Home Blog Page 1351

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda +Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb qaatay ololaha billahaa ee Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta ka dhacay guud ahaan degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid yihiin degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis , waxuna gacantiisa uga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho in ay ilaaliyaan nadaafadda deegaankooda, isla markaana tallaabo laga qaadi doono cid walba oo qashin ku shubta laamiga iyo goobaha kale ee bulshadu isugu timaado.

“Maanta waa waqtigii aynu u astaynay nadaafadda oo magaalada dhan laga fulin doono, waxaa muhiima in dhammaanteen aynu ka wada qeyb qaadano ololaha nadaafadda, iskana nadiifino qashinka. Haddii aynaan qashinka iska xaaqin oo aynaan nadiifin jidadka iyo xaafadaha ma jirto cid dibedda nooga keenaysa dal nadiif ah.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhamaan xarumaha dawlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ololahan nadaafadeed, iyadoo uu hormuud u yahay Maamulka gobolka Benaadir isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadda.

R/W ku-xigeenka Dalka oo Shaqalaha Dowladda kala qayb-qaatay Ololaha Nadaafadda+Sawirro

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guulleed (Khadar), ayaa maanta shaqaalaha xafiiska kala qeyb–qaatay ololaha nadaafadda ee dhammaan shaqaalaha iyo madaxda dawladdu ay fuliyaan khamiista ugu dambeysa Bil-walba, taas oo loola jeedo in laga shaqeeyo bilicda iyo qurxinta dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo gudaha Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya saakadii hore shaqaalaha xafiiska la billaabay aruurinta iyo xaaqista qashinka ayaa sheegay in nadaafaddu ay muhiim u tahay bilicda iyo faya-dhowrka bulshada, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo ilaalinta nadaafadda.

“ Maanta waa xilligii aynu u astaynay nadaafadda dalka, gaar ahaan Caasimadda in laga sameeyo olole nadaafadeed, waxaana muhiim ah in madax iyo shacabka ay ka wada qeyb qaataan qurxinta deegaanka.” Ayuu yiri Mudane Mahdi Mohamed Guulleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa dhammaan shaqaalaha dawladda iyo shacabka ku dhaqanka Caasimadda dalka u soo jeediyay in ay maalin-walba ay ka shaqeeyaan ilaalnta nadaafadeed ee dalka, si loo helo deegaan caafimaad qabo.

Xarumaha dawladda ayaa sidaan oo kale looga sameeyaa ololaha nadaafadda, waxaan ka qayb qaata madaxda wasaaradaha sida Wasiiradda, Agaasimayaash iyo dhammaan shaqaalaha dawladda.

QM oo dib u billaabaysa soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya

0

Jimciyadda Quruumaha ayaa sheegtay inay sii kordhayaan Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay ka baxaan Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab Kenya kuna laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay inay rajeynayaan in Dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan Xeryaha Dhadhaab ay Dalkooda dib ugu celiyaan Bilaha soo socda, markii ay iyaga sidaasi codsadeen.

“Gaadiidkii Dadkaan qaadi lahaa ayaannu diyaarinaynaa, waxaanan rajeynaynaa in Dadka doonaya inay Dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa Sidoo kale sheegtay in tan iyo Bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku laabteen 1,315 Qaxooti ah, kuwaasoo iskood u doortay inay Dalkooda dib ugu laabtaan.

75,157 Qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ayay sheegtay inay dib ugu laabteen Dalkooda Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay, iyadoo intaas ku dartay in Qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo Qof.

Tallaabadani lagu daabulayo Qaxootiga ayaa ah mid ku xiran dib u furidda Waddada laga soo galo xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Magaalooyinka Libooya Kenya iyo Dhoobleey Soomaaliya.

Xuduudda kala qaybisa Labada magaalo ayaa xirnayd muddo Sanad ku dhow, sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo Roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu soo gaarsiinayay Dadkan Soomaaliya.

Sanadii 2014-kii ayay ahayd markii ay hay’adda UNHCR, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya  heshiis Saddex geesood ah ku gaareen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab.

Isha/ Daily Nation

Soomaalida ku xir-xiran xabsiyada Maraykanka oo xaaladdooda laga soo deyrinaya

0

Waxaa xaaladdooda guud laga soo dayrinayaa 60 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xir-xiran Xabsiyo ku yaalla Gobolka Taxes ee Dalka Maraykanka.

Qareen dhanka socdaalka ah oo lagu Magacaabo Jonathan Ryan, oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dacwadaha 80 Qof oo Afrikaan ah oo intooda badani ay yihiin Soomaali.

Dadkan oo isugu jira kuwo laga qab-qabtay gudaha Dalka Maraykanka iyo qaar dhawaan laga soo celiyay Dalka Senegaal ayuu sheegay inay ku nool yihiin xaalado xun, isla markaana tacaddiyo loogu geysto Xabsiyada dhexdooda.

Qareen Jonathan Ryan, ayaa sheegay in ilaalada Xabsiyadu ay Dadkaasi kula kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, sida Jir dil, garaacis, Af legaaddo iyo gabbood fallo kale.

“Intii Dadkani lagu hayay xarumahan waxaa la marsiiyay xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha, oo isugu jira Gacan ka hadal, jebin iyo xad gudubyo kale, waxaa kaloo loo geystay cadaadis ah inaan loo oggolaanin isticmaalka Musqulaha, waxaa loo diiday iney isticmaalaan Dawo, qaarkoodna waxaa la geliyay Qolal Masas leh, waxaa kalooy ku sameeyeen cabsi gelin Hub loo adeegsaday, ayuu yiri Qareenku.

Qareenka ayaa sheegay  in Lixdankan Qof ee Soomaalida ah ay isugu jiraan kuwiii horay loogu qaadi jiray Soomaaliya ee Afrika laga soo celiyay iyo kuwo dhawaan la qabtay, waxaana dhowr jeer Dadkani lagu wareejiyay xabsiyo kala duwan, iyadoo ay Dadkani halkaasi ku jiraan muddooyin kala duwan oo u dhexeeya 6 illaa 18 Bilood.

Dadkan oo u badan Dhallin yaro horay ugu noolayd gudaha Maraykanka iyo kuwa doonaya iney ku galaan si aan waafaqsanayn shrciga Dalkaasi ayaa waxay laamaha ammaanka kala kulmaan cadaadis iyo xad gudubyo ka dhan ah Aadanaha, iyadoo madaxweyne Donald Trup uu adkeeyay sharciyadii ka yiillay gelista Dalkiisa.

Ciyaaraha Xagaaga ee Soomaalida Mareykanka oo ka furmay Columbus Ohio+Sawirro

0

Furitaanka ciyaarahan ee sanadkan 2018 waxaa xaflad furitaan ah loogu sameeyay gudaha Garoonka oo ay ciyaartu ka bilaabanayso manta oo Khamiis ah 03/29/18 waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah abaabulayaasha koobka xagaaga,Deeq bixiyayaasha dhaqaalaha ku bixiya koobkan sanad walba, Ciyaartooy, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ciyaarahan oo ay kooxo badan sanad walba ka soo qeybgalaan waxaa ay kooxuhu ka kala yimaadaan gobolladda Mareykanka iyo Canada, waxaana dhex mara tartan aad u xiiso baddan oo koox walba ku muujinayso qibradeeda ciyaar.

Bashiir Geelle oo ah Madaxa barnaamijkan Columbus Indoor Soccer Cup oo ka hadlay furitaanka ayaa ku dhawaaqay in ciyaaraha ay furmeen maanta oo khamiis ah ayna socon doonaan ilaa iyo maalinimada Axada ee nagu soo aadan, isaga oo ka codsaday Kooxaha kala duwan ee ka yimid gobolladda in ay muujiyaan Aadaab, Ixtiraam iyo Ciyaar wanaag taas oo ay ku mutaysan doonaan abaalmarin iyo bilado.

Flickinger Legal Group oo ah labo Nin oo looyaro ah ayaa sanad walba ka qeyb qaata dhiira galinta dhalinyarada isla markaana ka gaysta taageero buuxda, waxayna inta badan marwalba garab taaganyihiin Kooxda ka socota Columbus Ohio oo ay ku dhiirogaliyaan in ay muujiyaan ciyaar wanaag.

Sahid Ali oo ah aqoonyahan wax badan la shaqeeyay ciyaarahan ayaa dhankiisa dhalinyarada ku dhiira galiyay ahmiyada ciyaaraha iyo in ay ogaadaan in dalkoodii hooyo in ay u ciyaaraan laga sugayo.

Macalin Qarindi oo ah tababarihii Koobka u soo hooyay Jubbaland ciyaarihii u danbeeyay ee goboladda Soomaalia ayaa dhankiisa ka sheekeeyay waxii uu ku soo arkay Somalia iyo sida loogu baahan yahay in la helo kooxo aad u dhisan oo la ciyaara kooxaha ku sugan Soomaaliya si loo helo awood ciyaartooy oo dalka matali karta mustaqbalka.

Fanaanka Caankaa Ahmed Rasta ayaa dhankiisa dhalinyarada ku guubaabiyay ciyaaraha iyo in ay muhiim u yihiin dhalinyarada qurbaha joogta si ay uga nabad galaan dhibaatooyinka mustaqbalka ka haleeya.

Ismacil Mohamed oo ah Musharax xildhibaan oo u ordaya xaafada 25 ee magaalada Columbus ayaa ugu hanbalyeeyay dhalinyarada ka shaqeeysa sanad walba qabashada ciyaarahan isaga oo dhanka kale Soomaalida Columbus ka codsaday in ay soo baxaan oo ay codkooda siiyaan si uu bari u garab istaago Jaaliyadda oo hadii ay xubin ku yeeshaan baarlamaka heli doona xaquuq iminka ka maqan.

Ciyaarahan oo sanadkii 18-aad la qabanayo waxay abuuraan is dhexgal bulsho iyo isku imaatin saaxiibo xiliyo aan is arkin waxayna dhiirogalin u noqotaa dhalinta jecel Sportska oo ka hela waqti ay ku muujiyaan awoodooda ciyaareed.

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada-hadlay arrinta xuduudda labada Dal

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi shalay dhiggiisa dalka Kenya H.E. Amb. Monica Juma. Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo dhowr arrimood oo xaaladda gobolka iyo dunida si gaar ah xaaladihii ugu dambeeyay ee dhismaha derbiga laga dhisayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera iyo dadaallada joogtada ah ee loogu jiro sidii gebi ahaan loo joojin lahaa dhisiddiisa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada dooday isfahamka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee joojinta dhisidda derbiga iyo unkidda guddi wasiiro oo wadaag ah, kuwaasi oo kulamadooda ugu horreeya uu ka dhici doono Mandheera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya H.E. Amb. Monica Juma  ayaa sidoo kale kawada hadlay  heshiisyadii hore ee labada dal ay  kala saxiixdeen oo la xiriiray ammaanka, ganacsiga, iskaashiga arrimaha bankiga iyo sidoo kale tababaridda howlwadeennada caafimaadka, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaallaha rayidka ee Soomaaliya.

 

Laamaha ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Maandooriyaal iyo Hub Amni daro loo adeegsanayay

0

Kadib howlgal ay Ciidamada ammaanka  ay xalay ka sameeyeen xaafado ku yaala degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo isugu jira Xashiish,markii ay ka war heleen guriga lagu diyaarinayay maandooriyahaasi.

Muddadii uu howlgalkaasi socday ayaa Sidoo kale Ciidamadu  waxa ay soo qabteen Laba Qori iyo Laba Bastoolad, kuwaasi oo si sharci daro ah loogu heystay gudaha degmada,kuwaasi oo lagu dhibaatayn jiray dadka shacabka ah.

Goobta howlgalkaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa waxaa markii dambe tagay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee dhanka siyaasadda iyo amniga Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax iyo saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka,iyagoo u kuurgalayay sida uu u dhacay howlgalkaasi qorsheysnaa.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku tilmaamay howlgalkaasi in uu ahaa mid qorsheysan,islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Howlgalada ayaa ah kuwo joogto ah,iyadoo sidoo kale shalay ay hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay dekedda Muqdisho ku qabteen Maandooriyaal badeeco ahaan loogu iib geyn rabay Muqdisho.

Somalia calls for UN intervention against UAE base in Berbera

0

Somalia has urged the United Nations Security Council to take action against the construction of a United Arab Emirates (UAE) military base in Somaliland.

Speaking at the Security Council on Tuesday, Abukar Osman, Somalia’s ambassador to the UN, said the agreement between Somaliland and the UAE to establish the base in the port city of Berbera is a “clear violation of international law”.

Osman also called on the Security Council to “take the necessary steps” to “put an end to these actions”.

“The Federal Government of Somalia strongly condemns these blatant violations, and reaffirms that it will take the necessary measures deriving from its primary responsibility to defend the inviolability of the sovereignty and the unity of Somalia,” he added.

The UAE began construction of the base last year, under an agreement with officials in Somaliland, a northern region of Somalia that self-declared independence from the latter in 1991 following a civil war.

Earlier this month, the UAE said it would train Somaliland security forces, including the police and the military, as part of the deal.

The UAE is simultaneously investing in developing the port itself, which is strategically located close to Yemen, where UAE troops have been fighting as part of a Saudi-led military coalition against Houthi rebels since 2015.

DP World, the world’s fourth-largest port operator based in Dubai, said in 2016 it would invest as much as $442m to develop the Berbera port. The deal also includes the government of Ethiopia, which took a 19 percent stake in the port.

Osman’s statements come after Somalia’s parliament voted to ban DP World from operating in the country and rejected the development venture.

Somaliland, however, said the vote would not affect the agreement.

DP World has been facing several problems in its contracts in the region. Last month, neighbouring Djibouti terminated its deal with the company to run a container terminal.

The government of Djibouti said that the contract to run the Doraleh Container Terminal (DCT) between the two parties was damaging the sovereignty of the country.

Agriculture Remains Key to Somalia’s Economic Growth and Poverty Reduction

0

MOGADISHU, March 28, 2018—The World Bank and the Food and Agriculture Organization (FAO) released today a new joint report titled, Rebuilding Resilient and Sustainable Agriculture in Somalia, outlining the challenges and opportunities for Somalia’s agriculture sector.

According to the findings of the report, over the past three decades, Somalia’s livestock and crop subsectors have been buffeted by an increasingly fragile and degraded natural environment and more frequent and severe cycles of drought and floods. These factors, combined with insecurity, weak government institutions and a deterioration of flood control, irrigation, and transport infrastructure in the south-central regions, have led to a severe decrease in crop yields.

The report, which conducts a comprehensive historical review of Somalia’s major agricultural subsectors (livestock, crops, forestry, and fishing), analyzes the subsectors’ key medium- and long-term development potential and constraints and outlines policy and investment opportunities. It is part of a wider Country Economic Memorandum (CEM) series investigating growth potential across sectors to assist Somalia in its implementation of the National Development Plan (2017-2019), and the preparation of the subsequent plan.

 “This report comes at a critical juncture of Somalia’s development trajectory and investment climate,” says Said Hussein Iid, Minister of Agriculture for the Federal Government of Somalia. “It provides much needed analysis of our productive sectors, the environmental impacts, and the development challenges related to governance, infrastructure, and security.”

Livestock and crops remain the main sources of economic activity, employment, and exports in Somalia. Agriculture’s share of gross domestic product (GDP) is approximately 75%, and represents 93% of total exports, mostly linked to robust livestock exports in the recent pre-drought years. Sesame is now the largest export among crops, followed by dried lemon, in the wake of the total collapse of banana exports. Despite Somalia’s rich fish stocks, coastal fishing has remained small-scale and artisanal while foreign commercial vessels have enjoyed both legal and illegal harvesting offshore.

The combination of collapsed domestic crop production and increased domestic food demand, driven by rapid population growth and urbanization, has led to a massive increase in food imports, which have reached almost $1.5 billion in 2015, up from an annual average of $82 million in the late 1980s.

Rising imports are indicative of increasing demand and a broader opportunity to invest in agriculture, and stimulate a private agribusiness sector in Somalia,” notes Pascal Sanginga, Senior Investment Support Office, FAO Investment Centre. Making more and better investments in agriculture from the government, private sector, civil society and the vibrant enterprising Somali diaspora is one of the most effective ways to reduce hunger and poverty and expand economic.”

In the short to medium term, the recovery of agricultural production depends on better security, stronger public and community institutions, and the rehabilitation of dilapidated flood control, irrigation, and transport infrastructure. In the longer term, the sector’s growth potential can be achieved by developing and implementing a comprehensive sector development strategy, supported by effective institutions and interventions that harness the dynamism of its private sector.

Stronger institutions, management, extension services, and infrastructure are critical to supporting private investment in production and markets,” says Mark Cackler, Practice Manager for the Agriculture Global Practice at the World Bank. “Natural resource management, increased crop production, postharvest long-term storage technologies and private sector-led modernization of the sector is needed to make Somali agriculture outputs competitive.

olollaha Dulqaad iyo wada hadal oo Muqdisho laga furay (sawirro)

0

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay ka hortagga fikirka xagjirnimada ah, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay xafiiska R/wasaaraha ayaa loo qabtay xubno ka kala socday maamulgoboleedyada, haweenka, dhllinyarada culumaa’udiin iyo aqoonyahanno kala duwan.

Qaar ka mid ah xubnihii ka qeybgalay kulankaasi ayaa aragtidooda ka dhiibtay mowduuca ku saabsan ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah, iyagoo ku saleynayay  hannaanka dowladda ee dulqaad iyo wadahadal.

Sii hayaha wasiirka ahna wasiirudowlaha wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta C/xakiin Xasan Ibraahin ayaa ka hadlay  baahida loo qabo in la iska kaashado ka hortagga afkaarta xagjirnimada ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaanta siinayo sidii looga hortagi lahaa afkaarta xagjirimada ah.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kulankaasi furay ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijka ka hortagga argagixisada uu qeyb ka yahay afarta tiir ee uu ku taaganyahay ammaanka dalka.