Dibad baxayaal ku tilmaamay Netanyahu “Dembiile dagaal” xilli uu Socdaal ku tagay Paris

Date:

Dibad baxayaasha careysan oo isagu soo baxay waddooyinka magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa ku baaqayay in Ra’iisul wasaare Netanyahu loo aqoonsado dembiile dagaal.

Carada ka dhanka ah siyaasadaha Israa’iil ayaa cirka isku sii shareeraya xilliga booqashada Netanyahu ee uu ku tagay dalka Faransiiska.

Booqashada R/wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa soo wajahday dhaleeceeyn uga timid tiro badan oo mudaaharaadayaal ah kuwaasi oo ku baaqayay in loo aqoonsado dembiile dagaal kadib markii uu Netanyahu booqashadiisa oo loogu magac-daray socdaalka caasimadaha Yurub, taasi oo uu ku gaaray magaalada Paris.

“Waxaan halkan u joognaa inaan xasuusino Netanyahu iyo dunida daraasiinta falastiiniyiinta ee aanan hubeysnayn kuwaasi oo ay dileen ciidamada Israa’iil bishii lasoo dhaafay,” sidaasi waxaa yiri Antoine oo ah arday 19 jir ah.

Ujeedada booqashada rasmiga ah ee Netanyahu ayaa waxa ay tahay in uu madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron uu taageero ugu helo arrinta Iiran iyo sidoo kale in la billaabo mashruuca dhinaca cilmi sayniska iyo dhaqanka ee u dhaxeeya Faransiiska iyo Israa’iil.

Dibad baxyaasha ayaa waddooyinka ka muujiyay sidii in ay xoogga saaraan sida ay Israa’iil ula dhaqanto dadka Falastiin iyo talaabooyinka howlgalada ay ciidamada Israa’iil ka fulliyeen xadka marinka Qaza.

Sawir uu ka muuqdo wiil 21-sano jir oo katirsanaa kooxda caafimaadka Falastiin kaasi oo uu toogasho ku dilay askari Israa’iili ah 1-dii bishan June ayaa astaan looga dhigay halku-dhigyada ay wateen dibadbaxayaasha  iyadoo lagu qoray “Israa’iil waa dilaa, Macron waa gacansiiye”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...