Home Blog Page 1324

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo heshiis la gaaray Guddiga doorashooyinka Puntland

0

Xubno ka socday Guddiga doorashooyinka Puntiland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladda Muqdisho ayaa heshiis is afgarad iyo wada shaqeyn ah la gaaray Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaana xubnahaasi maanta ay u ambabaxeen magaalada Garowe, iyadoo garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ay ku sii sagootiyeen xubnaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)  Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade kula hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in arrimaha labada dhinac ay isku afgarteen ay kamid tahay sare u qaadidda wada shaqeynta, iyagoo iska kaashanaya doorashooyinka dowladaha Hoose ee dhawaan ka dhacaysa Puntiland.

“Waxay gaareen hadda labada Guddi heshiisyo hordhac ah oo ay ugu horeyso heshiis is afgarasho ah iyo wada shaqeyn iyo in maadaama Guddigeenu yahay heer Federaal inuu aad wax ugala qabto Guddiga doorashooyinka Puntiland oo mardhow galaya doorashooyinkii dowladaha hoose inaan isla dardargalino ama aan u baadigoobi laheyn dhaqaalihii doorashada looga qeybgali lahaa” sidaas ayay hadalkeeda sii raacisay Guddoomiye Xaliimo Yarey

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntiland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa balan qaaday in dhankooda ay si dhow ula shaqeyn doonaan Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo Guddiga ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in la iska kaashado hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo la filayo inay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Heshiiska is afgaradka iyo wada shaqeynta ah ay gaareen Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka Puntiland ayaa bilow u ah dadaalada Guddiga doorashooyinka heer qaran ay ku doonayaan inay wada shaqeyn ula yeeshaan dowlad goboleedyada si looga miro dhaliyo hadafka Guddiga oo ah in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah marka ayd hamaato mudada dowladda hada shaqeyneysa.

 

Ganacsato Soomaaliyeed oo Maamulka degmadda Balcad ku  wareejiyey deeq lacageed  oo lagu dhisayo isbitaalka degmadaasi“Sawirro”

0

Deeqdaan lacagta ah oo gaareysa  seddex kun oo lacagta dollarka Mareykanka ah,  ayaa waxaa iskasoo aruuriyay Ganacsato Soomaaliyeed oo kunool dalka Koofur Afrika,  kuwaas oo kasoo jeeda Deegaanada  Gobalka Shabeellaha dhexe.

Deeqdan lacagta ah ayaa lagu wareejiyay Guddoomiyaha Degmadda Balcad,  waxaana uu kusii wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka guud ee degmadda Balcad.

Shiikh C/qaadir Maxamed Muudey oo kamid ah Culimadda ku nool degmadda Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa loo wakiishay deeqdaan lacagta ah, waxaana uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha loo qorsheeyey in lacagtaasi lagu qabto.

“Lacagta noola soo wakiishay waa lacag dhan seddex kun iyo boqol Dollar, waxaana inoo  wakiishay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Balcad oo kunool South Africa,  waxa ay ugu tabaruceen dhismaha Ispitaalka Degmada Balcad oo bilaawday, waxaan leeyahay ALLE ajir iyo xasanaad hakasiiyo meesha ay kasoo qaadeen Badal kheyr qabo allaah ha ugu badalo,  waxaan hadda ku wareejiyay guddiga dhismaha Isbitaalka “ayuu yiri Shiikh C/qaadir Maxamed.

Guddoomiyaha degmadda Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Xasan Maxamed Xaaji oo kamid ah xildhibaanada Hirshabeelle oo iyana goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyay Ganacsatada Soomaaliyeed,  waxaana ay ku baaqeen in laga wada qeyb qaato.

“Baahida ugu weyn oo ay hadda qabto Bulshada Degmada Balcad waa Isbitaal la’aan heysata, hooyada Uurka leh markii ay lasoo daristo xaalad adag oo dhalmada ah waxaa looqaada Magaaladda Muqdisho ee caasimada dalka, iyadoo jirto in wadada ay tahay mid bur-bursan” ayuu yiri guddoomiye Qaasim.

 

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta Booqday Wasaaradda Maaliyadda XFS “Sawirro”

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ugu hambalyeeye guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP,  kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda  ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.

 

 

Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo Shirweyne Qaran ku yeeshay Magaaladda Muqdisho “Sawirro”

0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo qaban qaabiyay, hir-geliyeyna Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, kana dhacay Hotel Jazeera Magaalada Muqdisho Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood ah 12 ka -13 ka Disembar 2017.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka kooban heer Federaal iyo heer Dowlad gobaleed, waxayna kala yihiin:-

Ururka Qareenada Soomaaliyeed, Madaxda Hey’adda UNSOM ee arrimaha Caddaaladda iyo Asluubta, Hey’adda IDLO, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Dowlad Goboleedyada dalka kajira sida Puntland, Galmudug, Jubbaland,Hirshabeele iyo Koofur galbeed, qaar ka mid ah ku-xiggeenada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Guddiga Garsoorka ee Golaha shacabka, Guddiga Garsoorka ee Aqalka sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Bahda Saxaafadda iyo marti sharaf kale.

Ujeedka shirku waxa uu ahaa in laga doodo Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed iyo in la abuuro Dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan xirfadleyda Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed si dalladaas loogu ilaaliyo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.

Dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay shirka ka jeediyeen hadalo dhaxal gal ah oo qiime weyn ugu fadhiyey Ajandaha shirka laakiin aanaan halkaan ku soo wada koobi karin, hadii aan wax yar ka tilmaanno in yar oo ka mid ah nuxurka hadalada shirka laga yiri:-

Taliye Xiggeenka Boliiska Soomaaliyeed Generaal Bashiir: “waa muqadas xiriirka ka dhexeeya booliska iyo Xafiiska xeer-ilaalinta dalka, Xeer-ilaalintu waxay talo siisaa, saxdaana Boliiska, sidaas darteed waxaan farayaa dhammaan Boliiska Soomaaliyeed in ay raacaan kuna dhaqmaan talooyinka Xeer-ilaalinta dalka”.

Wasiirka Cadaaladda dowladda federaalka Soomaaliya Mr. Xuseen Xasan Xaaji

“Waxaan u baahannahay in aan dalkeena burburka ka soo kabanaya caddaalad ugu Shaqeyno, waxaa loo baahan yahay in la sameeyo olole ku aadan caddaaladda dalka, haddii caddaalad la helo waxaa meesha ka baxaya musuqmaasuqa, amni darrada, iyo maamul xumada.”

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka aqalka sare Xil. Faadumo Xasan “Walaalayaal caddaaladda ha laga shaqeeyo, xabsiyada hala booqdo”.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir “qofka Soomaaliga ahi waxa uu caddaalad u aqoonsan yahay sida uu isagu u arko in ay ku jirto maslaxadiisa bedelkeedana caddaalad darro ayuu sheeganayaa”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Dr. Ibraahim Iidle “Oraah baa tiraahda Ilaahey waa ilaaliyaa Dowlad caadil ah Muslimba yey ahaanine, yabooha/ ilaalinta Alle ma hesho Dowlad aan caadil aheyn Muslimba ha ahaatee, Caddaalad waxay ka timaadaa marka la xaqiijiyo sareynta Sharciga, Sareynta sharcigu waxay laf dhabar u tahay Dowlad wanaagga, iyo jiritaanka amniga.”

Shirweynaha Qaran ee Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed waxay ka soo qeyb galayaashu ka soo saareen war-murtiyeedka soo socda:-

1- Ka qeyb galayaasha shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo hey’adaha gacanta ka geystay sida UNSOM iyo IDLO.

2- In ay adkeeyaan xiriirka ka dhexeeya Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, taasi waxay qeyb lixaad leh ka qaadaneysaa habsami u socodka howlaha Xeer-ilaalinta Soomaaliyeed.

3- In ay lagama maarmaan tahay sameynta dallad guud oo ay ku mideysan yihiin dhammaan Xeer-ilaaliyeyaasha Dalka, dalladaas oo lagu ilaalinayo xuquuqda, xasaanadda, madax banaanida, iyo sharafta Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed, dalladdu waxay wax weyn ka qabaneysaa dhisidda, kobcinta, iyo tayeynta Xeer-ilaaliyeyaasha, abuurista Xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa ee Xeer-ilaalinta Dowlad gobaleedyada, kuwa aan lahayn xeer-hoosaadka nidaamka anshaxa oo kaliya.

4-Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qeyb gashay waxay doorteen Guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood, oo sameyn doona Xeer-hoosaadka iyo qaab dhismeedka Dalladda Guud oo ay ku midoobayaan Xeer-ilaaliyeyaasha heer federaal iyo heer dowlad-gobaleed.

5-Ka qeyb galayaashu waxay isla garteen in ay yeeshaan shir sannadle ah, oo ay ka soo qeyb gelayaan dhammaan xubnaha Dalladda, iyo mid afar biloodle ah oo ay yeelan doonaan gudiga maamulka Dalladda,  laguna qaban doono dhammaan Xarumaha Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ee soomaaliya, qaab meerto ah.

6-Shir-waynuhu waxa uu si buuxda u taageeray dib u habeynta hannaanka caddaaladda dalka, sidoo kale dhammaan ka soo qeyb galayaashu waxay hoosta ka xarriiqeen lagama maarmaan-nimada ka qeyb qaadashada, hogaaminta, iyo go’aan ka gaarista hannaanka caddaaladda gaar ahaan qeybta kaga aadan xiriirka ka dhexeeya Xafiisyada Xeer-ilaalinta iyo qaab dhismeedkooda heer Federaal iyo heer Dowlad-gobaleed intaba.

7-Shirweynuhu waxa uu si xoog leh u taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee uu gaaray Guddiga Amniga Qaranka ee Hannaanka Caddaaladda dalka oo ku saleysnaa habka isku dhafka oo afka qalaad loogu yeero (Mixed System), waxa uuna shirweynuhu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo dardaro geliyo dhameystirkiisa.

8-Shir-weynuhu waxa uu garwaaqsaday doorka la taaban karo oo ay Haweenka Xeer- ilaaliyeyaasha ahi ku leeyihiin Xafiisyada Xeer-ilaalinta Dalka, sidoo kale waxaa leysla gartay in Haweenku qeyb lixaad leh ka ciyaaraan hirgelinta iyo habsami u socodsiinta howlaha xafiisyada Xeer-ilaalinta heer Federaal iyo Heer dowlad-gobaleed, sidoo kale shir-weynuhu waxuu dhiirigeliyey in la fududeeyo lana taageerodoorka haweenka.

9- Shir-weynu waxa uu hoosta ka xariiqay doorka xeer-ilaaliyayaashu ku leeyihiin Dalka, iyo in la ictiraafo ahmiyadda iyo ilaalinta sareynta Sharciga dalka u dhigan.

 

 

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.

Mudane Khadar ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara, waxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Iyadoo munaasabaddan ay sidoo kale ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday Ciidanka ku jira Xerada 54aad

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi wali Jaamac Warsame Gorod iyo Saraakiil uu horkacayo oo shalay Booqasho ku tagay Magaaladda Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa maanta booqday Xerada 54aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxay soo indha indheeyeen wafdiga Taliyaha uu hoggaaminayo qeybaha ay Xeradaasi ka kooban tahay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka ee Xerada 54aad ku jirta.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Ciidamadii uu booqday, ayaa kula dardaarmay inay daacad u noqdaan shaqada Qaranka ay u hayaan, ayna la yimaadaan hab dhaqan wanaagsan, isagoo xusay in Ciidamadii uu booqday ay qeyb ka yihiin Barnaamijka isku dhafka Ciidamada qaranka oo dowladda Soomaaliya ay wado.

WAR-BiXIN:-Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

0

Dal walba waxaa dhisa oo wax ka dhiga bulshadiisa, waana taa midda lagu gaaro horumar iyo baraare,

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Haweenka soomaaliyeed maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada waxay kaalin muuqda oo aan la ilaawi Karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,inkastoo Haweenku ay yihiin hooyooyin, gabdho ugub ah iyo carmalo, hadana waxaad arkeysaa iyagoo u tafaxeydanaya sidii ay qeyb libaax leh uga qaadan lahaayeen isla-markaana door firfircoon uga ciyaari lahaayeen dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalidda dalkeenna Hooyo.

Qormadan ayaan waxaan uga hadli doonnaa Kaalinta ay dumarkeennu ku leeyihiin bulshadeen, inagoo qodob qodob isu dultaagi doonna dhinacyada ay Haweenka kaga jiraan Arimaha siyaasada Nabadgalyada , dib u heshiisiinta, waxbarashada,Ganacsiga iyo halgankii xornimada ee dalka.

Siyaasada

Haweenka soomaliyeed qeyb libaax leh ayey ku leeyihiin Arimaha siyaasada ee dalka, iyadoo ay muuqato kaalintooda ka mid ahaanshaha dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyey ee burburka kadib, Arintaasoo ka dambeysay sababao badan oo ay kamid yihiin iyagoo fahmay arimaha siyaasadda, islamarkaana ku biiray kuliyadaha lagu barto Arrimaha siyaasadda Iyo waliba soo badashada dadaalada lagu dhiiragalinayo in haweenku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda, arimahaas oo is biirsaday ayaa keenay in haweenku ay xusul duub u galaan inay kaalintaas buuxiyaan.

Waana taas midda keentay in dawlada haatan jirtaa ay u garawdo haweenka kaalin muuqatana ka siiso barlamaanka, xukuumada, iyo hay’adaha kale ee dawliga ahba.

Nabadgalyada

Maadaama wax kasta nabadu ay fure u tahay la’aanteedna aanan la noolaan Karin ayaan dhihi karnaa Dumarka somaliyeed tan iyo bariisamaadkii iyo ka horba waxay u tafaxeydanayeen sidii dalku uu u heli lahaa nabad waarta oo lagu naaloodo,

Sanadihi ugu dambeeyey ee dalku ku jiray colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayaa haweenka somalida waxay door fiican ka ciyaarayeen sidii colaadahaas loo dhameyn lahaa loona nabadeyn lahaa beelaha is-dagaalaya, iyagoo fidiyey gogolo lagu dhameynayo Colaadahaas.

Dib uheshiisiinta

Sidaasi si la mid ah ayey waxay Dumarkeennu ka qeyb qaateen Dib u heshiisiinta, iyagoo isu keenayey cidkasta oo dagaal ama gacan ka hadal uu dhexmaro, waxaanay haweenku qaybtooda ka ciyaaraan dib u soo celinta nabadda,iyagoo suugaan ku cabiraya muhiimada dib-u heshiisiinta iyo sida aan looga maarmeyn.

Waxbarashada

Inkastoo Xilliyadii hore aaney haweenku ku badneyn Goobaha waxbarashada ee dalka sababo la xiriira saameynta dhaqanka soo jireenka ah iyo waalidiinta qaar oo aan gabdhaha u ogolaan inay gabdhahooda fursadaha wabarashada ka qeybgaliyaan ayaa waqtiyadi ugu dambeeyey ay haweenku rikoorkaas jabiyeen, waxayna buuxiyeen goobaha waxbarashada maadiga iyo kuwa diiniga ahba.

Waxaana marka aad booqato iskuulada iyo jaamacada dalka kuyaala aad ku arkeysaa gabdho badan oo fadhiya safafka hore ee fasalada si wayn ugu dadaalaya inay waxbartaan,

Waxaana Siyaabaha keenay in dumarku ay iskuulada iyo jaamacadaha kubataanna kamid ah, waalidiinti oo fahmay muhiimada waxbarashada ee aadaana iyo sida aaney usineyn qofka waxbartay iyo kan aanan baran, iyo doodaha looga hadlayo waxbarashada gabdhaha oo batay iyadoo uu dhaqangalmay, halkudhigga ah { Gabar wax baratay waa Qaran waxbartay, wiil waxbartayna waa qof waxbartay}.

Ganacsiga

Kadib burburkii iyo qalalaasihi kadhacay wadanka ayaa Allaah kasokow waxaa dalka iyo dadkaba badbaadiyey haweenka, waxayna buuxiyeen kaalintii aabayaasha ee kasoo shaqeynta bannaanka, Iyadoo gabar walba ay kudadaashay sidii quutul yoonka reerkeeda ay ugusoo dhicin laheyd, arintaas ayaana keentay in tan iyo intaas ay haweenku ganacsadaan oo ay si wayn suuqyada uga dhexmuuqdaan.

Xornimada iyo halgankii gobonimo doonka

Xornimada iyo halgankii gobanima doonka ee dalka haweenku waxay kagaleen baal dahab waxaana jirtay in haween badan oo somaliyed ay kuwaxyeeloobeen naftoodana kuwaayeen kadib markii gumeystihi dalka katalinayey ay dhibaato kala kulmeen.

Sikastaba waxaa maragmadoonta ah in haweenkeenu ay kaalin muuqata oo firfircoon kudhexleeyihiin bulshada somaliyed islamarkaana ay markasta jecelyihiin inay dadaalkooda sii labalaabaan.

W/Q Amina ladan Axmed Cali

BARNAAMIJKA RAAD RAAC BY MMC #SHIRKA SAXAAFADA 08 05 2017

0

Barnaamijka Raad Raac, waa barnaamij ka bawa Tv-ga Qaranka Soomaaliya isla markaan looga hadlo mowduucyo kala duwan oo bulshada Soomaaliyeed Wax tab wayn u leh.