la qabto, iyadoo ujeeddada shir-weynahan ay tahay sidii maamulayaasha iyo shaqaalaha farsamada ay isku weydaarsan lahaayeen aqoonta iyo waaya-aragnimada si loo horumariyo adeegyada teknoolojiyada ee dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaanka shirka ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii soo qabanqaabisay shirweynahan oo isku keenay bahweynta ka shaqeysa isgaarsiinta iyo internet-ka. Wasiiru wuxuu intaasi ku daray in sharciga isgaarsiinta ee dhowaan la ansixiyay uu nidaamin doono suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, hirgelinta sharcigana kaalin weyn laga siiyo xirfadleyda.

“Dalka Soomaaliya wuxuu horumar degdeg ah ku gaari karaa haddii farsamada casriga ah looga faa’iideysto ganacsiga iyo nolosha inteeda kale. Sidaasi darteed, waxaan ku baaqeynaa in ganacsatada iyo waxbarashada ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shirkadaha SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank iyo Jaamacadda City oo suurtogeliyay qabsoomidda shirweynahan, isagoo guddoonsiiyay shahaado-sharaf.