Arday Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho ka helay Koofur Afrika ayaa gaaray Wadankaasi

Date:

Muqdisho (SNTV), Wiilashaan oo naafo ka ah Aragga oo deeq waxbarasho ka helay mid ka mid ah iskuulada waxbarasho ee loogu talagalay dadka Aragga la’a ee ku yaala magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa ayaa Xalay saqdii dhaxe waxaa ay soo gaareen magaalada Johannesburg.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg,madaxda Jaaliyada iyo waliba Masuuliyiin ka socday safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada johannesburg kusoo dhaweeyay dhalinyaradaani.

Abiikar Xuseen Bashiir oo ka mid ah maamulka iskuulka dadka aragga la’a ee Al Basiir oo ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya oo warbaahinta qaranka kula hadlay  gudaha garoonka diyaarada ah ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay fursado waxbarasho ay ka haleen dugsiga Al-Nuur ee ku yaala magaalada Durban, arrintaasna ay gacan ay ka siisay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Axmed, Maxamed Muktaar  iyo Cabaas Maxamed oo ah dhalinyarada fursadaan waxbarasho ka helay dalkaan Koonfur Afrika oo warbaahinta qaranka ay dareenkooda wax ka weydiisay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin isla markaana ay rajeynayaan in heer ay ka gaaraan waxbarashada si bulshada la mid ah ay wax ugu qabtaan

Waa ardaydii ugu horeysay ee deeq waxbarasho ku yimaadda gudaha dalkaan Koonfur Afrika waxaana la filayaa in ay yimaadaan bilaha soo socda arday kale oo heer jamacadeed ah kuwaasi deeq waxbarasho ku helay sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdi Xalane Xirsi u qaabilsanaha safaarada dhanka waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...