Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo aqbashay Rafcaan uu soo qaatay Col Cabdi Naasir Xoosh Maxmmed oo 20 February Maxkamadda D, 1-aad xukun dil ah ku riday (sawirro)

Date:

Taliyihii Raxanta Doomaha Badda oo ah eedeysanaha ayaa horay u dilay Allaha Uanaxariisa Gen Saciid Aadan Yuusuf Mariino oo ahaa Abaanduulihii Ciidamada Badda dilkaas oo ka dhacay gudaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho 18-01-2018.

Gen Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanaha eed eey soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxa uuna eedaha loo jeediyay kaga jawaabay in uusan ku tala gal u gelin balse ay si kam ah ay ugu dhacday xabad ka fakay bistooladiisa taasi oo ugu dambeyn sababtay in uu geeriyoodo abaandulihii ciidamada badda.

Cabdullahi Maxammed  Muuse (Keyse) oo ah ku  xigeenka 1-aad ee xeer ilaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha maxkamadda sare in uu cabdi nasir xoosh dil bareer ah u  geystay Gen Saciid Mariino sidaas darteedna ay maxkamadda uga codsanayaan in  dil toogasha ah lagu fuliyo.

Dhanka kale Abukaate  Xasan Cabduulle Fara-yare ayaa  garsoorayaasha maxkamadda sare weydiistay in ay dhiibaan  diyada marxuum Gen saciid mariino, maadaama uu sheegay eedeysanaha in uusan ku tala gal udilin.

Markaatiyaal ayaa iyana maxkamadda la horkeenay oo su’aalo la weydiiyay iyadoo sidoo kale baarihii kiiska la weydiiyay su’aalo, waxaana fadhiga maxkamadda ay aheyd mid furan oo ay ka qeyb-galayeen dhammaan dhinacyada dawcadda iyo dad-weyna kale.

Ugu dambeyn waxa maxkamadda  soo xiray gudoomiayaha maxkamadda cidamada qalabka sida S/guuto liibaan cali yarrow, isagoo dhammaan dhinacyada ka qeyb-galayaasha u sheegay in maxkamadda go’aan kama dambeys ah ay  soo saari doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...