Home Blog Page 1301

Guddoomiyaha Gobolka oo uga warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare qorshe hawlleedka Maamulka Gobolka Benaadir

Muqdisho(SNTV):–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay ugu warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare, qorshe hawleedka Maamulka Gobolka.

Guddoomiyeha ayaa u soo bandhigay Guddiga warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha Amniga, siyaadda, bulshada, shaqooyinka Dawladaha Hoose iyo hannaanka maaliyadeed ee Gobolka.

Eng.Yarisow ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ka dhanka ah musuq-maasuqa ee la qaaday muddadii boqol casho ahayd ee uu xilka hayey, iyadoona sidoo kale la wadaagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare falalka musuq maasuq ee laga hortagay iyo qorshayeesha lagu xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Gobolka Benaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta laamaha ammaanka heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona tilmaamay in ay ka shaqeeyeen xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin shacabka Gobolku sugidda ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha amniga.

Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare oo Guddomiye Yarisow su’aalo ka waydiiyey guud ahaan shaqooyinka Maamulka Gobolka iyo xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Dawladda ayaa ku bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo warbixinta uu ka siiyey qorshe hawleedka Maamulka Gobolka Benaadir.

Duqa Muqdisho oo Daah-furay mashruuca qiimeynta bulaacadaha Caasimadda

0

Muqdisho, 08 May 2018 – Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray mashruuc lagu soo diyaarinayo daraasad iyo qiimeyn la xiriirta sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha biyo fariisadka iyo bulaacadaha oo xilli roobaadka yeesha saameyn weyn.

Maamulka gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howlanaa sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa ka codsaday  bankiga adduunka (World Bunk)  maalgelin buuxda oo magaalada Muqdisho looga hir-gelinayo bullaacado biyaha roobka si toos ah badda ugu shubo iyo dayactirka waddooyinka.

Gudoomiye Yarisow ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xilliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubbooyin qaada biyaha roobka iyo tubbooyin bixiya wasakhda (Sewage), qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan,  si walba ha ahaatee, xilli roobaad walba waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay,  Jidadka waa-weyn oo qaarkood bur-bura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno waqtiga dhow in xal waara loo helo”  -ayuu yiri Gudoomiye Yarisow.

Maamulka gobolka Benaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-uhelidda dhibaatada ay ku hayaan daadaka biyaha roobka ee bur-buriya magaalada, mar walba uu roob da’o, waxa uuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya nadaafadda Caasimadda.

Maamul cusub oo loo magacaabay Degmada Qoryooley ee Shabeellada Hoose

Qoryooley (SNTV) -Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isbedel ku sameeyey maamulka degmada Qoryooley, iyadoo maamul cusub loo magacaabay degmadaasi.

Siid Cali Ibraahim Xasan ayaa loo magacaabay guddoomiyahay degmada Qoryooley halka kuxigeenna loo magacaabay Maxamed Cabdi Cabdullaahi Gaashaan.

Waxaa sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyey maamulkii hore ee degmadaasi ka talinayay

Akhriso magacaabista maamulkan cusub.

Wasiirka Amniga XFS oo Finland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalkaasi

Finland (SNTV)- Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa  safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa la kulmey wasiirka arrimaha gudaha Finland, waxaana laga wadahadlay iskaashi laga yeesho dhinacyada amniga, socdaalka iyo baasaboorka  Soomaaliga ah.
Dhinaca kale agaasimaha guud ee HSJ ayaa kulan gaar ah la qaatay kusimaha agaasimaha guud ee laanta socdaalka Finland, waxa ayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha socdaalka.
Fniland ayaa ballan qaaday tababarro ay u sameynayaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.
Dalka Finland ayaa ka mid ah dalalka laga sugayo go’aanka dib u tix gelinta baasaboorka Soomaaliya, waxa ayna ballan qaadeen in ay dedejin doonaan habka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya.
Wafdiga wasiirka ayaa booqday qaar ka mid ah xarumaha ilaalada xuduudaha iyo xarunta isku xirka howlgallada amniga iyo socdaalada ee Finland.
Ugu dambeyn wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Boolista Dalka Filand oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogta iyo qibradaha Booliska iyo sidoo  kale sidii ay Dowlada Filand qeyb uga qaadan laheyd tababaridda ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Nairobi-(SNTV)– Ciidanka Boliiska Dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Lamaane Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay xiriirro kala duwan la leeyihiin Ururka  argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Lammaanahan oo lagu kala Magacaabo  Yaasiin Cabdille Xuseen (Abu Sumeiya ) oo 42 jir ah iyo Xaaskiisa, Fartuun Maxamed Guuleed, oo 41 jir ah, ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi.

Labadan Qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Cabdi weli Maxamed Guuleed, oo loogu yeero ( Abdiweli Kamaure) oo ah Maskaxdii ka dambaysay weerarkii kal hore ka dhacay Mandheera Kenya.

C/wali Maxamed Guuleed ( Abdiweli Kamaure) oo ah Fartuun Walaalkeed ayaa la rumaysan yahay inuu soo maleegay weerarkii Novembar 2014-kii lagu qaaday Bas marayay nawaaxiga Mandheera, kaasoo lagu laayay Dad u badnaa Kiristan.

Yaasiin Cabdille Xuseen , oo ah ganacsade ka shaqeeya howlaha qandaraasyada ayaa la sheegay inuu dhaqaala badan ku bixiyo dhaq-dhaqaaqyada Hubeysan ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan qaybo kal mid ah Kenya iyo Soomaaliya.

Isha/ The Star

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudiyada Barlamaanka

0

Gudoomiyaha golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa kulamo gaar gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah gudiyada golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka.

Gudiyada uu maanta gudoomiyaha golaha shacabka la kulmay ayaa waxaa ka mid ah gudiyada Maaliyada, Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka, waxaana gudi walba uu ka wareysanayay howlaha uu qabto qorshayaasha hada u degsan, sidoo kale gudiyadan ayaa gudoomiyaha usoo bandhigayay qorshe-howleedkooda.

Dhinaca kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa isla Xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay Madax ka socotay Hay’adda Mex-Plan oo ka mid ah hay’adaha taageera Baarlamaanka Dalka ,waxayna kala saxiixdeen heshiis wada shaqeyneed oo u dhexeeyso hay’adahaas iyo Baarlamaanka Dalka sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka 

“Maanta waxa uu gudoonmiyaha golaha shacabka la kulmay qaar ka midaa gudiyada barlamaanka waxa ayna ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaay howsha ay hortaal, iyadoo dhanka kale gudoomiyaha uu heshiis tageernimo iyo wada shaqeeyn la saxiixday Hay’adaha Mex-Plan oo barlamaanka gacan buuxda ka siiya hormarinta xildhibaanada golaha shacabka” ayuu yiri xoghayaha barlamaanka soomaaliya.

R/W Khayre oo kulan la qaatay Madaxa Golaha Amaanka Cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.

Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.

Shir looga hadlayay qabyo qoraalka sharciga doorashooyinka oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay sharci yaqaano ka kala socda Gobollada dalka, Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xaduudaha, Wasaaradda Cadaaladda iyo Wasaaaradda Dastuurka.

Ka qeyb galayaasha kulanka oo koox  koox loo qeybiyay ayaa dood qaadatay laba maalmood ka yeeshay qabya qoraalka sharciga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Gabagabada kulanka Agaasimaha Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa sheegay in talooyinka  ka soo baxay dooda ka qeyb galayaasha ay qaadanayaan, Wasaaraduna ay sii balaarinayso la tashiga qeybaha muhiimka u ah sameynta sharcigaan.

“Waxaan ku faraxsanahay fikradaha iyo talooyinka wanaagsan nala siiyay, waana diiwaan gashanay, waxay qeyb ka noqonayaan talooyinka nagu soo biiri doono  ee ka imaanaya gobolka Benaadir, Dowlad Goboleedyada iyo qofkasto oo Somaali ah oo wax ku kordhinaya sharcigaan” ayuu yiri Agaasimaha

Agaasime Cabdinaasir waxa uu intaa ku daray inay hubin doonaan qabya qoraalka sharciga doorashooyinka inuu waafaqsan yahay shuruucda dalka u degsan.

‘’Waxaan hubin doonaa inuu waafaqsan yahay Dastuurka dalka iyo shuruucda kale, waxaana marsiinaynaa 11  geeddi socod oo sharci walba uu marana waa uu maraya qabya qoraalkaan”

Kulankaan ayaa ka qeyb ka ah dadaalada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ee dhameystirka sharciyada muhiimka u ah doorasho qof iyo cod ah inay ka hirgasho guud ahaan dalka.

Xasilinta deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hadlay

0

Muqdisho (SNTV) -Barnaamijkan looga hadlayo xasilinta Deegaanadana Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhusamareb waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad Goboleedka Galmudug waxaana ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug, Xildhibaanno, Saraakiisha ciidamada iyo Hama oo ka socday Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey .

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa daahfuray Barnaamijkan waxa uuna sheegay in muhiimada shirkani leeyahay ay tahay sidii looga fakari lahaa xasilinta meelaha lagala wareegayo maleeshiyaadka Al-shabaab loona gaarsiin lahaa nidaamka Dowliga ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Amniga Galmudug Xaaji Mahad ayaa waxa uu sheegay in xasilintu ay tahay faa’iidooyinka ka dambeeya Amniga, Wasaarada Amniguna ku dadaali doonto inay meelo badan oo ka tirsan Galmudug sidii loo xaqiijin lahaa Amnigooda.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Sacdiyo Saylac ayaa waxa ay ka hadashay Hannaanka Xasilinta Galmudug halka uu haatan marayo oo ay xustay in uu meel wanaagsan marayo, loona baahanyahay in arrintaasi ala sii xoojiyo.

Ugu dambayn Hama oo ka socda Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee UNSOM ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in la qaban doono kulamo kale kuwaa oo looga hadli doono xasilinta amniga.

Eng. Yarisow, oo kulan la qaatay Danjiraha dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha obolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines.

labada masuul ayaa ka wada hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha, daafaha iyo horumarinta caasimadda

Duqa Caasimadda ayaa uga warbixiyey horumarka  dhinacyada kala duwan leh oo ay  ka sameeyeen maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan, waxuuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha.