Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo u hambalyeeyay SNTV.

Date:

Munaasabad lagu xusayay 35 Sana guuradii kasoo wareegatay asaaskii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Munaasabaddan oo ay kasoo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada wasaaradda, Wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaannada Labada Aqal, Maamulka Gobolka Banaadir , waxanay dhammaantood si qoto dheer ugu hadleen marxaladihii kala duwanaa ee uu TV-ga qaranku soo maray iyo howlaha dardarta leh ee haatan ka socda, iyadoo halkaasi qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) ayaa hambalyo diirran u diray 35 guuradii kasoo wareegatay asaaskii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed oo dhidabbada loo taagay Sanaddii 1983-dii.

Mudane Mahdi Maxamed Guulwed ayaa sheegay inay warbaahinta Qaranku guud ahaan kaga duwan tahay Warbaahinta kale ee gaarka loo leeyahay masuuliyad iyo inuu Wariyuhu ka fakaro xilka Qaran iyo kan Bulsho ee saaran, taasoo ay ku dheehan tahay waddaniyad dheeri ah, halka ay warbaahinta kalena inta badan waxba faaf reebin.

“Taleefishinka Qaranku waxa uu kaga duwan yahay warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo baraha Bulsha waxaan la yidhaa, in Qofka isagoo aan faaf reebin, aan wixii xanaf leh ka reebin uu Wabsayd yada soo dhigo ama Taleefishinka gaarka loo leeyahay, halka kan Dowladduna uu ka tarjumayaa mar walba aragtida iyo aqliga ku dhisan dib u dhiska Qaranka, ayuu yiri mudane Khadar”.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa intaa raaciyay inay warbaahinta Qaranku tahay hage bulshada ku hanuuniya tubta toosan, wacyi gelin ay qayb weyn ka yihiin Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay mid had iyo goor ka shaqaysa wada jirka iyo mideynta Ummadda Soomaaliyeed.

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaana dib loo howl-geliyay Sanaddii 2011-kii, iyadoo ay marba marka ka dambeysa sare usii kacaysay tayadiisa iyo howlaha uu bulshada u hayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale