Wafdi ka socda dawladda Sudan oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Dawladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sare u qaadaya iskaashiga dhinaca waxbarashada ah ee ka dhexeeya, waxaana maanta Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashada Sudan.

Wafdiga ka socday wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka Sudan waxaa hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr Daariq Maxamed Nuur, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah qiimaynta heshiisyada horumarinta waxbarashada ee Sudan iyo Soomaaliya ay hore u gaareen sida ay u dhaqan galeen iyo xoojinta calaaqaadka dhinaca waxbarashada ah eek a dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...