Home Blog Page 1322

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada

0

Muqdisho (SNTV)-Aqoon isweydaarsi ku saabsan doorka Saxaafada ee is cafinta Bulshada ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay mgaalada Muqdisho.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yoonis Iidaan ayaa maanta soo xiray Aqoon isweydaarsi ku saabsanaa doorka Saxaafadda ee is cafinta Bulshada, suxufiyiin, culimaa’udiin, Abwaano Soomaaliyeed iyo xubno kale oo kulanka lagu casuumay.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla, Qaar ka mid ah agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaan maanta soo xidhay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday Hotel Jazeera, kulankan oo ku saabsan iscafinta, waxa kasoo qayb galay oo aaraadooda isku waydaarsanayay Suxufiyiin, Culimada iyo Abwaanada Soomaaliyeed, Cafis waxaan odhan karaa waa dariiqa kali ah ee lagu gaadhi karo dib u-heshiisiin Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan oo hadlakiisa ku daray “Teamka Cafis iyo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta waxaan ugu hambalyaynayaa sida wanaagsan ee ay usoo diyaariyeen Aqoon iswaydaarsigaas”.

Aqoon is weydaarsigan ayaa intuu socday waxaa lagu gorfeeyay doorka ay ka qaadan karto Warbaahinta in dadka Soomaaliyeed ay is cafiyaan maadaama dalka muddo ay ka jireen dagaalo sokeeye.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay Madaxda Laanta Socdaalka dalkaas

Muqdisho (SNTV)-Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal  ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium  ayaa magaalada Oslo ee caasimadda  Norway  kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta  socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee  booliiska, Xaruunta bixinta kaararka  Aqoonsiga,  Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda  Norway,

Kulamadaas ayaa diiradda  lagu saaray  iskaashi laga yeesho arrimaha socdaalka , is-dhaafsiga xogta iyo Khibradaha, aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Agaasimaha iyo wafdigiisa oo ka kooban 5-xubnood ayaa madaxda ugu muhiimsan oo ay la kulmeen waxaa kamid ahaa Taliyaha guud ee Booliska Norway, Agaasinka UDI iyo madaxda sare ee Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arrimaha dibadda oo ay isdhaafsadeen khibrado iyo xog badan oo ku saabsan dhinaca wadashaqeeynta.

Wefdiga uu hogaaminayo Agaasime koofi ayaa booqday xarunta UDI, xarunta Booliiska magaalada Oslo, iyo xarunta kaararka aqoonsiga.

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Koofi iyo  la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa sidoo kale ka qeybgaley xaflad lagu  soo gabagabeynayey tababaro iyo aqoon isweydaarsi muddo todobaad ah magaalada Oslo  uga socday saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doona dhameystirka heshiis ku saabsan oggolaansha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyadoo horay ay Norway u ogolaatey baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

WHO oo soo bandhigtay heerka saameynta fatahaadyadii dhacay

Gineva-(SNTV)-Dad kor u dhaafaya 695,000 Qof ayaa ku wax yeelloowday daadad ka dhashay Roobab lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay Dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

War bixinta WHO, ayaa lagu sheegay in Maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad 215,000, Qof, daadad ka dhacay Gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si deg deg ah ugu baahn yihiin Hooy, Teendhooyin, adeeg Caafimaad,Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka mid yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

WHO oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Balad weyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daray ee ay qayla dhaantu kasoo yeereyso, waxaana weli soconaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isha/ Namibia Press Agency

Kheyre oo kormeeray Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Muqdisho

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay  kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boliis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay ugu qayb qaadan lahaayeen adkaynta Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa Xarunta Booliska waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan  nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir  ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugiidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta

0

Boosaaso-(SNTV)-Maxkamada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Khamiis ahayd u fariisatay dacwad ka dhan ahayd Maxaabiis u dhalatay Dalka Iraan, kuwaas oo loo haystay inay si sharci darro ah kaga kalluumaysanayeen Xeebaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaannada uu maamulka Puntland ka arrimiyo.

Maxabiistan oo xilligii lasoo qabanayay oo ahayd 5/10/2017-kii laga dilay Naaquudihii Doonta, markii uu isku dayay inuu baxsado ayaa mudo 8 Bilood ah waxay ku jireen Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Waxana horay u xukuntay Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Puntland Maxamuud Xassan iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari, Bashiir Hobaley, ayaa dhagaystay eedeymaha loo haystay 17-ka Nin ee Iiraaniyiinta ah.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed , ayaa dhagaysiga ka dib wuxuu Xorriyaddoodii u celiyay 17-ka Maxbuus ee Iiraaniyiinta ahaa iyo Wakiilkii Doonta oo Soomaali ahaa.

Doonta Al-Saciidiya ee ay wateen Kalluumaysatada Iiraaniyiinta ah ayaa waxaa la wareegay maamulka Puntland, halka magta Naaquudihii Doonta oo Sunna ahaa lana oran jiray Xaydar Cabdalla, ay Maxkamaddu ku xukuntay in uu la wareego maamulka Shirkadda Al-Saciidiya.

Dhinaca kale Saraakiisha Maxkamada sare ee puntland ayaa kormeeray Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Sooomaali u badan oo dembiyo kala duwan loo haysto, waxaanay Maxaabiista ka waraysteen xaaladda Xabsiga ay ku nool yihiin iyo caqabadaha haysta.

Qaybo kamid maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso oo dembiyo fudud loo haystay ayey Maxkamadu ammartay in xorriyaddooda dib loo siiyo ka hor Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Maalmo yar uun ka harsan yihiin.

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho (SNTV), 10ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda caleema-saarka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri “waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn.”

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

Wasaaradaha Awqafta Soomaaliya iyo Kuwait oo heshiis iskaashi wada saxiixday

0

Muqdisho (SNTV), Wafdiga Wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya oo dhawaan booqasho rasmi ku  gaaray Dalka Kuwait , ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha ahna Siihayaha Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Xasan Ibrahim, waxaana safarka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cumar Faaruq.

Kadib kulan shaqo oo si qoto dheer loogu lafaguray iskaashiga Labada Wasaaradood ee dhinacyada manaahijta diiniga, dhismaha iyo dayactirka Masaajidda iyo Xarumaha diinta lagu barto, waxa ay labada Wasiir qalinka ku duugeen Heshiis Iskaashi oo Labada Wasaaradood u dhexeeya.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Kuwait, ayaa sii xoogeysanaya iyadoo tani ay daliil u tahay booqashooyinka isdaba jooga ee wafuud Soomaaliyeed oo heer Wasiir ah ay ku tageen Dalka kuwait labadii usbuuc ee u dambeeyay.

Heshiiskan ayaa la rajeynayaa in uu horseedi doono iskaashi miro dhala oo Labada Wasaaradood ay ku tallaabsadan.

Sixiixa Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa, isla markaana soo qaban qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dalka Kuwait,  iyadoo ay goobjoog ahaayen Siihayaha Safaaradda Mudane Abiib Muuse Faarax, oo gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Labada dal iyo dardargelintiisa.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho u yimid Caawinta Dadka uu saameyay Fatahaadda wabiga

0

Muqdisho (SNTV), Wafdigani uu Hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare,  ayaa muqdisho uu yimid siddi gurmaad balaraan loo gaarsiin lahaa dadka uu saameyay Fatahaada webiga shabeelle, isaggoo sheegay inuu kulamo la qadaan doono madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyo guddiga Heer Qaran ee gurmadka fatahaada.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cabdulle Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Ugu Horeyn Ka Warbaxiyay Xaladahii U Danbeyaay iyo Sameynta Dhibaatooyinka Fatahaadaha ay ku yeeshen Deeganada Hirshabelle.

Sido Kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  ayaa sheegay in dadka Deeganada Hirshabelle uu dhibaatooyin faro badan uu ku hayo Wabiga islamarkaane ka codsadaay Hay”adaha Deeq Bixiyeyaasha iyo Shacabka Soomaaliyed Iney Uu Gar Garaan Dadka Dhibaateysaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Ayaa Ka Mahad Celiyay  Doorka Dowlada Soomaaliya Ay ka Qadataay  Garab Istaaga iyo Caawinta Dadka uu Saameyay Fatahaada wabiga ,isagoona sheegay iney wadaan dadaalo looga gurmanayo deeganada sameynta weyn uu ku yeeshaay Fatahaada wabiga

Madaxweyne Waare oo ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Beledweyne ayaa door Muhiim ka qaatay samatabixinta dadka ay guryahooda ka barakiciyeen daadadka Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu la qeybsaday Madaxweynaha Dhibaatada dadka saameynta culus ay ku yeesheen fatahaada.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Norway

0

Norway (SNTV):–Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo safar shaqo ku marayey qaar ka tirsan wadamada Yurub ayaa gaaray dalka Norway, wuxuuna kulamo kala duwan la qaatay laanta socdaalka, taliska booliiska, Xaruunta kaararka Aqoonsiga, wasaaradda Caddaaladda, iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway, waxaana laga wada hadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Agaasimaha guud iyo la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa ka qeybgaley sidoo kale kulan lagu soo gabagabeynayey tababaro iyo shirar Norway uga socday saraakiil ka tirsan HSJ, kuwaas oo mudo asbuuc ah joogey magaalada Oslo ee dalka Norway.

Norway oo hormuud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doonta dhameystirka ogolaanshiyaha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyada oo hore Norway u ogolaatey baasaboorka dublamaasiga ah.

Dowladda Qadar oo cambaaraysay qaraxii ka dhacay Wanla-weyn

Doxa-(SNTV)-Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa si weyn loogu cambaareeyay qarax xooggan oo Shalay ka dhacay Suuq lagu iibiyo Khaadka oo ku yaalla Magaalada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxan ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 15 Qof oo shacab ah, iyadoo  tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay maamulka Degmada Wanla-weyn.

Warka kasoo baxay xukuumadda Doxa ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay weerar lagu dilay Laba askari oo ka tirsanayd Boliiska dalka Afganistaan, kuwaasoo xilligaa ku sugnaa goob lagu baaro dadka iyo gaadiidka oo ku taalla Magaalada Kapul.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaskii ay ka baxeen Dadkii ku dhintay weerarradii ay kooxaha argagixisadu ka geysteen Soomaaliya iyo Afgaanistaan, iyadoo caafimaad ded-deg ah u rajeysay Dadkii ku dhaawacmay weerarradaasi.

Isha/ Gulf Times