Guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha oo lacag kaalma ah ku wareejiyay maamulka Gedo

Date:

Muqdisho, May 09, 2018—- Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ah gudoomiyaha guddiga qaran ee gurmadka fatahaadaha ayaa waxa uu maanta lacag gargaar ah oo dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan uu guddigu ku yeeshay Muqdisho.

“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, oo gudoomay lacagta gargaarka ah ee loogu tala galay dadka gobalkiisa ee daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka hor-dhaca ah, waxa uuna ballan qaaday in dadkii loogu tala galay ay gaarsiin doonaan.

Guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa tan iyo markii la magacaabay waxa ay wadeen dadaallo loogu gurmanayo dadka iyo deegaannada ay ka jiraan xaaladaha bini’aadninimo ee ka dhashay daadaka, waxaana xubna kamid ah guddigu ay socdaallo ku mareen deegaanno ay daadad ku fataheen halkaas oo ay gaarsiiyeen qaar kamid ah dadkii ay daadadku saameeyeen gargaar isugu jira lacag, raashin, dawo, iyo agab kale oo Muhiim u ah nolosha Aadanaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...