Kim iyo Trump oo kulankooda lagu qaban doono Jasiiradda Sentosa 12-June

Date:

Kulankani oo si aad ah loo wada sugayo ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan labada hogaamiye ee dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo Donald Trump.

Shirkan oo lagu tilmaamay shir madaxeed ayaa si hordhac waxaa la shaaciyay in lagu qaban doono dhismo hotel oo kuyaala deegaanka jasiiradda Sentosa oo kutaala dalka Singapore, sida uu sheegay Aqalka cad ee dalka Mareykanka.

Shir madaxeedka labada hogaamiye ayaa daaha laga rogay inuu yahay kii koowaad ee noociisa ah oo ay yeeshaan labada madaxweyne ee Kim John-Un iyo Donald Trump oo haatan xilka haya.

Shirka labada madaxweyne oo la tilmaamay inuu qabsoomo abaara 12- bishan Juune ee sanadkan 2018-ka ayaanan weli la helin xogta rasmiga ah ee la halmaasha sida ay wax ku billaaban doonaan oo xagga wadahadalada ah.

Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday talaaladii lasoo dhaafay in ay si wanaagsan u socdaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay jiraan wada xiriir ka dhaxeeya labada dhinac oo kusaabsan wadahadallada, Trum ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah ay leeyihiin wadahadallada.

Balse jasiiraddaas ayaa sidoo kale taariikh u leh, burcad badeed, dhiig ku daata iyo dagaal.

Jasiiradda Sentosa ayaa ah jasiiradaha fac weyn oo ku caan baxday taariikho isagu jira dagaal iyo falalka burcad badeedka oo waa soo maray, waxa ay ka kooban tahay lixdan iyo saddex, waxaana jasiiradda bad ahaan lagu qiyaasay shan boqol oo hektar, halkaasi oo uu dhaqaale badan kasoo galo dalka Singapore sababta oo ah dalxiiska ayaa u raaxo taga maxaayeelay waxa ay leedahahay doomo loo adeegsado siyaabo kala gedisan waxaana sidoo kale kuyaala meelo lagu cayaaro cayaaraha Golf-ka.

Xoghayaha Aqalka Cad ugu qaabilsan dhinaca xiriirka saxaafadda Sarah Sanders ayaa boggeeda Twitter-ka kusoo qortay in shirka uu ka dhici doono dhismaha hoteelka oo lagu magacaabo Capella.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...