Agaasime koofi oo Nairobi kula shiray Saraakiisha hay’adda IOM -(Sawirro)

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col; Maxamed Aaden Koofi, oo safar shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa kulan la qaatey madaxda cusub ee hay’adda socdaalka Adduunka u qaabilsan geeska Africa iyo Soomaaliya.

Kulankaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa soconayey mudo labo Maalin ah, waxaana laga wada hadley Maanta qodobbo ay ka mid yihiin:-

1) Hababka wada shaqeynta.

2) Ka hortagga danbiyada iskaga gudba xuduudaha iyo Socdaallada sharci darrada ah.

3) Dhameystirka dib u howlgelinta barihii laga koontrooli jirey xuduudaha Dhulka ee Soomaaliya la leedahey dalalka dariska ah.

4) Waxyaabaha kusoo kordhey socdaalada adduunka.

5) iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo laga yagleelo geeska Africa.

Agaasimaha iyo madaxda hay’adda Socdaalka adduunka ayaa isla qaatey in wadashaqeynta la xoojiyo isla markaana kulamada kale ee kan xiga ay ka dhacaan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...