Home Blog Page 1323

Ra’iisal Wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya

Muqdisho (SNTV)– Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee xaruntaasi ay u heyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasaiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhaweeyay xarunta dhexe ee maamulka hawada Soomaaliya oo ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusman.

Wasiir Oomaar ayaa uga warbixiyay Ra’iisul wasaaraha sida howsha ay u wadaan howl-wadeennada iyo maamulka xarunta hawada Soomaaliya, kuwaas oo horumar badan sameeyay tan iyo markii maamulka hawada dalka loosoo wareejiyay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa shaqaalaha iyo maamulka kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan howsha muhiimka ah ee ay u hayaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Batroolka oo kulan la qaatay Danjiraha Norway ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV), Kulankaan oo looga hadlayey sida looga faa’iideysan karo  Kheyraadka, batroolka, tamarta iyo qaabka xirfada shaqaalaha wasaaradda sare loogu qaadi lahaa,  ayaa wasiirka wasaaraddaasi mudane C/rashiid Maxamed Axmed waxa uu la qaatay Danjiraha Dowladda Norwey ee u fadhiya soomaaliya.

Kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadlayey xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, waxaana sidoo kale  goob joog ka ahaa kulanka wasiir ku xiggeenka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi.

Danjiraha dowladda Norwey u fadhiya  Soomaaliya  danjire vebjorn Heines, ayaa  waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka saacid  doonaan tababarida shaqalaaha, ayna siinayaan taageera joogto ah.

Wasiirka Wasaaradda  Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed,  ayaa uga mahad celiyey Danjire  vebjorn Heines sida ay wasaaradda uga caawinayaan sare u qaadida Xirfadda shaqaalaha.

 

Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka helay Koofur Afrika ayaa gaaray Wadankaasi

0

Muqdisho (SNTV), Wiilashaan oo naafo ka ah Aragga oo deeq waxbarasho ka helay mid ka mid ah iskuulada waxbarasho ee loogu talagalay dadka Aragga la’a ee ku yaala magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa ayaa Xalay saqdii dhaxe waxaa ay soo gaareen magaalada Johannesburg.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg,madaxda Jaaliyada iyo waliba Masuuliyiin ka socday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada johannesburg kusoo dhaweeyay dhalinyaradaani.

Abiikar Xuseen Bashiir oo ka mid ah maamulka iskuulka dadka aragga la’a ee Al Basiir oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo warbaahinta qaranka kula hadlay  gudaha garoonka diyaarada ah ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay fursado waxbarasho ay ka haleen dugsiga Al-Nuur ee ku yaala magaalada Durban, arrintaasna ay gacan ay ka siisay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Axmed, Maxamed Muktaar  iyo Cabaas Maxamed oo ah dhalinyarada fursadaan waxbarasho ka helay dalkaan Koonfur Afrika oo warbaahinta qaranka ay dareenkooda wax ka weydiisay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaana ay rajeynayaan in heer ay ka gaaraan waxbarashada si bulshada la mid ah ay wax ugu qabtaan

Waa ardaydii ugu horeysay ee deeq waxbarasho ku yimaadda gudaha dalkaan Koonfur Afrika waxaana la filayaa in ay yimaadaan bilaha soo socda arday kale oo heer jamacadeed ah kuwaasi deeq waxbarasho ku helay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdi Xalane Xirsi u qaabilsanaha safaarada dhanka waxbarashada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista hawada XFS oo shir uga qeyb galay Wadanka Morocco

0

Muqdisho (SNTV), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Kulmiye Xersi (C/raxmaan Dheere) iyo Mareeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Duulista Hawada ee Dawlada Soomaaliya Mudane Yuusuf Cabdi C/lle (Jaalle), ayaa ka qeyb galay Shirka wasaaradaha gaadiidka iyo duulista Hawada ee dalalka carabta.

Shirkan oo ka dhacay Magaalo Madaxda dalka Morocco, ayaa waxaa ujeedkiisa uu ahaa Horumarinta iyo Xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradahaasi qaabilsan arrimaha Duulista hawada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Kulmiye Xersi, ayaa shirkaasi ka jeediyey Khudbad dheer oo uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in horumar ballaaran dawladda ay ka sameysay dhanka duulista hawada, Socdaalka iyo gaadiidka.

Wasiir C/raxmaan, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxdii kasoo qeyb gashay shirkaasi sida Sacuudiga Kuwait iyo Morocco, isaggoo kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Xoojinta Xiriirka kala dhaxeeya wadamadaasi, siddii ay Soomaaliya uga caawin lahaayeen horumarinta duulista hawada iyo qodobo kale.

 

Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag kaalma ah ku wareejiyay maamulka Gedo

Muqdisho, May 09, 2018—- Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hor-dhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

Wafdi ka socda dawladda Sudan oo Muqdisho soo gaaray

Dawladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sare u qaadaya iskaashiga dhinaca waxbarashada ah ee ka dhexeeya, waxaana maanta Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashada Sudan.

Wafdiga ka socday wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka Sudan waxaa hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr Daariq Maxamed Nuur, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah qiimaynta heshiisyada horumarinta waxbarashada ee Sudan iyo Soomaaliya ay hore u gaareen sida ay u dhaqan galeen iyo xoojinta calaaqaadka dhinaca waxbarashada ah eek a dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta dabdamiska Degmada Hodon

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) ayaa dhagax dhigay xarunta  dabdamiska iyo gurmadka Deg deg ah oo laga hirgaliyay degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako xaruntaasi oo loogu adeegi doono degmooyinka xiga qeybta waliyoo cade sida Hodan’ Waabari, Howl Wadaag iyo Xamar Jajab’

Dhagax dhiga kadib ayaa Gudoomiyaha Degmada Hodan ee gobolka Benaadir Maxamed Axmed Cantoobe waxa uu la hadlay warfidiyeenada.

Degmada Hodan oo noqoneysa degmadii ugu horeysay ee mash ruucan laga fuliyay ayaa Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) waxa uu sheegay in dhamaan qeybaha degmooyinka laga hirgalin doono.

Dhanka kale Duqa Magaalada Muqdisho Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo maaliyadda iyo Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa kormeeray dhismaha wadada iskuxirta Isgoosyada Dabka iyo Bakaaraha oo meel wanaagsan mareysa dhisamaha laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneed islamarkaana ay marideeda dhibaatooyin kale ku qabeen bulshada iyo gaadiidka.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow) ayaa kormeerka kadib waxa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay kaalin ka qaatan dib-udhiska Caasimada iyo soo celinta bilicda Magaalada.

Wasaaradda Waxbarashada dalka oo dib ula wareegtay xarun ay lahayd oo dad shacab ah daganaayeen

Xaruntaan wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliint sare ay lahyd ayaa waxaa degnaan jiray masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarshada, waxaana muddo ka badan 25-sano daganaa dad shacab ah, waxaana ay ku talaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan Gobolka Banaaadir.

Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasi  iyadoo maanta uu gudoomiyaha degmadaas Maxanmed Axmed Cantoobo uu ku wareejiyay wasaaraadda waxbarshada dalka.

Shacabkii degeenadaa  ayaa uga baxay si sharuud la’aan ah, waxaana arrintaasi ka mahad celiyay wasiirka waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.

Dowlaada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud, kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaali​ya Muddane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) )ayaa maanta booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  halkaasi kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya

”Wefdi ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yiri Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Guuleed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida dawladda Djibouti

0

Djibouti (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ay wehliyaan Taliyaha hoggaanka baarista Dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo saraakiil kale, ayaa la kulmay Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim iyo Madax sare oo ka tirsan Dawladdaasi.

Madaxdaasi, ayaa isla soo qaaday qodobo badan oo ku quseeya labada dhinac, waxaana si gaar ah looga hadlay Xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada Talis iyo siddii looga wada shaqeyn lahaa Ammaanka guud ee labada dal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa warbixin ku saabsan Xaaladda amni ee Soomaaliya siiyey Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, isaggoo xusay in isabadal weyn lagu sameeyey  howlaha Nabad gelyo ee dalka, waxaana  Dawladda Djibouti uu uga mahad celiyey sida mar walbo ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

S/guud Zakariye Shiikh Ibraahim, Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, isaggoo tilmaamay in Dawladda aan Walaalaha nahay ee  Djibouti mar walbo ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Caawinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.