Home Blog Page 1322

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka Puntland ku ammaanay doorkooda hirgelinta Federaalleynta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casumaad u sameeyey Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland kuwaas oo Magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Wada tashiga Baarlamaanada heer Federaal iyo heer dowlad Gobeleed.

Sidoo kale, casumaaddan waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Madaxda Qaranka xoojinta iyo dar-dargelinta  wadashaqeynta baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland iyo in sidii loo dhammaystiri lahaa arrimaha muhiimka ah ee ay ka mid tahay dhammaystirka dastuurka, hirgelinta doorashooyinka sanadka 2020 iyo xoojinta hannaanka Federaal ee dalka.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay joogteynta kulamada iyo shirarka ay la qaadanayan Barlamaannada heer dowlad Gobeleed taas oo dhabbaha u xaareysa dhammaystirka howlaha qabyada ka ah nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland Guddoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa ku ammaanay kaalinta mugga leh ee Puntland ay ka qaadatay hirgelinta hannaanka Federaal iyo dib u ka bashadiisa dalka.

Aqoon isweydaarsi ku saabsan xal u helidda dhibaatooyinka Gabdhaha Saxafiyiinta oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

0

Madashan aqoon isweydaarsiga ku saabsaneyn dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha Saxafiyiinta iyo Xuquuqda Aas-saasiga ee Sufuxiyiinta, waxaa soo qaban qaabiyey ururka u dooda Xuquuqda Gabdhaha Saxafiyiinta ee SOWJRA, wasiirka Warfaafinta, guddoomiyaha NOSOJ, saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta iyo gabdhaha saxafiyiin ee ka howlgalla Mudisho ayaa madasha kulanka isku dhaafsaday dooda mira-dhal ahaa.

Xubno ka mid ah gadhihii saxafiyiinta ahaa ee kulanka ka soo qeyb-galay ayaa soo bandhigay afkaaro ka xiriira dhibaatooyinka ay la kulmi karaan iyo sida xilligaan uu xalka ku jiro, iyadoo loo marayo dhabbaha Saxaafaddeed.

Guddoomiyaha Ururka SOWJRA Leyla Cadceed Cismaan ayaa sharraxaadka bixisay waxa uu u taagan yahay ururkooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay horumar sameeyaan Gabdhaha Saxafiyiinta ah.

Tafaftiraha Telefishinka Qaranka, guddoomiyaha Ururka NOSOJ iyo Abuukar Cawaale (Qaad-diid), ayaa si wadajir ah daraaran ugu jeediyey Gabadhaha Saxafiyiinta ah, si ay ugu dhiiradaan ka miradhallinta Mihnaddooda Saxaafaddeed, loogana gudbo caqabaha jira.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in gabdhuhu ay astaan horumar u yihiin bulshada Soomaalida, loona baahan yahay in ay dhiiradaan, si ay himiladooda u gaaraan.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa soo dhoweeyey dedaalka ururka SOWJRA, isla markaana wasaaradda Warfaafinta ay ka go’an tahay dhiiragelinta gabdhaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Thabit Mas’uul ku sifoobay Naxariis (Maqaal)

0

Haddii aan idiin hor mariyo tafsiirka ay culumadu saareen waxay isku raaceen in الرَّحْمَنِ tahay naxariista guud ee gaal iyo muslim, xoolo iyo dhir ay ifka ku haystaan iyo in الرَّحِيمِ tahay naxariista gaarka ah oo dadka muslimiinta ah aakhiro garka u ah.

Haddaba haddii aan intaas ku dhaafo macnaynta الرَّحْمَةَ ama naxariista waxaan u laabanayaa labada erey الرَّحْمَنِ iyo الرَّحِيمِ oo sida aan horay u soo sheegay ay culumadu isku raaceen in ay tahay naxariista guud oo ifka abuurka oo dhammi helo iyo naxariista gaar ahaaneed oo aakhiro mu’miniinta u gaar ah. Ereyga الرَّحْمَنِ wuxuu soo noqnoqdaa 45 jeer markii aan ka reebo bisinka suuradaha dhammaanna si cad ayuu macnahiisa looga fahmayaa in Ilaah loola jeedo, Sidaas darteed in aan الرَّحْمَنِ ku macneeyo Ilaah ama Allaah wax dembi ah ma laha, marka bisinka markii la macnaynayo waxaan ka dhigi karaa.

Waxaa ku bilaabayaa magaca Allaha Raxmaanka ah ee aan laga naxariista badnayn. Ereyga الرَّحْمَنِ qof kuma magacaabi kartid laakiin waa la dhihi karaa qofkaasi waa qof الرَّحِيمِ ah, taasi oo loola jeedo waa qof naxariis badan.
Waxay naxariistu naxariis u tahay ciddii tamadinaysa ee garan karta kuna rayn raynaysa, laakiin wax aan kala garan karin naxariis iyo naxariis la’aan, naxariisi waxba uguma fadhido umana baahna, sidaasi darteed hal aayad oo Ilaah leeyahay xoolaha iyo dhirta waan u naxariistay ma jirto. Xoolaha iyo dhirta annaga ayaa naloogu naxariistay.

Waxaa kale oo muuqata in dadku isku qaldayaan naxariista iyo sunnada Alle wax u jaan gooyey. Waxaa sunnada Alle ka mid ah in ruuxii wanaagsan uu if iyo aakhiraba ugu naxariisto oo cadaab ka ilaaliyo kii xunna uu if iyo aakhiraba cadaabo. Ruuxii uu Alle ifka ugu naxariisto ayuu aakhirana ugu naxariisanayaa ee ma aha aakhiro meel naxariis aadan horay ifka ugu soo shaqaysan lagugu siinayo, naxariistii ifkana aad ifka uga soo tagayso ma aha. Naxariista jannada waa middii ifka lagu soo shaqaystay ee ma aha mid hor leh oo aakhiro loo hawl gelayo.

Naxariistu waxay u gaar tahay dadka in qofka wanaagsan la janneeyo kan xunna la cadaabo waa sunnada Alle uu adduunka ku dhaqo. Quraanka inta meelood ee الرَّحْمَنِ uga jirto macnaheedu waa Alle, haddaba in la isku naxariisto waa taa fadliga ay leedahay, ayaa waxaa loo baahan yahay in ciddii awoodda inay u naxariistaan inta liidata, waana midda aan maqaalkaan ugu soo qaadanay Mas’uulka ku sifoobay naxariista, waana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Todobaadkii hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku sii sagootiyay Maxamed Mustaf Cusmaan oo ah wiil yar oo muddo 8 bilood ah la xanuunsan dhiig kaga furmay Wadnaha, kaasi oo dalka gudihiisana wax loogu qaban waayay.

Guddoomiye Thaabit ayaa ku guuleystay in dalka Turkiga Wiilkaasi Maxamed Yare loo qaado, si xaaladiisa caafimaad wax loogu qabto, iyadoo Guddoomiyuhu bixinaya dhammaan lacagaha wiilka xanuunsan ku baxaya mudada uu joogo dalka turkiga, waxaa kaloo ee uu bixiyay Dal u galka ama Viisaha iyo Tikidka wiilka xanuunsan iyo hooyadiisa ay uga ambabaxeen Muqdisho oo ay ku aadeen dalka Turkiga.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaya guddoomiyaha gobolka oo markii aan xaalada wiilka u sheegay ka dib jawaab deg deg ah ka bixiyay oo ugu dambeyn suurta gashay in dalka Turkiga loo qado”, sidaasi waxaa yiri isagoo qiireysan Waalidka Wiilkaasi yar.

Guddoomiyaha Gobolka waxaa kale oo uu horrey u dammaanad qaaday Wiil kale oo sina la yiraa Maxamed yare oo haatanba lagu daweynayo Isbitaal ka mid ah kuwa ku yaal Dalka Turkiga, kaasi oo Guddoomiye Thaabit uu kafaala qaaday ilaa uu ka bogasdo.

Shalayto ayay aheyd markii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu mar kale ku guuleystay inuu Caafimaad dibadda ah u diro Faa’iso Maxamed Cabdi oo ah gabadhii uu dhibaatada u geystay askarigii ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Gudoomiye Thaabit ayaa bixiyay dhammaan lacagta caafimaadka, Dal ku galka Visaha iyo Ticket-ka dalka Turkiga faaiso loogu qaaday, waxaana uu dammaanad qaaday sidoo kale dhammaan qarashaadka ku baxaya inta Turkiga ay joogto Faai’so Maxamed Cabdi oo qabta dhaawac uu soo gaarsiiyey Askari ka tirsan Ciidanka Puntland.

Aabe Maxamed Cabdi ayaa si qanacsanaan ka muuqato ugu mahadceliyay Gudoomiye Thabit Cabdi Maxamed, sida uu mar walba ugu danqado Bulshada kuwooda ugu taakta daran, waxaana sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo gacan ka geystay taageerada Faai’so loo sameeyay ayaa gudoomiye Thaabit u mahadceliyay.

Duqa Magaalada Muqdisho waxaa kaloo uu kaalin lixaad leh ka qaatay Musiibadii Qaran ee 14-kii bishii Oktoobar ka dhacday Isgoyska Zoppe ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna muujiyay dareen ku aadan arrintaasi foosha xumeyd, maalintaasi ayuu qaatay Caalamadda guduudan ilaa iyo haddana waa ay u xiran tahay, si u muujiyo inuusan wali ilaabin dhacdadaasi xasuuqa aheyd.

Waxaa ku soo gunaanadayaa Maqaalkaan waa in dadka wax heysta iyo Masuuliyiinta Dowladda inay gacan ka geystaan u gargaaridda Ummaadan ka soo daashay Colaad, abaar iyo cudurro, waxaa kaloo leeyahay Thaabit waa la hayaaye gargaarkiisee waana sii wadayaaye, yaa kale oo isna ka qeybqaadanaya kaalmeynta iyo taakuleynta Shacabka Soomaaliyeed, haddaba sow lama oran karo Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed waa Mas’uul ku sifoobay Naxariis.

W.Q. C/laahi Ruush

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhoweeyay ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka

0

Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

“Tani waxay calaamad u tahay masaafada ay Soomaaliya kasoo gudubtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay – waxay kusoo dhowaanaysaa inay awood u yeelato inay cageheeda isku taagto maaliyad ahaan, sida xubnaha kale ee beesha caalamka. Marki ay hirgalaan tallaabooyinka dakhli ururinta iyo dib-u-habaynta muhiimka ah, Soomaaliya waxay awood u yeelanaysaa inay hesho deeq iyo maalgelin shuruudeheedu dabacsanyihiin oo ay ka hesho hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, bedelkii ay si weyn ugu tiirsanaan lahayd deeq-bixiyeyaasha si ay u daboosho baahideeda maaliyadeed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

“Tani waxay dadka Soomaaliyeed ee caadiga ah uga dhigantahay rajo dhab ah oo lagu helayo dugsiyo waxbarasho oo badan, isbitaallo iyo kaabayaasha aadka loogu baahanyahay maadaama dowladdu ay awood u yeelan doonto inay soo amaahato lacag dulsaarkeedu si cadaalad ah loogu jaan-goyay suuqyada caalamiga ah,” ayuu raaciyay. “Tani waxaa kale oo ay calaamad u tahay xasilooni soo tarmeysa, waana in dowladihii hore iyo tan hadda jirta lagu amaano dadaalladooda ay hawsha halkaan kusoo gaarsiiyeen.”

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ay Soomaaliya ku leeyihiin $5.2 bilyan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ansixiyay miisaaniyadda 2018ka, iyadoo xirmadan ka kooban $274 malyan ay tahay tallaab muhiim ah oo wax looga qabanayo shuruudaha dib-u-habaynta maaliyadeed ee ‘Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada’ (SMP) ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ugu talo galay dalalka bariga Afrika.

Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada waxaa loogu talo galay horumarinta dadaallada dib u dhiska dhaqaale iyo in loo suurto geliyo dalalka inay sameystaan diiwaan dabagal oo loogu talo galay hirgelinta siyaasadda iyo dib-u-habaynta. Soomaaliya waxay durba dhamaystirtay Barnaamijkii ugu horreeyay ee Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada sanadkii 2016-2017.

“Waxaa na dhiirigelinaya ballan-qaadyada madaxda iyo xawaaraha dib-u-habaynta ee lagusoo celinayo hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyadda ee muhiimka ahaa, waxaana soo dhoweynaynaa dadaalladooda ku aaddan in barnaamijku kusii socdo si sax ah,” ayuu Sanduuqa Lacagta Adduunka ku yiri war-saxaafadeed kadib kulankii ay todobaadkii lasoo dhaafay la qaateen madaxda Soomaaliyeed. “Hawl-qabashada madaxda ee ku aaddan Barnaamijka Kor-joogteynta Hawl-Wadeennada ee bishii September 2017 ayaa si weyn loogu qancay.”

Sanadka soo socda ayaa Sanduuqa Lacagta Adduunka wuxuu go’aanka ugu dambeeya ka gaari doonaa u hogaansanaanta Soomaaliya ay u hogaansantay shuruudaha Barnaamijka Kor-joogtaynta Hawl-wadeennada ee sanadka 2017, waxaana wada-xaajood laga geli doonaa Barnaamij Kor-joogtayn Hawl-wadeenno oo daba-socda midka lasoo gabagabeeyay.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay madaxda dalka inay xaqiijiyaan in qiimaynta sanadka soo socda lagu samayn doono horumarka Soomaaliya in uu noqdo mid wanaagsan, iyadoo wixii kala duwanaan siyaasadeed ah lagu xallinayo wadahadal iyo niyad wanaag.

“Xasillooni siyaasadeed waxaa ay wax ka taraysaa uun sidii lagu xaqiijin lahaa arrimahaas,” ayuu yiri. “Waxay gacan ka geysanaysaa sidii loosoo jiidan lahaa maalgelinta hay’adaha dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, waxayna xoojinaysaa horumarka dalka ee kobcinta maaliyadeed.”

Soomaaliya ma awoodin inay xalliso deymaha dibadda loogaga leeyahay tan iyo markii dagaallada sokeeye ay dillaaceen sanadkii 1991.

Iyadoo ay halakeeyeen abaaro iyo colaado hubaysan, iyo weliba horumar la’aan, ayaa hadda Soomaaliya waxay ku tiirsantahay deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah si ay wax uga qabato inta badan baahideeda maaliyadeed. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa dhowr jeer ugu baaqay deyn-bixiyeyaasha caalamiga ah ee dalka ku leh deymaha inay deymahaas ka cafiyaan Soomaaliya iyadoo loo marayo waxa loogu yeero Barnaamijka Dalalka Saboolka ah ee Deymaha Culus lagu Leeyahay (HIPC), oo ay asaaseen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka sanadkii 1996 si ay u xaqiijiyaan in dal sabool ah aanu la kulmin culays deyn oo ka badan awooddiisa adeeg-bixin iyo maareynta [arrimihiisa].

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka sanadka 2020

0

Shirkii caadiga ahee ee khamiislaha ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale.

Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iyadoo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amniga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay arbush ku sameeyeen ciidanka oo marayey Balidoogle, hase yeeshee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aadan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga ciidanka. Guddi ka kooban 25 ayaa daraasadan ka soo sameeyey gobollada dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ayaa lagu qiimeynayey agabyada ciidanka heysto, caqabadaha jira, tababarka ay heystaan iyo diyaar garowgooda. Daraasada ayaa soo bandhigtay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo horjeeda nidaamka sharciga. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khuseyso ay muddo wadeen daraasad, iyagoo isku barbardhigayey doorashooyinka caalamka iyo kuwii Soomaaliya ay soo mareen oo ay ku jiraan kuwa Somaliland.

Daraasad dheer ka dib waxaa weli socda wadatashi ballaaran oo laga yeelanayo nooca doorasho, iyadoo la isku raacsanyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka.

Noocyada matalaad doorasho oo laga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah mid isku dheelitiran oo dhammaan qeybaha bulshada laga wada qeybgelinayo, mid doorasho furan oo xisbiyada dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada, ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dibna uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya.

Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa warbixin ka bixiyey dardargelinta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Sunna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Macalin Maxamud, wasaaradana ay wado qorsheyashii loo dhaqangelin laaa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey Hindise Sharciyeedka Adeega Rayidka ah oo usbuuca danbe loo ballamay si looga doodo oo loo ansaxiyo.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka koobnaa 19ka xubnood oo ka kala yimid dhammaan gobollada ay soo gaartay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixaan, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi (interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan.

Wasiir Beyle iyo madaxda kale oo Dalxiis ku tegay deegaanka Goob-weyn

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo hogaaminaya Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada ayaa Booqday Deegaanka Goob-weyn ee Gobolka Jubada Hoose.

Halkaasoo Wasiirradu soo indha indheeyeen qaabka deegaanka iyo habka cimilo ahaan ay u sameysan tahay,taasoo laga dheehan karo hab dhaqan dhaqaaleiyo Dalxiis.

Deegaanka Goob weyn oo ah halka Wabiga Jubba uu kaga darsamo Badweynta Hindiya ayaa ah deegaanka dalxiiska aad ugu wanaagsan.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo u tagay shir looga hadlayo mideynta canshuuraha Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo gelinkii danbe ee talaaladada lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.





R/wasaare Khayre”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”

0

Munaasabada ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay xuska sanad guuradii 74-aad ee aas- aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa kamid ahaa madaxdii ka qeybgashey Raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhamaan madaxdii ka qeyb gashey munaasabadaasi ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay dalka u leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen.

Wuxuu Ra’iisul wasaaraha uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska sida ay ugu dhabar adeegayaan in dalka ammaankiisa la sugo,isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay xoogga saari doonto dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan AMISOM.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashooda ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeeyey oo uu dalku yeesho ayaa la aas aasey sanadka markuu ahaa 1943-dii,waxaana ay soo mareen heerar iyo marxalado kala duwan,waana laf dhabarta u adeegista bulshada.

Kismaayo oo uu ka furmay shirka mideynta Canshuuraha Bariga Soomaaliya

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo ka furay shirka wadatashiga Canshuuraha Bariga ee dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada.

Shirkan waxaa dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe  ku matalaya wasiirrada Maaliyadda, sidoo kale waxaa shirka jooga khabiirro sare oo dhanka Maaliyadda iyo arrimo canshuuraha ku takhasuustay.

Mudada shirka uu socon doona waxaa lagu falan-qeynayaa sii loo hirgelin lahaa nidaamka qaadiska iyo mideynta canshuuraha Bariga Soomaaliya, si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha dalka, iyadoo Miisaaniyadda sannadkaan ay wajahi doonto Canshuuraha Bariga.

 

Madaxweyne Farmaajo “wakhtigeyga ugu badan ciidanka ayaan ku bixin doonnaa”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ka dhawaajiyay in la isku diyaarinayo howl gal.

Madaxweynaha oo shalay kula hadlayay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in mar walba weerarka ay soo qaadaan Al-Shabaab, oo ay shacabka ku dhibaateeyaan, isla markaana loo baahan yahay in Ciidamada ay duulaanka qaadaan, Shabaabkana ay carraan.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dagaalkii lagula jiray Al-Shabaab la laba jibaaro, isla markaana ay taariikh qormeyso, waxaa uu ciidamada ugu baaqay inay la yimaadaan niyad wanaag iyo daacadnimo.

“Waqtigeyda inta ugu badan waxaan siin doonaa Ciidamada, dhaqaalaha inta ugu badan ciidanka siineynaa, illaa dalkaan aan ka xoreyneyno oo aan ku soo dabaaleyno nabadda, waxa qormaya waa taariikh, waari meysidee war fiican hakaa haro. howl galada bilaabanayaan waana ku guuleysanayaa”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Kenya oo mar kale codsatey in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu dhammeeyo wada hadal

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in mowqifka Kenya ay ka taagan tahay muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ay tahay meeshii ay horay uga taagneyd.

Githu Muigai ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya lagu dhameeyo wada hadal, hasa yeeshee Soomaaliya dhankeeda ay muhiim ah in ay isla fahmaan.

Horaanta sanadka 2018 ayaa la filayaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Hague inay soo saarto qaabka looga hadlayo dacwada badda

Muranka Badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu ahaa mid soo socday saddexdii sanno ee u dambeysay, iyadoo horaantii sanadkan ay Maxkamadda Hague ay xukmisay in kiiskan ay maxkamadda qaadi karto, iyadoo diiday dalabka Kenya ee ahaa in muranka wada hadal lagu dhameeyo.