wasiirka beeraha iyo waraabka xfs oo daahfuray mashruuca hormarinta Beeraha

Date:

Mashruucan ayaa waxuu ka kooban yahay dayactirka kanaalo dhirerkooda uu gaarayo ilaa iyo 8 km, dhul beerad dhan 400 hektar iyo qalab beerad lagu taageerayo beeralayda Soomaaliyeed,  taasi oo lagu horumarinayo beerlayda yar yar.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxa ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, ayaa ka shaqeynayo mashruucan lagu horumarinayo beerlayda Soomaaliyeed, waxaana mashuurcan ku taageeray dowladda Soomaaliya Mu’sasadda Boqar salaam Bin Cabdulsiis.

Ka dib kulan waqti kooban ay ku qaateen xafiiska Wasiirka Masuulinta ururuka iskaashiga islaamka  iyo Madaxda Wasaaradda Beeraha, ayaa shir jaar’id warbaahinta ugu qabtay Xarunta Wasaaradda.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa’iideysanayaan beerlayada  yar yar,  islamarkaana tilmaayay in uu ahmiyad weyn uu ku fadhiyo.

Tani waxay qeexaysaa  dadaalada lagu horumarinayo Beeraleyda ee  ay wado Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda, iyaddoo muddo ka yar seddex bil ay heshiisyo dhaxal gal u ah horumarinta  wax soo saarka dalka la gashay hay’addo caalami ah iyo dalal dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...