Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku sugan magaaladda Baydhabo, halkaasi oo uu u tagay ka qeyb galka shirka Golaha amniga Qaranka, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha, ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Talisyadaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo askar Ciidanka Booliska qeybta Koofur galbeed ka tirsan.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa khudbad dheer u jeediyey Ciidanka ka howlgala Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska Baydhabo, waxaana uu kula dardaarmay in shaqada la dardar geliyo, isaggoo xusay in asakarigii shaqo wanaagsan qabtaa Qaranka abaal marin uu siin doonno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...