Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo Markab taagan badweynta Soomaaliya kula kulmay Wafti ka Socda Midowga Yurub

Date:

Muqdisho(SNTV);- Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaali​ya Muddane Mahdi Mohamed Guuleed (Khadar) )ayaa maanta booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  halkaasi kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya

”Wefdi ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yiri Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Guuleed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...