Home Blog Page 1350

Golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta shir uga furmay Caasimadda maamul goboleedkaas ee magaaladaasi Dhuusamareeb

0

Shirkan waxaa looga hadlayay arimaha amniga deegaanada Galmudug ayaa  waxaa shir guddoominayay  Madaxa Golaha Wasiirada Gal-mudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaana aad loogu lafaguray sidii loo xoojin lahaa Amniga Gal-Mudug isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa Xoraynta deegaanada yar ee Shabaab kaga sugan yihiin maamul goboleedkaasi.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay inta badan xubnaha Golaha WasiiradaTaliyaasha Ciimada Qeybahooda kala duwan, waxaana halkaasi laga soo jeediyay warbixinno La xiriira xoojinta Amniga iyo sidii Gal- Mudug ugu diyaar garoobi lahayd Xoraynta deegaanada Gacantooda ka maqan.

Sidoo kale Shirka Golaha wasiirada Gal-Mudug ayaa waxaa lagu soo bandhigay
Warbixin la xiriirta Qorshaha isku dhafka Ciidamada Dawlad Goboleedka iyo xog
ku saabsan Horumarka laga sameeyey Qorshaha tayaynta Booliiska.
Shirka kadib ayaa waxaa Warbaahinta u waramay Madaxa Golaha
Wasiirada Gal-mudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxa uuna ka
warbixiyey qodobadii shirka looga hadlay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Gal-Mudug ay cagta saartay wadadii horumarka iyo Xoojinta dowladnimada Soomaaliyeed.

Ciidamada Police-ka Soomaaliyeed oo soo qabtey rag lagu edeyey in ay ka ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya

0

Howl galkani oo ay iska kaashadeen qeybta bari ee Booliska gobolka banadir iyo ciidamada xooga dalka aya lagu qabty 7 ragg ah oo isugu jiray kuwa ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya iyo kuwa ku eedaysan Kufsi ayaa  lagu soo bandhigay degaanka gubadley ee dagmada karaan.

Taliyaha qeybta bari ee Booliska gobalka banadir gashaanle sare maxamud xusen ahmed oo warbahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya ayaa sheegay in wax laga qaban doono cid walbo oo lagu arko ka ganacsiga waxyabaha manka dooriya iyo isticmaalkooda

Taliye ku xigeenka qeybta  guud ee Booliska gobolka banadir general sulub ahmed ayaa shegay in raggani kiisaskooda baaritaan lagu samaynayo.

waxa uuna bogaadiyey ciidamada xooga dalka qeybtooda 3aad ee gubadley iyo qeybta  bari gobolka banadir oo shaqadaani qabtey.

Ciidamada Booliska soomaaliya ayaa malmihi ugu dambeyey waday howl galo lagu so afjarayo wax yabaha maanka dooriya tani waxa ay qeyb ka aheyd howlgalada ay sameynayaan ciidamda Booliska.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga XFS oo soo dhaweysay wafdi ka socda dalka Qadar

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga XFS ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,  ku soo dhaweeysay wafdi ganacsato ah oo ka socday dowladda Qatar.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga xildhibaan Fahmo Axmed Nuur oo warbaahinta Qaranka kula hadashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaddib marki ay soo dhaweysay ganacsatadaasi ayaa sheegtay in ganacsatada ka socota dalka Qatar ay dalka u yimaadeen sidii ay fursado maalgashi uga heli lahaayeen dalkeenna.

Wasiirka oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal dheeraad ah ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka.

iyadoo intaasi ku dartay in dowladdu ay dhameystirtay shuruucda asalka u ah maalgashiga dalka.

Wafdika oo iyagane la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney soo booqdaan dalka Soomaaliya ayna ku soo dhaweeyaan mas’uuliyiinta dowladda, Iyagoo sheegay iney dalka u yimaadeen sidii ay uga heli lahaayeen fursado maalgashi.

Wafdigan ganacsatada ah oo ka socda dalka Qatar ayaa inta uu joogo dalka waxa uu la kulmi doonaa, wasaaradaha ka shaqeeya wax soo saarka iyo rugta ganacsiga iyagoo u kuurgelidoona fursadaha maalgashi ee uga bannaan dalka.

Wafti uu Hogaaminaayo wasiirka waxbarashada XFS oo Kormeerey iskuulka 15 Maay

Wasiirka waxbarsha xukumada federalka soomaaliiya C/raxmaan Daahir Cusmaan  iyo safiirka masar u fadhiyo soomaaliya  Ambasator Tamer Safwat El.mahdiy ayaa maanta kormeeray dugsiga 15may oo ay dhigtaan kuwaad 550 araday ah oo heer aas aaska ee waxabarasha.

Safiirka masar u fadhiya soomaaliya Tamer safwat. El.mahdy ayaa sheegay in aya qeybtahay mashruucaan taageeraha ay siinyaan dhanka waxbarshada islamarkaan ay kor u qaadi doonaan heerka aqoonta macalimiinta dhiga iskuulka.

Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare dalka C/raxmaan Daahir Cusmaan oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay ogaanshaha sida ay shaqada u socoto sido kale waxa uu ku aamanay in masaarida ay yihiin dadka garabtaagan marwalbo waxbarshada.

Dowlada masar ayaa qeyb ka aha dowladaha ka taageera  waxbashada soomaaliya tan iyo dowladahi dalka soomaaray iyado haatan gacanta ku heyso goobo waxbarsho uu ku yalaa gudaha soomaaliya isla markaan ku caawiyo dadka aanan awoodin in ay ka bixin ciyaalkooda qarashaadka faraha badan ee ku baxaya waxbarashada.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo faah faahiyey xaaladda Muwaadiniinta ku xiran Liibiya

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahiyey qorshaha dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo celineyso dalkooda Hooyo Tahriibayaal Soomaali ah oo ku xir xiran Xabsiyada dalka Liibiya.

Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in dowladda Liibiya ay u fasaxday wafdigooda iney booqdaan Xabsiyada ay ku xiran yihiin Soomaalida dalkaasi ku dhiban, islamarkaana ilaa iyo iminka ay booqdeen labo xabsi oo ay ku xiran yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

” Anagoo fulinayna amarkii Madaxweynaha JFS waxaa naga go’an in aan soo deyno maxaabiista kale ee weli ku harsan Xabsiyada Liibiya,waxaan joognaa magaalada Tripoli ee Caasimadda Dalkan,waxaan dhawaan booqanaynaa xabsiyo kale”Ayuu yiri Cali Siciid Fiqi Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub.

waxa sidoo kale tilmaamay in iminka ay bilaabeen qorshihii dib usoo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhiban Liibiya, isagoo intaasi ku daray in inta ay awoodaan ay soo qaadi doonaan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa xusay iney jiraan dhalinyaro badan oo gacanta ugu jira kooxaha arxan laawayaasha ah ee loo yaqaano Magafe, si dhalinyarada ay heystaan loo sii daayana ay ku dadaali doonaan qorshe walbo oo xoriyadda dhalinyaradaasi lagu heli karo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo daah furey kulamada wadatashiga Dadweynaha

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) ayaa daahfuray kulammada wadatashiyada dadweynaha ee geeddi socodka Doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadka 2020ka.

Kullammadaaan oo ku saabsan uruurinta tallooyinka iyo caqabadaha ku xeeran doorashooyinka dalka ayuu ku tilmaamay Guddoomiye Yariisow mid fursad wanaagsan u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay qeyb uga noqon lahaayeen go’aan ka gaarista mustaqbalka dalkooda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir ay ka go’antahay muujinta kaalinta iyo maqaamka ay leeyihiin shacabka Gobolka, iyadoona la xaqiijinayo danta guud iyo dib u kabashada dalka.

“Bulshada gobolka Benaadir waxa ay u bisil yihiin sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen doorasho qof iyo cod ah oo ka hirgasho dalka, arrinkaas oo muhiimad weyn u leh muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, balse waa in doorashada ka hor fursad ay u helaan bulshadu sidii ay uga talo dhiiban lahaayeen.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka dalka Marwo Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa ku bogaadisay bulshada Benaadir sida wadaniyadda leh ee ay uga talo dhiibtaan arrimaha masiiriga ah iyadoona sheegtay in kaalin muhiim ah ay ku leeyihiin qabsoomidda doorashada “qof iyo cod” sanadka 2020.

Kulankan oo daah fur u ah kulammada wada tashiga ee ku saabsan Geeddi socodka Doorashooyinka ayaa lagu qaban doono degmooyinka gobolka Benaadir waxaana daah furka maanta ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Koowaad ee Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Gudoomiyaha Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo xubno ka tirsan Guddiga madaxa Bannaan ee Doorashoyinka iyo ururada bulshada rayidka ah ee Gobolka Benaadir.

 

Dood Qaran oo laga doodaayo hanaanka federaalka dalka oo muqdisho lagu qabtey

0

Ujeedadan dooda qaranka  ayaa waxaa ay ku saabsaneed  hanaanka fedraalka dalkeena uu qaatay iyo sidii loo dhameystiri lahaa federaalka dalka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka, Xildhibaano ka socda labada gole Baarlamaanka, Siyaasiyiin iyo  Masuulayiinta Hay”adda Xarunta talo soo jeedinta Soomaaliyeed.

Cabdinaasir Xaaji Maxamed oo ah Agaasime Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka ayaa  faafahin ka baxiyay federaalka dalkeena uu qaatay iyo qeexitaanada uu leeyahay federaalka Dadka Soomaaliyeed

Ka qeyb galayaasha ayaa si wayn ugu dooday hananaka fedraalka hada dalkeena uu qaatay iyo hanaanka qeyraadka  looga qeybsan karo iyo xaduudaha, Wasiirka Dastuuurka Xukuumadda federaalka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa tilmayay in doodan ay macno wayn ay ku fadhiso.

Guddoomiye  ku_xigeenka Xarunta Talo soo jeedinta Soomaaliyeed Saciid Jaamac Qorshyeel oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay qubarada ka qeybgalay dooda qaran ay  aragti wnaagsan oo dalka lagu horumarin karo ay soo bandhigeen ayna talooyinkaasi ay aruuriyeen ay soo bandhigi doonan.

Doodaan furan ay aragtiyada ay isku wadeersanayaan  bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowladda ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ka tala galinta talada qaranka Bulshada somaaliyeed si taloobooyin wax ku ool ah hore logu qaado geedi  socadka qaranka.

Masuuliyiinta Wasarrada Waxbarashada oo Ka qeyb galey munaasabad lagu soo bandhigayey wax qabadka Jamacada Umada

0

munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka waxana ku wehlinayay wasiirka ku xigeenka wasaarada waxbarshada, gudoomiyaha jaamacada umada iyo qeybha kala duwan ay ka koobantahay jaacadama umada.

forsiyo c/raxaamana warsame waa madaxa kuliyada waxbarshada jaamacada ummada wax ay ardayda u sharaxdey  wax yaaba u qabsoomay jaamacada umada iyo heerarka ay soo maratay jaamacada.

gudoomiyaha jaamacada umada soomaaliyed prof maxamed axmed jimaacde oo ka hadalay munaasabada ayaa sheegay in qorshaha sanadkaan uu yahay in la kordhiyo kuliyada kale oo muhiim u ah ardeyda dooneyso in ay ku soo biiraan jaamacada umada.

Wasiirka wabrashada hidaha iyo tacliinta sare  mudane C/raxmaan daahir cusmaan oo ka jawaabaya su’aalaha tooska ahaa ayaa sheegay in wasaarada ay qorsheyneyso sidii ardaya dhameysata heerka koowaad jaamacada umuda loo tababri doono macalinmo si aqoontooda loo dhameystiro .

 

Wasaaradda Gaadiidka Hawada iyo Duulista xukumada Federalka Soomaaliya oo soo saartey sharciga gaadiidka

0

Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo gaadiidka
noocyadiisa kala duwan oo ay soo saartay wasaarada  gaadiidka iyo
duulista hawada xukuumadda federaalka soomaaliyed ayaa waxaa lagu qabtey magaallada muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay  wasiiro, xildhibaano, taliska
ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee taraafiko,gaadiidleyda,
qaar ka mid ah ganacsatada gaadiidka,  iyo marti sharaf kale.

cisman xasan cilmi oo ku hadlayay magaca ganacsatada gaadiidka  ayaa
ka  hadlay muhiimadda  sharcigan uu u leeyahay waxa uuna sidoo kale soo dhaweyey sharciga lagu xadeeynaayo gadiidka dalka.

garyaqaanka  guud ee dowlada federaalka soomaaliya Dr cisman  cilmi
guuleed  oo ka hadlay kulanka ayaa sharcigan ku tilmaamey mid muhiimad u leh hanaanka wadista gadiidka iyo isticmaalkiisa.

wasiirka waraaradda gaadiidka duulista hawada  Maxamed  C/llaahi
Salaad  ayaa sheegay in sharcigan uu qeyb weyn ka qaadanayo dhinaca
amniga iyo Hormarka hanaanka gaadiidleeyda.

wasaaradda  gaadiidka duulista hawada ayaa mudooyinkan waday  howlo
lagu dar dar galinayo  hormarinta gaadiidka  oo ay mas,uul ka tahay
wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.