Home Blog Page 1324

Shirka Culumaa’udiinka soomaaliyeed oo loga hadlayay ka hortaga xagjirnimada ayaa lagu qabtay Muqdisho

In ka badan 12 dal culumaa’udiin ayaa ka soo qeyb galay shirka sannad laha suufiyiinta oo ay marti galineyso sannadkaan dowlada soomaaliya ayaa lagu qabtay maanta magaalada muqdisho.

shirkaan ayaa loga hadlayaa qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo fikirada qaldan ee lagu maran haabaabiyo shacabka soomaaliyeed, khaliif cabdulqaadir macallin nuur oo ah gudoomiyaha Mu’asadada macallin nuur ayaa qudbad dheer uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in shirkaani muhiim u yahay dhinacyo badan oo hormarka soomaliya quseeyo.

culumaa’udiinkii ka socday dalalka Masar, Suudaan,Ciraaq,Jabuuti,Turki,Qadar, Cumaan,Sinigal,Lumaan ayaa bogaadiyay hormarka soomaliya ay sameysay iyo in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo isku xirnaanta muslimiinta iyo amniga

Shirkaani ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay culumo caanka ah soomaliya iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka soomaliya .

Munaasabada mallinta ciidanka xooga dalka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Alshabaab.

“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.

Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

0

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo maanta Khudbad ka hor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“ Maanta oo ay bisha tahay April,12/2015,waxaan Golahan Sharafta leh hortiina aan u imid inaan rasmi ahaan idin ku war geliyo inaan xilkii ammaanada ahaa Alle subaxaanahu Watacaallaa ka sokow aad adinku igu ammaaneysateen idinkoo wada fadhiya idin ku soo celiyo,waxaana idinka codsanayaa in xil heynta Guddoonka iga cafisaan istiqaaladeydana iga ogolaataan,” ayuu ku yiri Prof; Jawaari Khudbadiisa uu ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane; Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in maalmihii u danbeeyay kuwo Alle ka cabsigooda yar yaryahay baraha Bulshada ay ku tebinayeen in lacago Malaayiin dollar ah laga siistay istiqaalada iyo xilka degistiisa.

Wuxuuna Xildhibaanada hortooda Mr. Jawaari uu ka cadeeyay ineysan jirin wax lacag ah oo looga bedeshay iscasilaada uu sameeyay,isagoona dhanka kale tibaaxay in xil ka degistiisa ay muhiim u ahayd Qaranimada iyo jiritaanka Dowladnimada Soomaaliy.

Mudane: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa xilkaan waxaa loo doortay 11-kii bishii Janaayo sanadkii 2017,,isagoo labo jeer Guddoomiye Baarlamaan ka soo noqday dalka,waana qabiir dhanka sharciga oo mudo ka badan 50-sano soo ahaa shaqaalo Dowladeed.

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Norway

0

Mid kamid ah Hooyooyinka Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway ayaa lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay Ururka Argagixisada Daacish,waxayna Booliska dalkaasi ay ka qabteen xilli ay ka dhoofeysay magaalada Oslo.

Haweeneydan Soomaaliyeed oo ah Hooyo dhashay 5-carruur ah ayaa Booliska Norway waxay sheegeen iney Taleefankeeda gacanta ay ka heleen ciwaanno iyo xog ku saabsan sida loo sameeyo Qaraxyada,sidoo kale,waxaa Taleefankeeda laga helay qoraalo ay isu direen nin Soomaali ah oo isna dhowaan ay Dowladda Ingiriiska ay ku xukuntay 8-sano oo xabsi ah.

Waxaan la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee la maxkamadeyn doono Haweeneydan Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay Ururka Daacish,macluumaad muujinayana laga helay,sida Booliska dalka Norwey ay sheegeen.

Booliska magaalada Oslo ayaa sheegay in Hooyadan dhashay 5-ta carruurta ah xilligii gacanta lagu dhigayay ay u safreysay dalk Suuriya halkaasi oo sida la ogyahay ay ka dagaalamaan Kooxda Argagixisada Daacish.

FAALLO:Ciidanka Xoogga Dalka oo xusaya Aas-aaskooda

0

Maanta oo ah 12-ka Apriil, waxay ku beegan tahay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waana markii dhidibada loo dhigay Ciidan Difaac oo uu Dalku leeyahay, sidaasi darteed aan wax ka xusno taariikhdii aas-aaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 58-sanadood waxa uuna ka kooban yahay afar talis oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka cirka, ciidanka badda difaaca xeebaha iyo ciidanka difaaca cirka.

Ugu horayntii markii la yagleelayay ciidanka Xoogga dalka waxaa lagu aas-aasay 8 horimood,waxaana taliyihii ugu horeeyay ee uu yeesho noqday Allaha u naxariistee Gen. Daauud Cabdulle Xirsi, sidoo kale waxaa Abaanduulaha Xoogga Dalka loo magcaabay Allaha u naxriistee Gen. Maxamed Siyaad Barre, Waxaana ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato laga kala keenay labadii qeybood ee dalka ee ka xoroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.

Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa ka dambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcaayay, wuxuuna soo maray marxalado kala duwan, Sanadkii 1960-kii ilaa 1969kii waqtigaas oo ay dalka maamulayeen dowladihii rayidka ahaa wuxuu ciidanku ku jiray marxalad dhismo iyo koboc , hadana ayadoo taasi ay jirto ayay guulo taariikhi ka gaareen dagaalkii ay Xoogga dalka soomaaliyeed la galeen ciidamadii Ethopia Sanadkii 1964-kii.

1969kii-ilaa iyo Sanadkii 1990kii oo ahayd Marxaladii labaad ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed dalkana ay ka jirtay dowladii milatariga ahayd ee uu hoggaanka u ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barre, xilligan ayuu Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si buuxda u hanaqaaday,Waxaa la balaariyay Dhismihii Ciidanka iyo hoggaamadiisii kala duwanaa sida Ciidanak Dhulka,cirka,Difaaca cirka iyo Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha sidoo kale waxaa laballaariyay Qeybihii iyoTalisyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka kuwaasoo xarumo ku lahaa magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb Garoowe ,Hargeysa, Burco iyo talisyadii Kismaayo iyo Baydhabo.

Xilligii dowladdii kacaanka ciidamada Xoogga dalka waxay ka gaareen xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya iyagoo ka soo qayb qaatay howlgallo nabad ilaalin ah oo ay ka soo fuliyeen dalal ka tirsan qaarada afrika oo ay ka mid tahay Ugandha, taasi oo horseeday in loogu yeero Libaaxyada Africa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Ethiopia Sanadkii 1977kii, kaasi oo reebay raad taariikhi ah oo lama filan ku noqday dalal badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan quwadihii ugu waa weynaa dunida sida Gashaanbuurtii Nato iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen dalalka Mareykanka iyo dalkii horay loo oran jiray Midowga Soofiyeeti.

1976 waqtigaas oo ahayd hal sano ka hor dagaalkii 77 waxaa lagu tilmaami karaa xilligii uu ugu itaalka waynaa C.X.D wuxuuna ka koobnaa:-23 Guuto oo ciidanka lugta ah, 2 Guuto oo Komaandooska ah, 9 Guuto ooTaangi ah, 9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah, 4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah, Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 dayaaradood, 24 ka mid ah waxay ahaayeen Miig.

Qeybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo, qeybta 21-aad ee magaalada Dhusamareeb, iyo qeybta 26-aad ee magaalada Hargeeysa, iyadoo ay Saldhigyadu kala ahaayeen 43-aad ee magaalada Kismayo, iyo 54-aad ee magaalada Garowe, Ciidanka Badda saldhiyadooda waxay ku yaaleen magaalooyinka Muqdisho , Kismayo iyo Berbera.

1991dii oo ahayd markii ay dhacday dowladdii dalka ka jirtay waxaa burburay tiirarkii muhiimka u ahaa qaranimada sida kii ciidamadii Xoogga dalka waxayna taasi horseeday qaran jabkii nagu dhacay,dowlad la,aantii dalku galay waxay keentay in xubnihii ciidanka ay kala daataan kuna milmaan shacbiga.
Nasiib wanaag waxaa sanadahan dambe dib u bilawday qorshayaal dib loogu yagleelayo Ciidamadii qaranka ee wehelka u noqon lahaa dalkaan iyo dadkiisa mudada dheer Baylahda ahaa.

Dadaalka ugu xooggan waxaa wada madaxwaynaha J.F.S md. max’ed C/llaahi farmaajo oo shacbigiisu waxyaabaha ay kalsoonida ku siiyeen ay ka mid tahay niyad wanaagga uu u hayo dib u soo noolaynta iyo tayaynta Ciidamadii Xoogga dalka kuwaasi oo ah Tiir dhexaadkii qaranimada ee soo celin lahaa Sharaftii iyo magacii aan dunida ku lahayn.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2018ka oo ah sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka.

Dadaalada jira waxaa hormuud ka ah Madaxwaynaha J.F.S md. Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa labaad ee shaqo maalmeedkiisa ka samaystay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu uga mira dhaliyo ballan qaadkiisii ahaa dhismo ciidan qaran oo gudan kara waajibkiisa isla markaana hela xuquuqdooda.

Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12 April ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Madaxda ugu sarreysa dalka iyo Taliyayaasha Ciidamada, iyadoo dhinaca kalena Madaxda Qaranka ay Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u direen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

W.D. Gobdoon iyo Ruush

Madaxda dalka oo hambalyo u diray ciidanka xooga dalka

0

Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka ee 12 April ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka waxaana ka soo qeyb galay madaxda dalka ugu sareyso xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukumada soomaaliya.

sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada ayaa  ka qeyb galay munaasabadaasi  maalinta qiimaha badan ee 12-ka April oo sanad kasta xiligan oo kale ay u dabaal-dagaan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayo xarunta gaashaan dhiga oo ku taalo magaalada muqdisho .

Madaxda Qaranka ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.

12-ka April sanadkii 1960 ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana ka soo wareegtay 58 sano.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  waxaa lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horrimood, waxaa lagu magcaabi jiray xiligaasi magaca Cali Boobaaye ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, waxaa laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray.

 

Shirka hormarinta warbaahinta soomaaliya oo wali ka socda Magallada Garoowe

0

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiisa ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane:Xildhibaan C/raxmaan Iidaan Yoonis oo  la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka Wasiirada Warfaafinta heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ka socda magaalaa Garoowe diirada lagu saarayo shan Qodob oo muhiim ah.

“Shirka wasiirada warfafinta iyo ergooyinka kala duwan ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shalay ka furmay Garowe waxana loga hadlay shan Agande ayaa looga hadlayaa waxaa shantaasi qodob ay kala yihiin dhisidda gudiga wacyigelinta, dhameystirka istiraatiijiyada wacyigelinta waxaa sidoo kale laga hadlay akhbaareynta xarunta dhexe ee warbaahinta, warbaahinta qaranku ay yeelanayso xarun wax soo saara uuna” ayuu yiri Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis

Shirkan oo shalay magaalada Garoowe ka furay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland ayaa socon doono mudo 4-maalmood,waxaana inta uu socdo ka qeyb galayaasha ay isla meel dhigi doonaan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyadoo ay iska kaashanayaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka.

 

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kula kulmey madaxda shirkadda duulimaadka Turkish Airlines.

0

Wasiir Oomaar ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo celin lahaa diyaaraddii magaca iyo maamuuska ku lahayd ummadda Soomaaliyeed ee Soomaali Airlines.

Mudane: Maxamed C/llaahi Salaad “Oomaar” iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Shirkadda Turkish Airlines waqtiyadii kala duwanaa ay soo martay,wuxuuna Wasiir “Oomaar” uu booqday qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda Turkiga Airlines.

Wasiir “Oomaar” iyo wafdigiisa ayaa warbixino ka dhagaystay Madaxda Shirkada Turkish airlines waqtiyadii ay soo martay iyadoona wasiirka uu booqday qeebaha ay ka koobantahay Shirkada Turkish airlines .

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad “Oomaar” oo warbaahinta kula hadlay magaalada Istanbul ayaa sheegay in kullan mira dhal ah uula yeeshay madaxda shirkadda Turkish Airlines,isagoona hoosta ka xariiqay in booqashada xarunta shirkadda wax badan ka caawin doonto.

Captain Caydaruus oo ka mid ahaa Duuliyeyaashii Soomaali Airlines ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed wax badan ka faa’idi doonaan dib u soo celinta diyaaradda Soomaali  Airlines.

Waxa socda dadaallo xooggan oo la doonayo in lagu mataaneeyo labada Wasaaradood, iyadoona Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya  laga caawin doono arrimo badan waxa jira kullan uu Wasiir “Oomaar” la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka arimaha dibada xukumada soomaaliya oo kulan la qaatay safiirka talyaani soomaliya u fadhiya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Issa Awad ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr.Carlo Campanile isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah.

Intii kulanka lagu gudajiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istratijiyad siyaasadeed ee nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah u dhexeeya.

waxaa sidoo kale laga dooday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.

Wasaarada arimaha gudaha oo daah furtay shirka aqoon iswiidaarsiga federaaleynta

0

Aqoon isweydaarsigan ku saabsan xiriirka federaaleynta oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka socday maamul goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Benaadir, Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Gudaha Federalka iyo dib u hishiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud ayaa ugu horey sharaxay waxa loga hadli doono maalmaha uu socdo aqoon isweydaariga.

“Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ka go’an in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaana loo baahanyahay inaan wax badan ka kororsano fikradaha ay is weydaarsanaaan ka qeyb galayaasha” ayuu yiri Agaasimaha guud.

Qaar kamid xubnaha matalayaay maamul goboleedyada iyo Xoghayaha guud ee Gudiga madaxa Banaan ee xuduudaha iyo Federalka Liibaan Cali Salaad ayaa u mahadceliyay Wasaarada arrimaha Gudaha oo ka shaqeyneysa howlaha culus ee federaaleynta.

Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimha Gudaha, Federalka iyo dib u  hishiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa si rasmi ah furay madasha aqoon isweydaarsiga ee ku saabsan Arrimha awoodda dowladda Goboleedyada iyo Dolwada dhexe marka laga eego Federaaleynta dallka, waxaana uu sheegay in ay muhiimtahay la barto Federaaleynta aduunka ka jirto.