wasiirka maaliyada oo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Shir Jaraaโ€™id maanta ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in ay hirgashay canshuurta Gadista, isagoona u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed uu sheegay inay Laf dhabar u yihiin Dhaqaalaha dalka.

โ€œWaxaa farxad ii ah inaan iraahdo Canshuurtii yareyd ee Gadista way hirgashay, Canshuuraha aan soo kordhinay wax badan ayay soo kordhiyeen, Bishiiba Hal Milyan iyo bar ayay soo kordhiyeen, Canshuurta boqolkiiba shanta ah ee aan kusoo rognay wixii dibada ka yimaada aad ayay u yar tahay, wadamada aan tartanka kula jirno waa 15 iyo 30, marka wadanka wuxuu ku dhismayaa in casnhuurta la iska qaadoโ€ayuu yiri Beyle.

Wasiir Beyle ayaa dhinaca kale sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay hal sano oo Imtixaan oo ay ka qaaday Hayโ€™adda Lacagta Aduunka, wuxuuna sheegay in Lacagta looga baahnaa in ay kor u dhaafeen Hal Milyan iyo Bar

โ€œHayโ€™adda Lacagta aduunka ee IMF heshiis baan la galnay kal hore, Heshiiskaas mid adag ayuu ahaa, hal sano oo Imtixaan ah ayaan galnay waan ku guuleysanay, Bishaarada waxay tahay Lacagtii nalooga baahnaa Milyan iyo Bar baan kor u dhaafnay, waana guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeedโ€ayuu yiir Wasiirka.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Soomaaliya ay tagi doonto Shirarka waa weyn ee IMF iyo World Bank , isagoona sheegay in Hayโ€™adda Lacagta Aduunka ay u sheegtay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu horeeya ee is hormarinaya, sababtaas darteedna Dalal badan ay Casuumaad u fidinayaan Soomaaliya, si hormarkeeda kaga qeyb galaan, wuxuuna sheegay in Soomaaliya aysan wali gaarin halkii loo baahnaa laakiin hadii Masuuliyad la is saaro dadaalkana la laba jibaaro Dalkaan siduu ahaa iyo kasii wanagasan ayuu noqon karaa ayuu yiri Wasiir beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...