Home Blog Page 1349

Wafdiga ka socday Baarlamaanka Dalka Jabuuti oo kulan la qaatay guddoonka iyo xubno katirsan Golaha Aqalka Sare ee Dalka+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Kullankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka Jabuuti iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Dalka iyagoona sidoo kale lagu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho..

Waxaa Sanataradda Aqalka Sare ee Wafdiga Dowladda Jabuuti lakulmay Hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare iyadoo Dhanka Jamuuriyadda Jabuuti uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.

Cabdi Axmed Dhuxulow iyo   Axmed Xaashi oo kamidda Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Wafdiga ka socda  Dowladda Jabuuti siwaangsan loo soo dhaweeyey .

“Waxaan si-heer sare ah u soo dhaweynay Wafdiga Xildhibaanadda ah ee nooga yimid Jamuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ay  inaga dhaxeeyaan wax badan oo dhankasta ah runtii waxaan rabnaa in aad soo dhaweyn intaan kabadan u sameyno”

Xildhibaan C/laahi Bilaad kixataloor iyo Xildhibaan Cumar Saciid oo inaya kamid ah Baarlaamka Jabuuti oo sidoo kalena qeyb ka ah Wafdiga Jooga Muqdisho ayaa iyana dhankooda u mahadceliyey Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Guud ahaan Dowladda Soomaaliya.

“Waxaan u mahad celineynaa guud ahaan Dowladd Soomaaliya iyo qaabka ay nogu soo dhaweeyeen Magaaladda Muqdisho runtii waxaan aragnay wax badan oo aanan fileyn taasna waxaa ay nasiisay kalsooni badan”

Sidoo kale Wafdiga ayaa Qadka Telfoonka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare cabdi Xaashi C/laahi kaas oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.

 

 

W/D:-Cali Axmed Sh

Mareykanka oo Bakistaan digniin adag u jeediyay

0

Bakistaan(SONN) Xukuumadda Washington ayaa uga digtay Pakistan in uu dhaawac soo gaari doono xiriirka laba geesoodka ah,haddii Dowladda ay Pakistan ku guuldaraysto in ay maxkamadeyso nin lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Mumbai.

Ninka la doonayo oo ah Hafiz Saeed ayaa xabsi guri ku jiray magaalada Lahore tan iyo bishii January, balse toddobaadkan ayay maxkamad amartay in la siidayo.

Sarah Sanders oo ah Af-hayeen u hadashay aqalka cad ee Mareykanka , ayaa ku eedeeysay Pakistan in ay gabbaad siinayso argagixisada,Waxa ay ay intaa ku dartay in ay qasab tahay in ninkaasi lagu soo oogo dambiyadii uu galay.

Waxaa uu beeniyay wadaadkaasi lagu magacaabo Hafiz Saeed in uu ku lug lahaa weerarkii magaalada Mumbai ee Hindiya ka dhacay sanadka markuu ahaa 2008.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay 166 qof ,waxana Mr Saeed lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarka.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa uu Mr Saeed madaxiisa dul dhigtaay adduun dhan 10 milyan oo doolar cidii keenta macluumaad horseedi kara in la soo xiro iyo maxkamadeyntiisa.

R/Wasaare Khayre oo magacaabey Wasiirka Gaadhaandhigga,xilkiina ka qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta

0

Muqdisho(SONNA)  Ra’iisul Wasaraah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga ,iyadoo xilkii laga qaadey Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in degreetadaasi ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre lagu magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ee cusub islamarkaana xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo Owqaafta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga  umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyadoo sidoo kale isla degreetadaasi xilkii laga qaadey Wasiirkii Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya,Dr Iimaan C/llaahi Cali.

Xilki Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaa sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey Aas Aaskii Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal dagayey sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo caawa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jeyte ayaa ugu horeyn ka sheekeeyey marxaladihii adkaa ee uu soo maray Radio Muqdisho, islamarkaana door weyn radiyuhu uu ku lahaa in dalka laga xoreeyo Maleeshiyada Al-shabaab.

Masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirada Dhalinyarada, Maaliyadda, iyo wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/kariin Xasan ayaa madasha ka sheegay in Radio Muqdisho uu leeyahay taariikh weyn oo aan lasoo koobi karin, iyaga oo bogaadiyey shaqada hadda socota iyo Isbedelada dhanka horumarka ah ee Radio Muqdisho uu ku talaabsaday.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Radio Muqdisho iyo qeybaha kale ee Warbaahinta Qaranka ay u hogaansameen Baaqa Madaxweynaha ee ku wajahan in si weyn looga qeyb qaato howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolo kamid ah dalka ee looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore u hambalyeeyey shaqaalaha iyo maamulka radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shaqada dalka ay u hayaan ay tahay mid aan lasoo koobi karin oo mudan in lagu dhiira galiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba gabadii hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa uu ku xasuusto Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaalintii uu kasoo qaatay la dagaalanka Al-shabaab, isagana uu si weyn uga war hayey duruufta ay ku shaqeynayeen howl wadeenada Radio Muqdisho oo ah geesiyaal u istaagay in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiira in meel looga soo wada jeesto dhagarta cadowga.

Ugu dambeyn munaasabadda ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey shaqsiyaad lagu abaal mariyey in iyada oo lagu jiro marxalad adag ay ku dhiiradeen in bulshada ay ku wacyi galiyaan in lala dagaalo Al-shabaab, qaarkoodna ciidanka xoogga furumaha dagaalka ay raashin iyo taageero kale ugu geyn jiren xiligii uu socday dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Munaasabada loogu dabaal dagayo Aas aaskii Radio Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaaan Yariisow, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdi Raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xubno ka kala socda Aqalka sare iyo Golaha Shacabka iyo Madax kale ayaa ka qeyb galaya Munaasabad loogu dabaal dagayo sanad guuradii 66-aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo haatan ka socota xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sanadkii 1951-kii, 9 sano ka hor intii aan dalku xor noqon ayaa uu hawada soo galay Radio Muqdisho. Waa raadiyaha labaad ee ugu facweyn idaacadaha af-soomaaliga ku hadla dal iyo dibad meel ay ka soo hadlaanba, marka laga reebo Radio Hargaysa oo la aasaasay 1943-kii.

Munaasabada oo hada si toos ah u socota waxaa khudbado ka jeedinaya Madaxda ka qeyb galeysa, iyadoo lasoo bandhigayo waayihii kala duwanaa ee uu soo maray Radio Muqdisho.

Akhriso: Nuxurka hadal jeedintii guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti

0

Guddoomiyaha Baarlaamanka Wadanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo maanta ka qeybgalay kulankii xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa siweyn uga hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal.

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ,waxana kulanka goobjoog ka ahaa 173 Mudane.

Kulanka Maanta ayaa ka duwanaa kulamadii hore,waxaana hortegay xildhibaanada isla markaana khudbad dheer u jeediyay gudoomiyaha Baarlamanka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen ilaa 173 mudane ayaa waxaa uu khudbadiisa uu diiradda ku saaray ujeedka booqashadiisa,wuxuu muujiyay in ahmiyada ay leedahay wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo taageerada ay siiso Soomaaliya Dowladda Jabuuti.

“Ujeedka socdaalkeyga waxaa uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaa inaga dhexeeya xiriir walaaltinimo oo aad u wanaagsan,Soomaaliya waxaan u sheegayaa qofkasta oo muwaadin ah waxaa waajibaad uu ka saaranyahay in uu dalkiisa wax u qabto”, ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad ka jeediyay kulankaasi, isagoo ku ammaanay guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti imaatinkiisa Soomaaliya,isagoo xusay in xiriirka ka dhaxeeya labada dal gaar aahan baarlamaanada uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana uu ahaa mid soo jireen ah.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhallinyaro ah oo ka jawaabay baaqaygii, una istaaga in ay nafootada u huraan dalkooda”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye  600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la wareegay qalab loogu talo galay in lagula socdo Saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo

0

Kismaayo (SONNA) Maamulka Garoonka Diyaradaha magalada Kismaayo  ayaa maanta la wareegay qalab cusub oo loogu talo galay in lagula socdo saadaasha Hawada Garoonka Kismaayo, Kaas oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ugu deeqday.

Maareeyaha Garoonka Kismaayo C/Laahi Aadan Maxamuud Jagadoon oo uu Wehlinaayo injineerka sameyn doona qalabka ayaa soo kormeeray dhabaha weyn Ee ay ku ordaan diyaradaha ,iyagoona soo indho indheeyey halka ugu haboon ee qalabkaan cusub lagu rakibaayo.

Cabdulaahi Aadan Maxamuud Jagadoon Maareeyaha Garoonka Kismaayo  ayaa  sharaxay qalabkaan iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu sheegay in qalabka cusub iyo ku shaqeyntiisa loo tababari doono shaqaale.

Dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa xooga saartay tayeynta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoonka diyaaraha iyo dekedda magaalada Kismaayo

 

Wasaaradda Haweenka oo daah furtay Ololaha ka hortagga tacadiga ka dhanka ah Jinsiga

0

Muqdisho (SONNA) Ololaha  ka hortagga tacadiga ka dhanka ah jinsiga ayaa ah mid looga soo horjeedo in la dhibaateeyo  Haweenka iyo Caruurta islmarkaana Bulshada laga wacyi galiyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen cirib tirka tacdiyada loo geysto xaquuqda Caruurta iyo Haweenka.

Agaasimaha guud ee wasaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf  oo ka hadlaayey madasha daahfurka ololahaan 16-ka maalmood ee tacdiga ka dhanka ah jinsiga ayaa sheegay in Wasaaradda Haweenka  ay dar dar galin doonto  Barnaamijiyo wacyagalineed  oo Bulshada looga wacyagalin doono sidii loo ciribtiri lahaa tacadiyadda ka dhanka ah Bulshada.

25-ka bisha Novembar sanad waliba  ayaa ah  maalinta aduunka  loo asteeyey ka hortagida tacadiyadda loo geysto Haweenka iyo Caruurta.

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanha xukumadda Soomaaliya Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf  oo si rasmi ah u daahfurtay  ololahaan ayaa sheegtay in sharciga ka hortaga tacadiga  jinsiga uu leeyahay muhiimad gaar ah.

 

Jubbaland oo Duuleedka Kismaayo ka hirgelisay guryo loogu talo galay dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga Kenya

0

Dowlada gobolleedka Jubbaland oo kaashaneysa hay’adaha ka shaqeya arrimaha aadanaha iyo hormarinta ayaa duleedka magaalada Kismaayo ka hirgaliyay guryo loogu talo galay muwadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo noqonaya xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Dowlad goboleedka Jubbaland oo mar kale qiimeyn ku sameysay baahiyaha adeegyada aas-aasiga ayaa waxaa soo baxday in loo bahan yahay xarumo caafimaad oo loo dhiso dadka degaya xaafada cusub ee duleedka magaalada.

Wasiir kuxiggenka caafimadka Jubbaland iyo maamulka degmada kismaayo ayaana maanta wada jir u dhagax dhigay xaruntii ugu horeysay oo caafimad,waxaan ku wehliyay hay’adaha ka shaqeya horumarinta.

Gudoomiyaha degmada kismaayo ayaa sheegay in dowlada hoose ay xooga saari doonta sidii loo heli laha adeegyada aas-aasiga guud ahaan degmada gaar ahaan xafada cusub ee duleedka magaalada oo loo dhisay dadka dib uga soo laabanaya xerayaha qaxootiga.

Dhismaha xaruntaan ayaa waxaa gacanta ku haysa hay’ada Merced crop waxaana maalgalinaya hay’ada GIS Cabdirashiid caafi oo ah madaxa hay’ada Merced crop kismaayo ayaa sharaxad ka baxshay xarunta iyo cida maamuli doonta.

Wasiir kuxigeenka caafimadka Jubbaland Cali Nuur ayaa sheegay in dowlad gobolleedka Jubbaland ay ilaalin doonto caafimadka muwaadinka Soomaaliyeed .

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha ka shaqeya arrimaha caafimadka in ay ka qayb qaatan hirgalinta xarumo kale.