Home Blog Page 1323

Wasiirka Amniga: Shirar aan fasax loo haysan lama qaban karo

0

 

Wasaaradda Amniga Gudaha dalka ayaa sheegtay in aan la qaban karin shirar aan fasax looga heysan wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Benadir.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in aan la oggolaan doonin  in shirar aan fasax loo haysan la qabto.

Afhayeenk

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo sheegay in shir aanan lagu qaban karin Muqdisho, iyadoo aan fasax laga heysan wasaarada Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Δευτέρα, 18 Δεκεμβρίου 2017

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan sugidda amniga ayna dowladda ku gacan siiyaan sidii ammaanka loo xaqiijin lahaa.

Khilaaf soo kala dhex galay madaxda Maleeshiyada Alshabaab

0

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in uu jiro khilaaf aad u xooggan oo soo kala dhex galay horjoogeyaasha maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya Cabdicaziiz Ibraahim Xildhibaan oo la hadlayay SNTV ayaa sheegay in khilaafka horjoogeyaasha Alshabaab uu sii xoogeystay ka dib weerarkii dadka badanku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska Zope, 14-kii October.

Waxa uu intaas ku daray in horjoogeyaasha kooxda ee kala ah Axmed Diiriye iyo Mahad Karateey ay isku maandhaafeen in kooxdu sheegato falkaas iyo in ay ka aamusto, taas oo sii hurisay khilaafkii maarkii horeba xoogganaa ee kooxda ka dhex jiray.

Waxaa jira warar sheegay in uu dhacay iska hor imaad dhex maray maleeshiyo labada dhinac kala taabacsan, kaas oo sababay in horjooge Axmed Diiriye oo ku magacaabay hoggaamiyaha maleeshiyada Shabaab, uu u baxsado keymaha si uu naftiisa u badbaadiyo

Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulankoodii ugu dambeeyay ee kalfadhiga 2-aad

0

Golaha Shacabka ayaa maaanta yeelanaya Kulankooda ugu dambeeye ee kalfadhiga 2-aad , iyadoo Mudanayaashu ay fasax galayaan.

Kulankooda Maanta ayaa lagu wadaa inay warbixin looga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa todobaadkii hore sheegay in 16-ka bishan la soo xiri doono kulamada baarlamaanka, kadibna ay Mudanayaashu fasax gali doonaan.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa fasax ku maqnaan doona ilaa iyo bisha Maarso ee sanadka 2018-ka, xilligaasi oo dib loo furi doono kalfadhiga 3aad.

Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka oo soo bilowday bishii Luuliyo ee sanadkan ayaa ilaa iyo xilligan waxaa ay yeeshay kulamo fara badan oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo furay waddooyinkii xirnaa ee Gaalkacyo

0

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Galmudug,Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdiwali Jaamac (Gorod) iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxaa ay si rasmi ah u fureen wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi uu gaarey wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug,kuwaasi oo howlo nabadeed ka dhexwada bulshada kunool magaaladaasi Gaalkacyo.

Madaxweyne Xaaf oo ay wehliyaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Gaalkacyo,iyagoo ka qaaday jidgooyooyin  halkaasi yaalay.

In muddo ah waxaa kala xirnaa isu socodka dadka labada dhinac ee magaaladaasi Gaalkacyo,waxaana haatan lafilayaa in dadku ay dib u bilaabaan ishdexgal.

10 katirsan Maleeshiyada Shabaab oo lagu dilay Bokool

0

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey dagaal dhexmaray ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur iyo maleeshiyaad katirsan kooxaha argagixisada Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Bokool.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada daacadda u ah Abuu-mansuur ay duulaan ku qaadeen deegaano ku dhow Abal oo hoostaga magaalada Xudur,iyagoo ka warhelay xogo la xiriira in halkaasi ay kusugan yihiin maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan Gobolka Bokool ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 7 maleeshiyo ah,halka kuwo kalena ay dhaawacmeen,sidoo kale qaar oo nolosha lagu soo qabtay.

Dhanka kale waxaa la sheegay in dhanka ciidamada daacadda u ah Abuumansuur uu soo gaarey khasaare aan sidaasi u badnayd,waxaana xaaladdu ay tahay mid degan deegaankuna ay kusugan yihiin ciidamadii taabacsanaa Mukhtaar Roobow Abuumansuur.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo.

Tababar lagu baranayo Hanaanka Kalluumeysiga oo laga furay Muqdisho

0

Tababarkaan oo  ku saabsan qaabka loo jalaaban karo kalluunka wanaagasan,  islamrkaana sare loogu qaado tayada kalluunka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Tababarka oo socoto doono mudo lix maalmood ah ayaa waxaa furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow,waxaana tababarka ka faa’ideysanaya 72-ruux oo ka kala socda shaqaalaha Wasaaradda iyo iskaashatooyinka Kalluunka Gobolka Banaadir.

Agassimaha Guud ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Khayreedka Badda Dowladda Somaaliya oo ka hadlay furitaanka tababarkaan ayaa sheegay in muhiimada laga leeyahay uu yahay sidii wax badan looga fahmi lahaa hanaanka wanaagsan ee loo kalluumeysto iyo sida looga faa’ideysto.

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/llaahi Cumar Abshirow oo isna ka hadlay tababarka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto sidii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka dhex ceegaago baddeena Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Tababarkaan oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Iskaashatooyinka Gobolka Banaadir ayaa isugu jira labo qeybood oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Hay’adaha Dowladaha UK Norwey.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray magaalada Gaalkacyo

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa goordhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka uu taliyaha u gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay tahay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka ee halkaasi ku sugan iyo waliba sahminta suurta galnimada qorshaha isku dhafka loogu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka.

Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Wakaaladada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa inta uu ku sugan yahay Gaalkacyo booqan doona xeryaha ciidamada Xoogga dalka,isagoo ku dhiira gelinaya dadaalka ay ugu jiraan Difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa maalmihii u danbeeyay howlo kormeer ku marayay deegaanada Puntland,wuxuuna sidoo kale booqday Guutada 54-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Warsame Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxada hore Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod,ayaa Ehalada iyo asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qarax Qof naftii halige ah oo saakay ka fuliyay barxada Dugisga tababarka Generaal Kaahiye,isagoo sidoo kale dadkii ku dhawaacmay Eebe uga baryay inuu si dhibyar ugu boogo dhayo.

Wuxuuna Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed aad ugu amaanay Ciidamada Xoogga dalka sida mar waliba uga feejigan yihiin weerarada bahalnimada ah ay geysanayaan Kooxaha Nabadiidka ah.

Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakad ay ku xiran yihiin walxaha Qarxa ayaa saakay isku qarxiyay barxada hore ee Dugsiga tababarka ee Generaal Kaahiye xilli ay ciidamada isku diyaarinayeen howlmaalmeedkooda caadiga ah.

Faah faahin ka soo baxaysa qarax naftii halignimo ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxani oo uu fuliyay nin naftii halige ah oo xirnaa Jaakadda Qaraxyada ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in inta la ogyahay dhimashadu ay tahay ku dhawaad 10 qof,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Naftii haligahan ayaa isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka Booliska oo ku sugnaa barxadda dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye,kuwaasi oo isku diyaarinayay in ay gutaan howlmaalmeedkooda.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan is qarxiyay uu xirnaa dharka Sportska oo ku dul-xirtay Jaakada Qaraxyada,wuxuuna ka soo baxay meel luuq ah,iyagoo intaasi ku daray in khasaaraha intaasi uu ka badan lahaa hadii uu gaari lahaa halka ay ku feylaan ciidanka,balse uu qalqalay islamarkaana halkaasi isku qarxiyay.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in khasaarah uu intaasi ka badnaan karo.

 

Hogaamiyaasha Ururka Iskaashiga Islaamka oo Caasimadda Falastiin u Aqoonsaday Qudus

0

Ururka iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa shaaciyay in Bariga Jerisalem ay tahay caasimadda Falastiin,iyagoo iska diiday go’aankii Mareynkanka ee ahaa in Qudus ay tahay caasimadda rasmiga ah ee Israel,waxayna Beesha caalamka ugu baaqeen iney ku raacaan go’aanada ka soo baxay.

ka dib shir deg deg ah oo ay Hogaamiyaasha Dunida Muslimka ay ku yeesheen Turkiga todobaadka ka dib markii madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israel ayaa waxay iyagana dhamaan Aduunka oo dhan ugu baaqeen iney Aqoonsadaan caasimadda Falastiin iyo in Bariga Jerusalem ay tahay caasimad xoog lagu heysto.

Mar uu madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ka hadlayay shirka hogamiyaasha Muslimiinta ayaa dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”

Hadalka uu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”.

Erdogan ayaa markale Israa’iil ku Tilmaamay “dalka argagixisada”.

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta, Maxamud Cabbas ayaa sheegay in “Mareykanka uu iska dhigay dal aan u qalmin in uu door ku yeesho geedi socodka nabadda”.

Dhulka barakeysan ee Qudus ayaa ah waxa lagu muransan yahay, taas oo micneheedu yahay in hoggaamiyayaasha Carabta ay yar tahay in ay hoos uga dhacaan qaabkan waaqiciga ah, ayna ugu dambeyn la qabsadaan arrimaha muhiimka ah ee uu ku saleysan yahay dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.