madaxda dalka oo ka tacsiyay geerida fanaanada qaranka sahro ahmed jaamac

Date:

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleid ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/04/2018.

Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanna Sahra lagu naanaysi jiray Quruxdii fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Sahra Axmed mid kamid ah xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Soomaaliyeed.

Waxaana uu Ra’iisalwasaare ku-xigeenku uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

”Waxaan Tacsi u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkii ay ka baxday Allaha a u naxariistee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootey Magaalada Hargeysa. Sahra waxay kamid ahayd hormuudkii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanan ku tilmaami karaa inay safka hore kaga jirtay xidigihii ifiyey fanka Soomaaliyeed. Rabi Naxariistii janno ha siiyo.” Ayuu yiri R/W ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Marxuumad Sahra Axmed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuusanaysay Cusbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa, halkaaso oo saaka Xaqii ugu yimmi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...