Home Blog Page 1349

wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqallaha oo ka qeyb galey kulanka wasaiiradda islaamka

0

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya  Salah Ahmed Jamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka wareega 4-aad ee Wasiirada shaqada ee ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee ka dhacaya magaalada Jiddeh ee dalka sacuudiga.

Shirka oo lagu wado in uu furmo galinka dambe ee maanta ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirada Shaqada Sacuudiga oo la kaashanaysa Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana ka qeyb qaadanayaa wasiirada Shaqada 56 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka,isagoo socon doono muddo labo maalin ah.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa  macluumaadka ku saabsan xagga shaqada, siyasadda iyo barnaamijyada kale ee ku lug leh horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, inta uu socda shirka waxaa kaloo lagu qaadaa dhigi doonaa istaraatiijiyada shaqada wasaaradaha wadamada Islaamka siiba xagga shaqo siinta,barnaamijka kale ee howlgelinta dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa, iyadoo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga islaamka.

R/wasaare Khayre oo kulan la qaatey tahriibayaasha ka soo laabtey dalka liibiya

0

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan jeediyay kadib  kulan soo dhawayn iyo dhiirigalin ah oo hooygiisa ugu sameeyay dad tahriibayaal ah oo go’aan saday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, Kuwaas oo ay xukuumaddu ka soo qaaday dalka Liibiya.

Ra’iisul Wasaare Khayre Waxaa kulanka qaddada ah Ku waheliyay Wasiiradda Wasaaradaha Amnigga, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, Wasiir dawlaha Wasaaradda Gaashaandigga Soomaaliya.

Soo dhawayn Kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradda ka dhagaystay warbixin Ku saabsan dhibaatooyinkii ay kala kulmayn Xabsiyadda iyo gudaha dalka Liibiya iyo sidda loogu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed dalka dibadiisa,Iyagooona madaxdii ka soo qabgashay kulanka ka codsadayn in ay ka caawiyaan sidii loo xalin lahaa cabashooyinkooda gaarka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ugu horayn muwaadiniintan Ku soo dhawayay dalkooda hooyo, Waxuuna u balan qaaday in uu xalindoono waxkasta oo ay ka cabanayaan, isagoona sheegay in uu horay u sameeyay guddi ka shaqayndoono xaladda dadka ka soo laabanaya dalka Liibiya, si loogu abuuro fursado Shaqo, Waxbarasho iyo kuwo Caafimaad.

“Waxaan qorshaynay in aan qayb qayb usoo qaadno dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed ee joogo Liibiya iyo guud ahaan dalka dibadiisa. Waxaana farxad wayn noo ah in aan aragno shacabkeena oo dib ugu soo laabanaya dalkooda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyaradda Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan dalkooda, iskana dhaafaan tahriibka wadamada shisheye. Isagoona cadeeyay in aysan jirin meel u dhaanta dalkooda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya oo tacsi ka diray geerida Nabaddoon Axmed Diiriye

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u direy qoyskii, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday  Allaha u naxariistee Nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu naxariis iyo janno siiyo nabaddoonka, samir iyo iimaanna uu ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.

“Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun, Waxaan uga tacsiyeynayaa Shacabka Soomaaliyeed geerida Nabadoon Axmed Diiriye oo xalay ku geeriyoday Muqdisho, ilaahay ha u naxariisto nabadoonka, samir iyo iimaanna ha ka siiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagay.”

Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa baraarujinta bulshada dhanka ilaalinta xasilloonida, amniga, iskaashiga bulshada iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Soo dhaweyey guulaha ay ciidanka Soomaliyeed gaareen

0

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yonis ayaa guul Taariikhi ah ku tilmaamay talaabadii Ciidanka Xoogaa Dalka Soomaaliyeed ay kula so wareegeen Qalabkii Idaacadii Marin Habaabinta Al-shabaab ee Al-Andulus.

Wasiirka ayaa ku ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed howlgalkaasi qorsheysanaa oo ay ku burburiyeen saldhigyo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ku lahaayeen deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose, sida Mubaarak,Awdheegle,Sablaale,Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale.

Qalabkii laga soo furtay Idaacadii Arggagixisada Alshabab ay u adeegsan jireen marin habaabinta iyo cabsi gelinta shacabka Soomaaliyeed oo ku taalay deegaanka Mubaarak ayaa la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho,iyadoo ay gacanta ku hayaana Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya,sida uu xaqiijiyay Mudane C/raxmaan Iidaan siihayaha Wasirka Warfaafinta.

“Waxaa guul u soohooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in arggagixisada Alshababa lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo burburinta kooxaha arxan laawayasha ah ee Alshabaab,hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya”. Ayu yiri Wasir Iidaan Yoonis.

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhiyay bilihii ugu dambeeyey howlgalada dalka looga sifeynayo arggagixisada Alshabaab,waxaana howlgaladii ugu dambeeyey ay ka dheceen Gobolada Gedo,Shabeelooyinka iyo Hiiraan,kuwaasi oo Alshabaab looga qabsaday deegaanno badan.

      (Xigasho Sonna)

Nabaddoon Ahmed Diiriye Cali oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Waxaa Saqdii dhexe ee xalay ku geeriyooday Isbitaalka Ordogaan EX Digfeer ee magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu Caansan Soomaaliya.

Marxuum Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka, waxaana lagu xusuustaa qeybtii uu ku lahaa Baraarujinta bulshada iyo inuu ku wacyi galin jiray sidii ay isku kaashan lahaayeen, dibna ugu dhisan lahaayeen dowladnimadooda

Nabadoonka oo muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanaa ayaa lagu dabiibayay Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan oo uu ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Diiriye  waxaa uu ifka kaga tagay 52 Caruur uu dhalay iyo waxay sii dhaleen,Waxaana lagu Aasi doonaa Maalinta Arbacada ee ku beegan 21/2/2018 Magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud sida ay xaqiijiyeen Eheladiisa.

Wasiirka Caafimaadka oo kulan la qaadatay dhiggeeda Dowladda Suudaan

0

Wasiirka Caafimaadka ee XFS Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo booqasho ku joogta Dalka Suudaan ayaa kulamo kala duwan la qaadatay howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowaladda Suudaan, iyadoo soo eegtay habka ay u shaqeyso Wasaaradaasi, waxayna sido kale booqatay Xarumaha daawooyinka lagu sameeyo iyo Shirkado daawooyinka soo saara, kuwaasi oo gaar loo leeyahay.

Dhanka kale wafdiga ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur ayaa booqasho kal duwan ku tagay Isbitaalada Royal Care, iyo Al-mucalim oo ay ku jiraan qaar kamid ah bukaanadii ku soo waxyeeloobay Qaraxii 14-kii October ee sanadkii tagay ka dhacay isgoyska Zoobe, Wasiirka Caafimaadka oo la hadleysay Warbaahinta Qaranka ayaa u Mahadcelisay dhammaan dhaqaatiirtii la tacaalayay bukaanada kala duwan iyo sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan oo iyagana xil gaar ah iska saaray sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahood.

Wafdigan oo ay horkaceysa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo martiqaad rasmi ah ka heshay dhigeeda Dalka Suudaan Baxrri Abul Qardah ayaa kulan laba geesood ah islamarkaana la isaga kaashanayo qaabkii wada shaqayn rasmi ah u dhexmari lahaa labada Wasaaradood la yeeshay madaxda Wasaaradda Caafimaad ee Dowladda Suudaan, waxayna sidoo kale kulankaasi ugu wada hadleen sidii heshiisyo horay u wada galeen labada Wasaaradood loo dhaqangalin lahaa.

Waa markii ugu horeesay oo ay soo gaarto Dalka Suudaan Drs Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya tan iyo markii loo magacaabay xilkan iyadoo lagu wado gabagabada booqashadeeda in ay heshiis wax wada qabsi ah wada saxiixdaan labada Wasaaradood ee kala masalaya labada Dowladood, waa Soomaaliya iyo Suudaan.

Maxkamadda CQS oo darajadii ka xayuubisay Cabdi Naasir Xoosh sidoo kalane Xukun Dil ah ku riday (Sawirro).

0

G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxmammed oo ahaa Taliyihii Raxanta Doomaha Badda ayaa la isugu daray daraja ka xayuubin iyo dil toogasha ah, kadib dil uu horey ugu geystay Abaanduulihii Ciidamada Badda Soomaaliyeed 18-01-2018 gudaha Dekadda weyn ee Muqdisho.

10-02-2018 ayaa horey loo dhageystay eed ka dhan ah sarkaalkan  laga xayuubiyay darajada,  sidoo kale waxaa la soo bandhigay markaatiyaal iyo saraakiishii soo baaray kiiskan, iyadoo eey jirto in xafiiska xeer ilaalinta in uu weydiistay Maxkamadda in xukun dil ah lagu fuliyo eedeysanaha maanta la xukumay.

Qareenka u doodayey eedeysanaha ayaa isna dhankiisa muujiyay in eeysan diidaneen dilka uu sarkaalkan hore geystay balse uu Maxkamadda weydiistay in sarkaalka lagu xukumo in uu dhiibo  diyo.

“Sidaas darteed, Maxkamadda waxaa u caddaatay in  G/Sare X. C/naasir Xoosh Maxamed,  uu yahay  dembiile  galay dembiga lagu soo oogay maxkamaduna waxay ku riday xukunka ah :-

  • Waxay ka xayuubisay darajadii uu sitay oo ahayd G/SARE
  • Waxay maxkamadu ku xukuntay Dil  Toogasho ah, oo ah qisaasta Marxuum  Ex-S/Guuto Saciid Aadan Yuusuf(Saciid Mariino)

Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan” -Sida uu u sheegay Warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanaha ayaa heysto fursad kale oo uu ku dalban karo racfaan, hadii uusan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D,1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo bandhigey buug lagu magacaabo heybso dhaqankaada

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Ardayda Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed u soo bandhigay Buug uu qoray oo uu ugu magacdaray Heybso dhaqankaada.

Goobta lagu soo bandhigayay Buuga Heybso dhaqankaada ee uu qoray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano,Maamulka degmada Waabari,Aqoonyahano,saraakiil,odayaal dhaqameed,culimaa’uudiin iyo Ardayda wax ka barata xarumaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu horeyn ayaa waxaa madasha ka hadlay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka (National Theatre) Abwaan C/llaahi Cusmaan Guure,Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof: Maxamed Axmed Jimcaale waxa ayna  sheegeen in Buugan wax badan laga kordhisan doono.

“ Cabdi Xaashi waa nin wax bartay,wadani ah buugaana uu soo bandhigay inaan ka faa’ideysano oo qofkastaa horay u sii qaato kadibna Jaamacadaha iyo Dugsiyada lagu dhigo, intaasi waan ku talineynaa haddii Alle kuu roonyahay oo buugaasi uu wada gaaro Ummadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay wada joogaan,”sidaasi waxaa madasha ka sheegay Abwaan C/llaahi Cusmaan Guure.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof; Maxamed Axmed Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo aas aasay ay tahay toban qodob oo qodob ka mid ah uu sheegayo in Jaamacadda ay ka qeyb qaadato xoojinta iyo Horumarinta Afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo madasha ka hadlay ayaa ku micneeyay sababta ku dhalisay inuu Buugaan qoro,wuxuuna carabka ku dhuftay  inuu dareemay inuu sii lumayo dhaqanka iyo Afka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ugu baaqay Hay’adaha Dowladda iney xafiisyadooda ka hirgeliyaan iskaa wax u qabso oo muhiim u ah horumarinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

 

Guddiga joogtada ee golaha shacabka oo laba guddi u saaray cabashooyinka ka taagan canshuuraha iyo Ganacsatada

Kulanka guddiga  joogtada ee golaha shacabka waxaa guddoominayey guddoomiyaha golaha shacab Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha.

Diiradda waxaa lagu saaray kulanka xaaladaha ka taagan Ganacsiga iyo suuqyada caasimadda oo ka dhallatay habka nidaamka canshuur bixinta dowladda iyo ganacstada, xubnaha guddiga ayaana isla falan-qeeyey sidii  looga wada qeyb-geli lahaa xal u helidda arrimahan.

Guddoomiyaha guddiga Ganasiga iyo Warshadaha ee golaha Shacabka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/raxmaan ( Beena Beene) ayaa SNTV u sheegay in laba guddi loo saaray arrimaha Ganacsada, berrina ay kulan deg deg yeelan doonaan, si looga soo tala bixiyo.

Dhinaca kale Xog-hayaha guud ee golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in horraanta Bisha Maarso in uu furmi doono Kalfadhiga 3-aad ee golaha shacab.

Guddiga doorashooyinka qaranka oo kulan la qaatey Shacabka Gobalka Banaadir

0

kulankaani oo qeyb ka ahaa wadatashiyada mudooyinkii dambe ay wadeen Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka  ee la xiriira habraaca doorashooyinka Somaaliya iyo sida lagu gaari karo dooorasho qof  iyo cod ah sanadka 2020 ayay maanta Guddigu la qaateen haween ka kala socoday 17-ka degnmo ee Gobolka Banadir iyo urururada Haweenka.

iyadoo kulanka maantana waxyaabaha diirada lagu saaray ay ka mid aheyd kor u qaadista doorka Haweenka ee ka qeyb galka Doorashada.

Gudoomiyaha Guddiga Madxa bannnaan ee Doorashooyinka Qaranka  Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Haweenku ku baraarugaan ka qeybgalka dootrashooyinka  go’aanada  masiirka Umadda  Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah xubnihii ka socday ururada Haweenka ee kulanka ka qeybgalay ayaa dhankooda balan qaaday inay la shaqeyn  doonaan Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka

28-ka Bisha March ee soo socota ayaa la filayaa in Shir Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay u balansan yihiin inuu ka dhaco Magaalada Beydhabo la horgeeyo warbixinta Guddiga madaxa banaaan ee Doorashooyinka qaranka ee ku saabsan Habraaca Doorashooyink  kadib wadatashityo  Guddigu la sameeyay maamul Goboleedyada  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.