Dibad baxayaal ku tilmaamay Netanyahu “Dembiile dagaal” xilli uu Socdaal ku tagay Paris

Date:

Dibad baxayaasha careysan oo isagu soo baxay waddooyinka magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa ku baaqayay in Ra’iisul wasaare Netanyahu loo aqoonsado dembiile dagaal.

Carada ka dhanka ah siyaasadaha Israa’iil ayaa cirka isku sii shareeraya xilliga booqashada Netanyahu ee uu ku tagay dalka Faransiiska.

Booqashada R/wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waxaa soo wajahday dhaleeceeyn uga timid tiro badan oo mudaaharaadayaal ah kuwaasi oo ku baaqayay in loo aqoonsado dembiile dagaal kadib markii uu Netanyahu booqashadiisa oo loogu magac-daray socdaalka caasimadaha Yurub, taasi oo uu ku gaaray magaalada Paris.

“Waxaan halkan u joognaa inaan xasuusino Netanyahu iyo dunida daraasiinta falastiiniyiinta ee aanan hubeysnayn kuwaasi oo ay dileen ciidamada Israa’iil bishii lasoo dhaafay,” sidaasi waxaa yiri Antoine oo ah arday 19 jir ah.

Ujeedada booqashada rasmiga ah ee Netanyahu ayaa waxa ay tahay in uu madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron uu taageero ugu helo arrinta Iiran iyo sidoo kale in la billaabo mashruuca dhinaca cilmi sayniska iyo dhaqanka ee u dhaxeeya Faransiiska iyo Israa’iil.

Dibad baxyaasha ayaa waddooyinka ka muujiyay sidii in ay xoogga saaraan sida ay Israa’iil ula dhaqanto dadka Falastiin iyo talaabooyinka howlgalada ay ciidamada Israa’iil ka fulliyeen xadka marinka Qaza.

Sawir uu ka muuqdo wiil 21-sano jir oo katirsanaa kooxda caafimaadka Falastiin kaasi oo uu toogasho ku dilay askari Israa’iili ah 1-dii bishan June ayaa astaan looga dhigay halku-dhigyada ay wateen dibadbaxayaasha  iyadoo lagu qoray “Israa’iil waa dilaa, Macron waa gacansiiye”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...