Home Blog Page 1351

Dalka Zimbabwe oo maanta yeeshey madaxweyne cusub

0

Zimbabawe(SONNA) Dalka Zimbabawe ayaa maanta waxaa uu yeeshey Hogan cusub kadib markii xilka madaxweynaha loo dhaariyay Emmirson Mnangagwe oo badalaya madaxweynihii hore e e Dalkaasi Robert Mogabe.

Munaasabada dhaarinta ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka ciyaaraha magaalada Harare ee xarunta Dalkaasi Zimababwe,waxaana uu qaada markiiba dad gaaraya 60,000 qof.

Xoogaga mucaaradka Dalka Zimbabwe ayaa waxaa ay ka dalbadeen hoggaamiyahan cusub in uu soo afjaro arrimaha musuq maasuqa oo dalkaasi hareeyey.

Waxaa uu horey u ahaa Mr Mnangagwa  madaxweyne ku xigeen, wuxuuna muddo aad u dheer lasoo shaqayanayay Mugabe oo xilka hayay muddo 37 sanadood ah,Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Waxaa soconaya qorshe ku aadan sidii Mogabe oo u yeelan lahaa Xasaanada uu kaga badbaadayo in wax dembi ah lagu so ooogo.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaarayso boqolkiiba 90%.

Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka” Tirada Maxaabiista Soomaaliya ee ku xiran Xabsiyada caalamka hoos ayay u dhacday”

0

Muqdisho(SONNA) Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo maanta marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka jimcaha ee ka baxa TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa ka hadlay Arimo badan oo ka mid ah howsha xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo horumarada laga gaaray waajibaadka loo igmaday.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay Muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka ee lagu eedeeyay iney xiriir la yihiin falal burcad badeednimo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka war heyso xaalada muwaadiniintaasi,islamarkaana ay socdaan hanaan qaarkood lagula soo wareegayo.

Wuxuu sheegay Dr Axmed Cali Daahir in ku dhawaad 1024-ruux oo  muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xabsiyada 22-dal oo ka ka mid ah caalamka,kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan la kulmaya.

Sidoo kale,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in si caadi ah hoos uga sii dhacayaan tirada maxaabiista ee ku xiran xabsiyada caalamka sida Siishalis,India,Kenya,Tanzaaniya,Cuman iyo waliba Wadamada Khaliijka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Axmed Cali Daahir wuxuu carabka ku adkeeyay iney socdaan dadaalo hadda la doonayo in lagula soo wareego   12-Qof oo muwaadiniin Soomaaliya oo  ku xiran dalka Siishalis,kuwaasi oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo.

Sidoo kale,dalka India ayuu sheegay iney u socdaan wada hadalo,islamarkaana ay kala saxiixdeen heshiisyo ay ka mid tahay isweydaarsi maxaabiis,islamarkaana hadda Dowladda ay qorsheyneyso sidii maxaabiis dhowr ah India ugala soo wareegi lahayd,sida uu Xeer ilaaliyaha hadalka u dhigay.

Dalka Cumaan,waxaana ku xiran ku dhawaad 34-ruux oo lagu eedeynayo falal burcad badeednimo,wuxuuna Dr. Axmed Cali Daahir farta ku goday iney ku daba jiraan sidii loo soo sii deyn lahaa Maxaabiistaasi.

Ugu danbeyntii,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa xaqiijiyay iney jiraan Dalal badan oo ay kula jiraan wada hadalo lagu soo sii deynayo maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay haddii ay jirto danbiga lagu eedeynayo loogu qaado wadankooda Hooyo.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan xabsiyada dalalka caalamka kuwaasi oo lagu eedeynayo danbiyo kala duwan,waxayna Dowladda Soomaaliya dadaal ku bixineysaa sidii dhalintaasi dib loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo.

Guddoomiyaasha Golaha Shacabka JFS iyo kan baarlamaanka Jabuuti oo gor dhow gaaray Baladweyne

0

Baladweyne(SONNA)Wafdi Ballaaran oo uu  hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Waxaa kamid ah wafdigaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jamhuuriyadda Walaalaha nahay ee Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Soomaaliya,Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM, xubno ka tirsan Golayaasha ka la duwan ee Dowladda.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo maamulka gobolka Hiiraan,waxaana loo gudbiyay gudaha magaalada Baladweyne.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa ah sidii guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti iyo wafdigiisa ay u soo booqan lahaayeen Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Hirshabeelle,saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.

Wafdiga guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti inta uu joogo Soomaaliya waxaa uu ka qeybgalaya shirka xildhibaanada Golaha shacabka halkaasi oo uu khudbad u kaga hadlayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka jeedin doona.

Shir looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab oo ka dhacay Gaarisa+(Sawiro)

0

Muqdisho( SONNA) Shir looga hadlayay iskaashi laga sameeyo dagaalka Al-Shabaab,xoojinta Ganacsiga iyo iskaashi dhanka maamulka oo u dhaxeeya maamulada Jubbaland iyo ismaamulka Gaarisa ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaarisa ee Waqooyi bari dalka Kenya.

Shirkaan oo mudo labo cisho ah ka socday magaalada Gaarisa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD iyo Hay’ado Nabad ka shaqeeya,waxaana dhanka Maamulka Jubbaland uga soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay degmooyinka Badhaadhe iyo Dhoobley halka maamulka Gaarisa ay u matalayeen Ergooyin ka socotay degmooyinka Dadab iyo Faafi oo oo dhaca Xuduuda kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

Inta uu socday shirka ayaa Labada dhinac waxay si xooggan iskula jeex jeexeen sidii iskaashi buux Labada maamul uga sameyn lahaayeen xagga amniga,islamarkaana meel looga soo wada jeesto Ururada Argagixisada sida Al-Shabaab loona sii laba jibaari lahaa dagaalka lagula jiro.

Mas’uuliyiin ka socotay Ururada IGAD iyo kuwa Nabada ka shaqeeya ee shirka soo qaban qaabiyay,islamarkaana hadalo kooban ka jeediyay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in Labada maamul ee Jubbaland iyo Gaarisa ka shaqeeyaan amniga iyo iskaashiga xaga ganacsiga iyo dhanka maamulka.

Waxuuna shirka socday mudada labo cisho ah waxaana soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka ismaamulka Gaarisa Cabdi Dhaqane Maxamed oo kula dardaarmay ka qeyb galayaasha, shirka waxii looga hadlay in ay la wadaagaan maamuladii ay ka kala yimaadeen,islamarkaana qodobada lagu heshiiyay la dhaqan geliyo.

Deegaanada Maamulka Gaarisa waxaa marar badan falal amniga lidi ku ah ka geystay Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab,kuwaasi oo dilay dad isugu jira askar iyo Dad rayid ah.

Zimbabawe: Emmirson Mnangagwe oo maanta loo dhaarinayo xilka madaxweynaha

0

Zimbabwe(SONNA) Qaban qaabo ku aadan sidii xilka madaxtinimo ee Dalka Zimbabwe loogu dharin lahaa Emmirson Mnangagwe ayaaa ka soconaysa magaalada Haraare ee xarunta Dalka Zimbaabwe.

Waxaa lagu wadaa in maanta oo ah maalin Jimco ah waqtiyada soo socda loo dhaariyo si KMG ah xilka madaxweynaha wadankaasi kadib markii dhawaan uu xilkii ka degay madaxweynihii hore ee dalkaasi Robert Mogabe.

Hoggaamiyaha lagu wado in uu qabto xilka madaxwaynanimada Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa dhawaan waxaa uu sheegay in uu xoogga saari doono dhiirogelinta hanaanka dimoqraadiyada dalkaasi ka curtay.

Mr Mnangagwa ayaa markii uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabweuu xusay in qorshihiisu uu yahay si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay,Waxana uu wacad ku maray in uu shaqooyiin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan,iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha wadankaasi.

Emmerson Mnangagwa ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah ee ay xilka ugala wareegeen Mugabe oo 37 sano xukumayay awadankaasi Zimbabwe.

Waxaa lafilayaa in dabayaaqada sanadka 2018 ay dalkaasi ka dhicidoonto doorasho guud oo loo qabto shacabka reer Zimbabwe waqtigaasi oo ay go’aansan doonaan mustaqbalkooda

Jubblanad oo xooga saareysa waxbarashada caruurta ka soo laabatay Qoxootiga Kenya

0

Kismaayo(SONNA) Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Handal Madax hay’ada  Qaxootiga Jubbaland Maryan Ow Cali Iyo Maamulayaasha Iskulaadka Magaalada Kismaayo Ayaa Kulanka Kasoo Qayab Galay,waxaana lagu falanqeeyey arrmaha waxbarashada dadka danyerta ah.

Ujeedada ugu weyn ee kulankaasi ayaa ahaa sidii loo dhiiro gelin lahaa fursadaha waxbarasho oo ay helaan ardayda ka soo laabatay xeryaha qoxotiga ee Dalka Kenya,Maamulaha Iskuulka Guulwade Ayaa sheegay in qayb ka yihiin ardayda wax ka barta iskuulada ku yaal magaalda kismaayo  ardaydii qaxootiga dib uga soo laabtay.

Madax  hay’adda  Qaxootiga iyo barakacayaasha  Jubbalaand Maryan OW  Cali Ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in xoogga la saaro sidii ardaydaasi u heli lahayeen si aysan uga kala go’in waxbarashadoodi hore.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxabarshada Jubbaland Axmed Hanadal Ayaa sheegay Wasaaraddu dadaal ku bixisay xoojinta waxbarashada ardyada ka soo noqday qaxootiga.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in xarumaha waxbarashada ay ka jiraan ciriiri oo fasalad iyo ardayda ay kala badan yihiin.

R/wasaare Khayre”Dhismaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo waa qeyb kamid ah qorshe horumarinta Cadaaladad iyo Amniga

0

Muqdisho(SONNA)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maalintii shalay waxaa uu  dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Talaabadani ayuu ku tilmaamay raiisul Wasaraah Soomaaliya in ay tahay mid ay qeyb ka tahay qorshe Dowladda Soomaaliya ay ku horumarinayso Cadaaladda iyo guud ahaan sugidda amniga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed,isagoo xusay in uu yahay mid u muhiimsan shacbka deegaanadaasi.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo.

Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.

Dowladda Ruwanda oo balanqaad muhiim ah sameysay

0

Ruwanda(SONNA) Xukuumadda Kigaali ee Rwanda ayaa waxaa ay sheegtay in ay  ku yaboohday in ay magangalyo siinayso 30,000 oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsan dalka Liibiya, kuwaas oo badankood ku sugan xaalad adoonsi ah.

Talaabadan oo ay ku dhaqaaqday Dowladda Ruwanda ayaa ka dambeysay kadib markii TVGA CNN uu baahiyaya muqaalo muujinaya dad badan oo Afrikaan ah kuwaasi oo qaab aduunsi ahaan looga xaraashayay Dalka Liibiya si beeraha loogu fasho.

War ka so baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalka Ruwanda ayaa lagu yiri “Taariikhdanada markaan fiirino, kama aamusi karno iyadoo bani’aadan si xun loola dhaqmayo, loona xaraashayo sida lo’da oo kale” ayaalagu yiri qoraalkaasi.

Boqolaal kun oo Afrikaan ah ayaa Liibiya u safra sanad walba, iyaga oo isku dayaya in ay qaaradda Yurub u tallaabaan,waxaana Badanaa qabsada dadka wax tahriibiya, waxaana lagu qasbaa in ay shaqeeyaan iyaga oo lacag yar la siiyo ama bilaash ku shaqeeya.

Dalka Ruwanda ayaa markii uu socday xasuuqii ba’naa ee 1994tii, dad lagu qiyaasay 800,000 oo ah qawmiyadda Tutsi-ga iyo Hutu-gii qunyar socodka ahaa  lagu xasuuqay 100 maalmood gudahood, markaas oo dalalka badankood aysan wax badan u qabanin.

Dowladda Ruwanda ayaa iyado oo fiirinaysaa taariikhdaasi waxaa ay damqasho u muujinaysaa dadkaasi afrikaanka ah oo lagu dhibaataynayo Dalka Liibiya.

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay Heshiiska Xaquuqda Carruurta iyo arrimo kale.

0

Muqdisho, Khamiis 23 November 2017 – Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Dawladda Federaalka ay maanta yeesheen oo uu bilowgii shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), halka uu qeybtii danbe uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyey xubin ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka, loogana hadlay arrimaha amniga, maaliyada, heshiiska Xaquuqda Caruurta, shirweynaha amniga iyo horumarka dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Ugu horreyn, Wasiir ku xigeenka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee amniga, howlgallada militariga iyo kuwa xasilinta dalka. Sidoo kale waxuu golaha la wadaagay horumarka laga sameeyey hirgelinta qorshaha amniga oo uu sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaano dhab ah oo dad la tuhunsanyahay ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey ahmiyada shirarka waaweyn oo Muqdisho lagu qaban doono 4ta iyo 5ta December 2017. ,Axmed Caynte Madaxa Hay’ada Xiriirka iyo Deeqaha ayaa Golaha siiyey warbixin ku aadan shirka 5ta December ee ah Somali Partnership Forum oo looga hadli doono horumarka dhaqaalaha, mashaariicda la qorsheynayo iyo arrimaha gargaarka oo ay beesha caalamku ka soo qeybgalayaan. Axmed Caynte ayaa sharaxay ahmiyada kulankan iyo sida looga doonayo Dawladda Federaalka inay ku soo bandhigto waxqabadkeeda si caalamka uu u qiimeeyo una dardargeliyo taageeradooda muhiimka ah. Sidoo kale Cabdi Diirshe oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Qorsheynta ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaarada Qorsheynta u diyaarisey mashaariicda dalka oo dhammaantood la waafajiyey baahiyaha dowlada Federaalka iyo Qorshaha Horumarinta Dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa isna ka warbixiyey shirka guddiga wasiirada ee arrimaha Siyaasada oo uu sheegay in kulankoodii u danbeeyey la isla meel dhigay arrimo badan, waxuuna ka codsaday Omar Dhagey oo ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha inuu warbixin dheeraad ah siiyo golaha wasiirada. Omar ayaa sheegay in shaxdii iyo nidaamkii Federaaleynta dalka, dib-u-eegista dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka la diyaariyey oo ay meel fiican marayaan. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada dejinta qorshaha siyaasada dalka ee shacabka loogu horseedayo qabsoomida doorashooyin hal cod iyo hal shaqsi ah 2020ka.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka, Marwo Deqa Yasin Haji Yusuf ayaa golaha siiyey warbixin dhameystiran oo ku aadan wadatashi iyo daraasad ay ka soo sameynayeen Dowlad Goboleedyada iyo G/Benadir oo carruurta Soomaaliyeed lagu xog-wareysanayey xaaladooda dhabta ah, caqabadaha jira iyo fursadaha si kor loogu qaado adeegyada aasaasiga ah ee carruurta iyo kor u qaadista xaquuqda carruurta. Wasiir Deeqa ayaa sheegtay in heshiiskii Xaquuqda Carruurta ee Soomaaliya ay saxiixday 2015kii na-looga baahnaa inaan warbixin dhameystiran gudbino labo sano gudahood, tanoo ah sababta daraasada, wadatashiga iyo xog-ururinta loo sameeyey.

Wasiir ku xigeenka Dastuurka Hussein Abdi Elmi ayaa golaha wasiirada u soo gudbiyey talo soo jeedin ku aadan buuxinta xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka ee Madaxa Bannaan oo horey u bannaanaatay. Wasiir ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan in Marwo Mumina Sheikh Omar oo horey u noqotay Wasiir ku xigeen iyo xildhibaan, lehna aqoon, waayo aragnimo, karti iyo hufnaan si ay u buuxiso booska bannaan oo ay xubin uga noqoto Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib si wadar-oggol ah u ansixiyey in Mumina Sheikh Omar ay xubin ka noqoto Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka. Wasiirka Dastuurka iyo Wasiir ku xigeenka ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii booska bannaanaaday ay u buuxin laheyd shaqsi dumar ah oo leh waayo aragnimo, karti, hufnaan, aqoon iyo iyadoo horey dalka mas’uul uga soo noqotay. Golaha Wasiiradda ayaa Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Dastuurka ku ammaanay dadaalkooda iyo soo xulitaanka shaqsi ku habboon xilkan culus, tanoo ah tallaabo horey loo qaaday.

Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey horumarka laga sameeyey maamulka iyo maareynta Maaliyada oo mashruuca heshiiska geedi-socodka ee Deyn Cafiska (SMP) lagu guuleystay in dhammaan shuruudihii caalamka intooda badan la fuliyey, inta dhimana la rajeynayo in dhamaadka sanadka la dhameystiro, tanoo albaabada u furi doonta Soomaaliya in deymaha laga cafiyo, isla markaasna laga hirgeliyo mashaariic waaweyn sida wadooyinka, warshadaha, kaabayaasha dhaqaalaha si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro shaqooyin horseeda nabad waarta. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada siyaasad ahaan iyo ajenda ahaan ee Dowlada Federaalka ay tahay in caalamka ay ku kalsoonaadaan nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku tagey shalay Baydhabo ayaa ku soo biirey golaha wasiirada ugana warbixiyey safarkiisa, oo uu sheegay in si heer sare ah loo soo dhoweeyey, isla markaasna uu wadatashiyo ballaaran la soo sameeyey Madaxweynaha Koofur Galbeed, maamulka, Madax dhaqameedka, dhalinyarada, haweenka, culumada iyo dhammaan qeybaha bulshada oo dhammaantood diyaar u ahaa xoojinta nidaamka dowliga ah. Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in safarka uu baydhabo ku tagey ay qeyb ka tahay dardargelinta xoojinta xiriirka Dawlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ballanqaaday in mashaariic horumarineed laga fulin doono deegaanada Koofur-Galbeed oo ay ugu horeyso dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo si shaqo abuur ay ugu noqoto dhalinyarada isla markaasna loo kordhiyo ganacsida iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Ugu danbeyntii Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa ka warbixiyey booqasho uu ku tagey dalka Mareykanka oo uu casuumaad ka helay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka oo laga wada hadlay xiriirka Africa iyo US oo ay 37 Wasiir Arrimo dibadeed ee dalalka Africa ay halkaas ku sugnaayeen. Wasiir Yusuf ayaa sheegey inuu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Rwanda oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo Rwanda ay dhowaan Soomaaliya soo gaarsiisey daawooyin caafimaad oo 2 Milyan oo dollar lagu qiyaasay si bukaanka Isbitaalada ku jira loogu daaweeyo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegey ahmiyada dalka Rwanda oo Soomaaliya ay wax badan ka baran karto bacdamaa ay duruufo adag ka soo gudubtay, maantana kor u qaaday dhaqaalaheeda.

R/W Khayre oo dhagax dhigay Xabsiga dhexe ee Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa maanta dhagax-dhigay xabsiga dhexe ee degmada Baydhabo oo laga dhisayo duleedka magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo Xabsigan oo noqon doona midka ugu weyn deegaanada Koonfur Galbeed. Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismahan cusub ee xabsigu u leeyahay bulshada koonfur galbeed.

“Xabsigan cusub wuxuu meesha ka saarayaa baahidii loo qabay xabsi dhexe oo deegaanku yeesho. Waxaan rajeynayaa in marka uu dhamaado dhismaha xabsigan uu buuxin doono baahidii deegaanku u qabay. Iyadoo tani ay qeyb ka noqonayso qorshaha dawladda ee kor loogu qaadayo caddaaladda iyo amniga dalka.” Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo cid walba oo gacan ku siineysa sidii dalka oo dhan looga hirgelin lahaa mashaariic horumarineed oo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Khayre ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib, booqasho labo maalin ah oo ku joogay magaalada Baydhabo. Wuxuuna intii uu halkaasi ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay, Madaxda Koonfur galbeed, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Ciidamadda Xoogga dalka iyo AMISOM oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta iyo xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed.