aqalka sare oo ansaxiyay qaraar laga soo saaray lacagta laga qaado xujeyda

Date:

Kulanka maanta ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay garab fadhiyeen Labadiisa ku-xigeen,waxaana warbixin looga dhageystay Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada.

Xoghayaha Guddiga Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta,Xuquuqul insaanka,Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka sare Senator Axmed Cusmaan Macow oo Xildhibaanada Aqalka sare hortooda warbixin ka jeediyay ayaa sheegay in Golaha uu horyimid Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dr. Imaan C/llaahi Cali,isagoona Golaha Su’aalo ay ka weydiiyeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada gaar ahaan qiimaha sareeyo ee laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed iyo adeegyada ay helaan.

Wuxuuna Wasiirka markaasi uu sheegay Golaha Aqalka sare in Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ay u xilsaaran tahay dhammaan wixii quseeya Arrimaha Diinta iyo Awqaafta tilmaamayna in Wasaaradda leedahay sharuuc ama Xeer.

Markaasi ka dib ayaa Xildhibaanada Golaha Aqalka sare waxay cod u qaadeen sidii loo ansixin lahaa Agendaha kullanka oo ahaa Arrimaha Xajka iyo Cumrada,waxayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen in si deg deg ah qaraar looga soo saaro Arrimaha  Xajka iyo Cumrada si ay Xujeyda Soomaaliyeed u helaan adeeg hufan iyo in laga yareeyo qiimaha sareeyo ee laga qaado Xujeyda.

Senator Mustaf Maxamed Rooble oo ka hadlay madasha ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Aqalka sare ay ka soo saarayaan yareynta lacagaha laga qaado Xujeyda Soomaaliyeed oo ah mid qiimaheeda aad u sareeyo iyo sidii xujeyda Soomaaliyeed si fudud ugu heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin.

Wuxuuna shirkadaha duulimaadyada ugu baaqay iney u turaan Shacabka uguna naxariistaan in si fudud ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Senator Zamzam Daahir Maxamuud ayaa Tiri” Waa muhiim ah in Golaha Aqalka sare uu ka soo baxo qaraar waliba si deg deg ah oo ku saabsan Arrimaha Xajka iyo Cumrada loona turo Shacabka Soomaaiyeed,waxaana loo baahan yahay in labo qodob diirada la saaro in “ Xujeyda ay helaan Adeeg Wanaagsan marka ay tagaan Xajka iyo in laga yareeyo qiimaha Xajka iyo Cumrada.”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku bogaadiyay Golaha Aqalka sare iyo Guddiga Garsoorka,Diinta iyo Awqaafta sida hagar la’aanta ah ay uga soo shaqeeyeen Arrimaha Xajka iyo Cumrada oo dhibaato badan ka jirtay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in si deg deg ah loogu baahan yahay in Aqalka sare uu Arrintaan qaraar kaga soo saaro.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka hadlay kullanka ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Aqalka sare sida hufnaanta leh ay u ansixiyeen Agedaha kullanka,wuxuuna balan qaaday in si deg deg ah qaraar loo soo saari doono.

Golaha Aqalka sare ayaa dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa qaabka ugu haboon ee loo maareyn karo Xajka iyo Cumrada,xujeyda Soomaaliyeedna u heli lahaayeen adeegyo wanaagsan loogana yareyn lahaa qiimaha sareeya ee uga baxa Xajka iyo Cumrada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...