Wasaaradda Waxbarashada dalka oo dib ula wareegtay xarun ay lahayd oo dad shacab ah daganaayeen

Date:

Xaruntaan wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliint sare ay lahyd ayaa waxaa degnaan jiray masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarshada, waxaana muddo ka badan 25-sano daganaa dad shacab ah, waxaana ay ku talaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan Gobolka Banaaadir.

Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasiย  iyadoo maanta uu gudoomiyaha degmadaas Maxanmed Axmed Cantoobo uu ku wareejiyay wasaaraadda waxbarshada dalka.

Shacabkii degeenadaaย  ayaa uga baxay si sharuud la’aan ah, waxaana arrintaasi ka mahad celiyay wasiirka waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.

Dowlaada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud, kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...